Osman Ahmed
Mr. A. Abdulahi
Contact
The Designer
Asaaska Suugaanta Soomaalida
ISBN: 978-91-976364-9-4
 
Soo Dhawaada!
 

Waxaana daabacay: Shirkadda Scansom Publishers, Stockholm, ka kooban 254 bog. ISBN: 978-91-976364-9-4.

Buuggan waxaa hordhaciisa qalinka ku duuqay Xasan Sheekh Mumin, gabayaa, mu’alif iyo qoraaga: {Leopard Amoung the Women: Somali Play Shabeel Naagood, London @1974, Oxford University Press.}

Buuggani wuxuu wada dulmarayaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaybaha ay u kala baxdo. Kulligood maansada hadday ahaan lahayd gabay, guurow, jiifto, geeraar, shirib, wiglo, hirwo, dhaanto, buraanbur iyo heello. Kan ugu dambeeya, heellada laga wada askumi karo mid kasta sideeda hore midkood ama isku dhafkood. Dhinaca kale, heellada waxay ka soo jeedaa hees dhaqameed haddaan ka soo qaadano mitaalkan caanka ah ee heesaha u gaarka ah marka awrta la rarayo loo yaqaan salsal:

Libaax iida ma daayo
Geel hareeri ma daayo
Haboonow labadeenuna
Habeen guure ma dayno..!

Onkod roobka ma daayo
Aarna taaha ma daayo
Anna taa ma ilaawo
Jacayl ood rogan maayo
Oon hilaac bixin maayo….!

Sidaas ay tahay waxaa ayana meesha ka maqnayn baab dhan oo ka baaraan degayo dabarka jaanjooyo maansada hadday ahaan lahayd xili (wakhti), meel (makaan) iyo saab (time, place and space) iyo qalabyada lagu isticmaalo. Aynu soo qaadano midkan:

Ogobay salowga taaha
Iyo sowdka dhaantada
Codkeennaa sameeyee
Midba saacad weeyee…!

Sida hadda ka horow la aaminsanaa, in maansada Soomaaliyeed tahay jaantaa waran. Arrintaas maanta buuggan ayaa warkaas ka dhigay wax kama jiraan. Intaa waxaa dheer hees dhaqameedka ayana baab gooni ah ayaa lagu kala gurey sida: hees carruureed, xooleed, hawleed iyo badeed. Tusaale haddaynu ka soo qaadano hees dhaqamedka waxaa inoo soo baxaysa dhaqanka iyo hiddaha aynu ka soo jeedno:

Diin god gel, god goroyo gel, goroyo god gel iyo god diin gal.

Hees carruureedkan waxa loo yaqaanaa “Carrab jalqin.” Waa hees carruurta lagu baro inay ku ciyaaraan si carrabkoodu ku leylsamo afkana ku bartaan. Afafkan qalaad waxaa loo yaqaanaa khaasatan af Ingiriiska “Tongue Twisters.” Su’aalbaa imanaysa sida afkayagu ma qornee oola mid noqday afafkan aad qadiimka u ah? Sidaa waa la moodaaye, xaqiiqadu af Soomaaliga aad ayuu u fac weyn yahay afafka kalena haddii uusan ka sarreynin waxba uma oga ee ceebtiisu waxay noqotay inaan la qorin kaliya.

Qaybahaas idil waxaa la isugu keenay geedka suugaanta markii ugu horeysay hab garaaf (graphic). Waxaa weheliya habka curinta sheekooyinka hadday ahaan lahayd maqal iyo muuqaal. Waxaa lagu khatimay labo lifaaq kala ah: taariikhda qoraalka farta Soomaaliga iyo afka Maymaayda oo dhowaan la qoray.

Ugu dambayntii, isku soo wada duub, waxaan filayaa inuusan buuggani ku hungoobi doonin qofkii dareen suugaaneed leh ama kii jecel inuu fahmo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Hadda ka hor, tix iyo tiraab meel lagu jaan gooyey lama wada arag. Suugaan qofka u kuur galadaneeya meel uu wax ka bilaabo ama uu ka barto ayuu heli karaa baan is leeyahay. Hadal haamo ma buuxshee! Akhris wanaagsan

Qoraha
Abdulfatah Gacmadheere

Updated July, 7th, 2005 - 11:00pm


Naqdin | Nala Soo Xidhiidh | Halkan Ka Dalbo | Bogga Hore
© Copyright 2008 Mr. Adifitah Abdulahi, All Rights Reserved.