Osman Ahmed
Mr. A. Abdulahi
Contact
The Designer
Asaaska Suugaanta Soomaalida
ISBN: 978-91-976364-9-4
 
Naqdin
 

Maahmaah soomaaliyeed ayaa ku soo biyo shubanaysa: “Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa.” Anigu haddaan is iraahdo gar cadaawe isku qaad waxaan durbaba soo saari lahaa dhowrkan soo socda:

  1. Buuggan dadka wax ka faa’idaysan karaa aad bey u kooban yihiin. Ujeeddada ugu weyn ee aan is lahaa waxaad ahayd farriintaada gaarsiisaa dadka intiisa badan waxaa ii caddaatay inaan midaa sidii aan rabay la helin.
  2. Khaladaad fara badan oo asalaan ka soo jeeda naxwaha af Soomaaliga ayaa ku jira, ha joogto midka madbacada. Kan dambe ee madbacada, khaladkeedu waa il duuf ka yimi kii saxnaa ayaa laga tegay, dambigeedana anigaa iska leh.
  3. Dulucda iyo nuxurka maansada oo ay tahay ruuxa dhageysanaya inuu la soo baxo halka ay iska eg yihiin iyo meesha iska seegan yihiin sida labadan midna guurow midka kalena gabay:

Minaan dayey wax ii raaya maleh raadna kuma yaalo

Waxaan soo miliilicay dhul aan maalba soo galine

Anigu haddii aan is iraahdo sharax ka bixi waxaan ka tegayaa ujeeddadii hore ahayd isku miisaanka laba maanso (Comparative Analysis). Ilaa haddeer intaa aan ku joogiyo, waxaase mudan akhristayaasha sharafta leh in wixii khalad aad aragtid waa la soo dhoweynayaa. Shaki waxaan ku jirin inay qaniimad ii noqonayso daabacadda xigta haddii Eebbe idmo.

Akhris wanaagsan

Qoraha
Abdulfatah Gacmadheere

Updated Feb, 18th, 2008 - 11:00pm


Naqdin | Nala Soo Xidhiidh | Halkan Ka Dalbo | Bogga Hore
© Copyright 2008 Mr. Adifitah Abdulahi, All Rights Reserved.