Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Xidhiidh
Aniga waxaa ii muuqda in shacabiwaynaha soomaaliyeed uu imika kusii jeedo mustaqbal ifaya oo wanaagsan.". Sheekh Shariif Sh. Axmed Maqal+

"Rabitaanka Shacabku Ixtiraam Buu Mudan yahay". Sh.A.Qani Qorani. Maqal+
Inna Caydiid.
"Xasan Daahir Waa Nin Nabad Ka Keeni Kara Soomaaliya". Inna Caydiid Akhri+
Cadde Muuse.
"Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Cadde Oo Balantii Ka Baxay! Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Magaciisu waa Illahay baa nagu filan Maqal+
Soomaaliya iyo
Taariikh

Horta halkan waxa ina dhigay Maqal+
Musiibadda Soomaaliya


Ku Habsatay Yaa Loo Aanaynayaa?

Posted: 12.30.06 2:29 AM

Voy. Dhibatadda Soomaaliya waa ay adagtahay in si sahlan loo garto, waxaana sabab looga dhigay iyaddii oo adag islamarkaana ay bud dhig u tahay umuur faradhaaftay oo iswada huwan, sidoo kale waxaan suuragal ahayn in si yar oo fudud loo farfiiqo halka ay salka ku hayso, amaba in loo tiiriyo sababo tilmaaman oo inta sal mugii loo fadhiistay si dhan go'aan loogaga wada gaadhay.

Dhanka kale hadii la damco in wax un laga tilmaamo waxaan odhan karnaa, dhibaatadda Soomaaliya waa umuuro si dhan isuwada huwan, kuwan oo si baahsan uwada saameeyey Siyaasadda, Dhaqaaalaha, Arimaha bulshadda, kuwan oo tan iyo mudo aan dhawayn isi soo tarayay, islamarkaana gaadhsiiyay halka ay imika umuurtu taalo.

Tan hadaba ay sababsatay arimaha aan xagga sare ku xusnay ayaa ah mid si guud ugu noqonaysa xiligii Gumaysiga, marka taa lala eego qaybo ka mid ah dhibaatooyinkaa oo qudhoodu aan ka marayn xiligii xoriyadda ka dib, iyo xukuumadii Meleleteriga ahayd, adiga oo aan ka reebin dagaaldii Soomaaliya ka qarxay 91kii.

Arimahaas oo dhan iyo kuwo kale oo intaa garab socda ayaan wax un kaga odhan doonaa halka iyo qaabka saldhiga dhibaatadda Soomaaliya.

  1. Dhaxalkii Gumaysi; Dhaqanka, Aragtiyadda, Habdhaqanka Siyaasadeed, Maamulka iyo Arimaha Bulshadda.

    • Siyaasadaynta
      Qabiilka.

      Gumaysiga oo dhaqankiisu ahaa in uu ukala qaybiyo dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed kooxo kooxo qabiil ku dhisan oo kuligood soo kala horjeeda, isaga oo mar walba ka duulayay in aysan Soomaalidu marnaba maqal ama aysan ku hamiyin "Qaran", waxaa uu heshiisyo hoosaad kula galay goboladoodii odayadii qabiiladda, isaga oo ka dhigaya gobol walba iyo qabiil walba mid u madaxbanaan maaraynta danihiisa siyaasadeed.

      Arintani waxa ay dhalisay in aqoonsiga siyaasadeed ee Soomaalidii xiligaa ay noqoto oo keliya gobolka iyo qabiilka uu kasoo jeedo, iyadda oo aysan meesha ka marnayn in reer waliba reerka kale loo tuso reer hebel baa xukunkiina iyo maamulkiinii kusoo duulay, waana sawirka aan maanta hayno oo kaba daran kii hore, oo isagu inta ay umuurtu dhinac walba ka soo xidhantay uu Land-ku noqday hadaaqa keliya ee hadhay.

      Tani waxa ay meesha ka saartay xiligii gumaysiga in mar keliya lagu fekiro Wadaninimadii, iyo in dhulkii Soomaaliyeed uu yeesho dal iyo dad keliya, tan oo uu gumaysigu u arkayay in hadii ay Soomaalidu taa u irkadaan ay isaga meesha karto.

    • Qaybintii Dhulkii
      Soomaalida.

      oo isagu shan qaybood laga dhigay, Soomaaliyadii Talyaaniga, Soomaaliyadii Faransiiska, Soomaalida Ogaden, Soomaalida Kenya, qaybintan ayaa iyadna lasoo baxday siyaasado dhaqandhaqaale oo kale oo is wada diidan, waxaa qayb walba si xoogan u saameeyey siyaasada gumaysigii gacanta ku dhigay, waxaa qayb walba laga dhartiray dhaqankii awoowgood iyo halkii ay maskaxdoodu kaga qorayd qaybihii kale ee laga soo jadhay. Arimahan ayaa u dheeraa iyagii oo luqunta la isuwada geliyay.

    • Dhaxalkii Qaybintii
      Gumaysiga.

      oo xoriyadii ka dib iyo dowladii ugu xooga badnayd ee Soomaali u dhalatay ka dhigay mashruucii ugu horeeyay ee ugu muhimsanaa ee ay ku talaabsato xorayntii dhulkii Soomaalida ee xooga lagu haystay, fekirkan ayaa geliyey dagaalo isdaba joog ah oo uu dhaqaale badan ku baxay.

      Damacan oo uu gumaysigu hagayay ayaa sababay loolan aad u dheeraa kadib in uu wiiqmo dhaqaalihii dowladii Soomaaliyeed, walow xiligaa cashar loo dhigay cadowga Soomaalida ee Weligii "Itoobiya", hadana waxa uu gumaysigu ku dadaalayay in aysan dowladani sii jidhin, sida qoran waxaa xiligaa Sharad kala dhigatay Gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriisida, kuwan oo lahaa Soomaaliya ayaa guulaysan doonta iyo mayee Itoobiya.

      Dagaalkan ayaa sabab u ahaa bilowgii Qaran Jabka, marka aad si dhab ah ugu fiirsato labada arimood ee ugu muhimsan, dhaqaalihi dalka oo budhbudhay iyo Dowladii Soomaaliyeed oo dunida oo dhami ay go'doomisay, xataa marka lagu daro kuwa aynu isku diinta nahay ee Carabta, oo iyagu sida qoran gadhgaadhayay Itoobiya waqtigii aan dagaalka kula jidhnay.

    • Saboolaynta.
      Oo ah siyaasadda uu sida ugu wayn ugu guulaystay Gumaysigu, waxa uu marnaba ka ilaaliyey dalka wax walba oo sheegta mashaariic horumarineed, waxa ay khubaradii gumaysigu noosoo diri jiray kula talin jireen Hogaamiyayashii dalka in uu dalku si dhan ugu tiirsanaado gadhgaadhkii uu dibadda ka heli jirnay.

      Waxaan sidoo kale lagaba fekirin Mashruuc si wanaagsan loo daraaseeyey oo uu dalku oga faa'iidaysan karo illaha dhaqaale iyo waxyaabaha uu ganiga ku yahay, tan oo sababi kartay in laga maarmo gadhgaadhkasta oo dibadda loogaga keeni lahaa, waxaa si joogta ah uu arki karay qofkii ku noolaa dalka in xiliga miruhu soo go'ayaan galay boloshay oo sadaqo ah la keeni jiray, si uu ninkaa beeralayda ahi tobanjeer u khasaaro.

  2. Loolankii Siyaasadda ayaa isaguna fursad u siiyey in cadowa weligii ee Soomaaliya Itoobiya iyo Liibiya oo garab taagnayd, ay soo hubeeyaan qaybo badan oo qabiiladda Soomaalida ah, tani waxa ay dhalisay in ay dowladii Soomaaliyeed ay dhunto haybadeedii, islamarkaana ay si buuxda u awoodi wayso in ay u hanato amaanka dalka oo dhan, mudo yar kadibna waxaa xigay Qaran Jabkii.

  3. Dagaalkii Qaboobaa iyo tarntankii quwadaha wawayn ee Gobolka geeska Afrika oo isagana saamayn wayn ku yeeshay Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, kuwan oo dagaalkii ay kula jidheen Dowladii Soomaalida u wakiishay waxa ay waaga ugu yeedheen Mucaaradka Hubaysan, oo sida ugu badan ay iyagu u taageeri jidheen.

  4. Gadhgaadhkii Galbeedku siinayeen Itoobiya iyo Dowladihii Islaamka iyo Carabta oo dib wax badanna ogaga gurtay Saacideyntii Dowladii Soomaalida, go'doomintan ayaa la odhankaraa iyadna waxa ay qayb aan qaybsamin u noqotay sababha ugu badan ee loo aanaynayo Musiibadda Soomaaliya iyo in gobolku uu hoostago Istiraatiijiyadda dowliga iyo tan Gobolka oo soo jiiday dhibaatadii ugu badnayd ee abid soo waajahda Dhulkii Soomaaliya.

  5. Dowladihii Soomaaliya soo maray oo dhan oo ku guul daraystay xal u helida haraadigii dhaqandhaqaale ee uu kaga tagay gumaysigu dalka, sababta iyagga oo aan haysan kawaadir aqoon wanaagsan u leh Maamulka, halkan weeye hadaba meesha ay sartu ka quruntay oo ay fursadda ka heleen hogaamiyayaasha qabiilki in ay xukunka soo gaadhaan, ama ay sii haystaan wixii Gumaysigu u dhiibay waagii uu kaga shaqaysiiyay "Qaybi Oo Xukun".

    Xiligaa kadib ayuu wax badanna jidhay qiimaynta qabyaaladda iyo wax ku qaybsigeeda, halkii loo eegi lahaa qofka laga shaqaalaynayo hay'adaha dowladda ama xil looga dhiibayo, ilaa iyo maanta oo qarnigan duniduba dhaqaaqday lagu jidho ayaa ay weli xaaladu maraysaa in wax lagu qaybsado 4.5.

  6. Shuuciyadii Dalka Lagu Soo Rogay inqilaabkii meletery ee sanadkii 1969kii, oo si wayn ay isu diidanaayeen dhaqanka iyo diinta ummadda Soomaaliyeed, iyadda oo laga soo qaaday sida wax aan jidhin culimadii, waxgaradkii iyo aqoonyahankii, diintii oo lala dagaalamay, Siyaasaddii xukunkii Siyaad Barre oo si wayn ugu tiirsanaa kalgacaylkii uu u qabay wiilasha Qabiilka.

    Tani waxa ay goortii dambe dhalisay in qabiiladda kale ay u tartamaan sidii ay u gaadhi lahaayeen kursiga, iyagga oo ka rajo qabay in maalin un ay dhaqmaan sida Siyaad Bare. Loo sacaba tumo, soo dhawaystaan Wiilasha Qabiiladooda, inta aan reerkooda ahayna madaxa ka garaacaan, marka taa lagu daro jacaylka ay u qabaan dhaqaale farabadan oo ay gacanta ku dhigaan.

  7. Hantida Qaranka oo boob aan loo meel dayin lagu hayay, iyadda oo looga faa'iidaysanayay qaab aan sharci ahayn, heer ay madaxadii qaranku gaadheen in ay tartamaan sidii uu mid waliba u kasban lahaa Kalsoonida Madaxwaynaha, iyadda oo ujeedada ka dambaysaana ay tahay oo keliya, sidii meel dhandhan leh loogu dhiibi lahaa, gaar ahaan xarumaha ay kusoo dhacaan deeqdii dibadda oga iman jidhay Soomaaliya, oo ugu dhandhan roonayd xiliyadii dambe.

  8. Diintii Illahay. Intan iyo kuwa kale oo farabadan ayaa la odhan karaa waxaa loo aanaynayaa Musiibadda Soomaaliya ku habsatay, waxaa iyadna si gooni ah in loo xuso mudan, in dalka iyo dadka Soomaaliya dhibaatadda ku habsatay ay tahay mid asal ahaan ba kasoo jeeda, Diintii Illahay iyo Dhaqankii Suubaanaa ee uu u gartay oo ay isaga tageen, waayo hadii ay dawga Illahay qaadi lahaayeen waxaan oo dhib ahiba ma aysan dhaceen.

Umuurtan ayaad mooda marka si dhan loo wada akhriyo, islamarkaana lagu daro in kale oo intan ka badan ayaa la odhan karaa waxa ay dhalisay musiibadan faradhaaftay ee ku habsatay Ummadda Soomaaliyeed tan iyo bilowgii jidhitaankeedii..

Voy+NAgency
___________

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Cabdirisaq Xaaji Xuseen
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Sh.Cali Warsame Oo Abaalgud Ka Codsaday S/Land-ta. Akhri+
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Itoobiya Ciidamadeda Ha Kala Baxdo Maqal+
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Guusha Som. Minnesota. Akhri+
Haantaawilifka Baydhabo Akhri+
Gudoomiyaha Bar. & Muqdisho. Akhri+
Islaamiyiinta Oo La Dhaleeceeyey Akhri+
Eedeynta Dowladda Baydhabo. Akhri+
Burburka Madasha Kharduum. Akhri+
Kooxda Baydhabo Oo Isdiidan. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.