Madaxa Golaha Fulinta Islaamiyiinta Sh.Shariff Sh.Axmed ayaa ugu baaqay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee diinta iyo dalka jecel in ay guntadaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, oo ay dagaalo dagaal oogayaashu tan iyo burburkii hurinayeen la ildarayd ilaa 1991kii, umuurtan ayuu Sh.Shariff si gooni ah carabka ugu dhuftay in ay mas'uuliyad ka saarantahay dhamaan Soomaalida dareensan dhibaatadda uu dalku ku jira maanta.
Sh.Shariff waxa uu si aan gabaad lahayn u sheegay in ay Islaamiyiintuna qayb ka noqon doonaan wadahadalo ay Soomaalida danaynaysa dalka iyo dadku udhanyihiin, kuwan oo dhawaan loo qalab uruursan doono, waxa uu ka gaabsaday ka hadalka wadahadaladaa iyo halka ay ka dhici doonaan, iyo weliba goorta la filayo in la oogo oo la isugu yimaado.
Hadalkan uu Sh.Shariif siiyay warfidyeenka oo ah kii ugu horeeyey tan iyo goortii ay gaaladda isku rarani kasoo saareen Islaamiyiintii uu horjoogaha u ahaa Xarunta Soomaaliya Muqdisho bishii Dec.27keedii, ayuu ku celceliyay in Soomaaliya oo dib u heshiisiin loo dhanyahay lawada galaa ay tahay dariiqadda keliya ee lagu dhamayn karo dhibaatdda Soomaaliya.
"Islaamiyiintu diyaar ayay u yihiin wadahadal walba oo ay la galaan cidwalba oo danaynaysa ama dareemaysa xanuunka dhibaatadda Soomaaliya ay leedahay, iyo sida dadka Soomaaliyeed oo meel walba dunida daadsan ay u saamaysay taa, Soomaaliya maanta waxay u baahantahay dad caqli iyo cilmi leh oo ay Soomaalidu ku kalsoonaan karaan, islamarkaana ay imaan wayn ku qabaan, kuwan oo ay suuragal tahay in uu shacabku isu dhiibo" ayuu yidhi Sh.Shariif.
Sheekhu waxaa kaloo carabka ku dhuftay cadowga weligii ee Soomaaliya qudhiisu in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la galaan oo ay waydiiyaan bal ujeedada ay Soomaaliya ka leeyihiin, hadii markaa ay ka reebtoomaan dhibaatadda ay ku hayaan Soomaaliya islamarkaana ay dalka ciidamadooda kala baxaan.
Intaas oo dhan waxaa ka muhimsanaa bishaaro wayn oo uu u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed kadib markii uu sheegay in Hogaankii Sare ee Islaamiyiinta ee kasoo baxay Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ay kuligood bad qabaan, si joogta ahna uu isagu qudhiisu ola xihdiidho, "Hogaankii sare ee Islaamiyinta qaarna waxa ay joogaan gudaha Soomaaliya, inta kalena waxa ay ku suganyihiin dalka dibadiisa" ayuu yidhi sheekhu.
Maraykanka Iyo Soomaaliya.
Dhanka kale Sh.Shariif waxa uu sheegay in Islaamiyiinta iyo Maraykanka ay ku heshiiyeen wadahadalo bilow ahaa in Soomaaliya nabad loo dhanyahay laga dhaliyo, iyadda oo loo marayo dhanka wadahadaladda, Sheekhu isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi "Ilaa iyo imika waxaan isku afgaranay in nabadda laga wada shaqeeyo, wadahadalan udhexeeya Islaamiyiinta iyo Maraykanka way sii socon doonaan iinshaa Allah".
Sheekh Shariif waxaa kaloo uu sheegay in kulankii uu la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Kenya uu ahaa mid saaxiibtinimo, Safiirku mar walba wuu lasoo xidhiidhi jiray Islaamiyiinta, isagana qaybta ugu badan ka qaatay in Hogaankii sare ee Islaamiyiinta ay kasoo baxaan Soomaaliya oo ay soo gaadhaan Kenya.
Mar wax laga waydiiyay in Islaamiyiintu ay haystaan Askar Maraykan ah iyo in kale ayuu ku jawaabay Sheeku "Wax aan ka ogahay arintaa ma jiraan", waxaa kaloo uu Sheekhu ku tilmaamay wax kama jiraan in uu ka guurayo Kenya oo uu degi doono Yemen, waxa uu yidhi isagoo taa ka hadlayana "Waxaan joogi doonaa Kenya waa ay dhici kartaa in aan dalal dhowr ah tago, kuwan oo aan shaqo u tegi doono iyo sidii arimaha cakiran ee Soomaaliya loo furdaamin lahaa".
Waxaa kaloo uu sheekhu tilmaamay in ay imika u socdaan Isaga oo matalaya Islaamiyiita iyo dalal carbeed sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa dhibaatadda Soomaaliya, islamarkaana Ummadda Soomaaliyeed oo dhibaato iyo rafaad ka dharagtay inta hartay loo badbaadin lahaa.
Geesi Salabwaayay Sheekh Shariif(Allaha Dhowree) Oo Dhawaan Usocdaali Doona Yemen.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa war ay u qaybisay warbaahinta dunida lagu sheegay in Sirdoonka Dalka Kenya ay xoriyadiisii usoo celisay Madaxa Goloha Fulinta Ee Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed, Reuters oo khadka telephone-ka kula xidhiidhay Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in uu imika cafimaadkiisu hagaagsanyahay oo uu badqaba, Sheekha ayaa ka gaabsaday in uu wax ka yidhaahdo qorshihiisa hoogaamineed ee Mustaqbalka.
Warar aan aan la xaqiijin oo qalabka warbaahinta laga sii daayay maanta gelinkii hore ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sh.Axmed uu u socdaalayo Dalkaa Yemen, halkaas oo ay ku suganyihiin ragii ay madhab-wadaag yihiin, islamarkaana ay kawada tirsanayeen Maamulkii Islaamiyiiinta ee ay Gaaladda Isbahaysatay ka saartay Magaaladda Muqdisho bishii December ee Sanadkii hore.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa dhowr jeer la kulmay Sh.Shariif Sh.Axmed iyaga oo kawda hadlay arimo dhowr ah, kuwan oo ilaa iyo imika aan si rasmi ah la ogayn waxa ay ahaayeen, walow wakaaladaha wararka qaar ay qorayaan in ay ka wada hadleen dhowr arimood kuwan oo dhamaantood uu Sh.Shariif Sh.Axmed Gaashaanka u daruuray;
- In ay si degdeg ah oo aan wax shuruud ah lagu xidhin oga baxaan ciidamadda Itoobiya ee laga soo buuxiyay Dalka Soomaaliya.
- In Uu Maraykanku joojiyo Duqaynta cidhka ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwan oo inta la ogyahay ay ku dhinteen ilaa iyo dhowr boqol oo qof oo reer guuraa u badan.
- Iyo in Maraykanku uu dunida u sheego in duqayntaa oo kadib ay ciidamadiisu dhulka u degeen lagaga qabsaday 11, halka tiro kale oo aan la shaacinna lagaga laayay.
Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi uu ka codsaday in Sh.Shariif Sh.Axmed uu Ciidamadiisa fadhiya koonfurta Soomaaliya uu kasoo furfuro 11Askari oo lagaga qabsaday dagaal sida muuqata dhex maray Islaamiyiina iyo Ciidamadda Maraykanka.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa indhawaytaba waxa uu hadal hayay in uu Sh.Shariff Sh.Axmed uu yahay nin Munaasab ku ah Hogaaminta Dalka Soomaaliya, isaga oo sida uu u waramay tilmaamay guusha ay soo hoyeen Islaamiyiintu, walow uusan Sh.Shariff kelidii keenin horumarkaa xagga Amaanka iyo noloshaba leh ee lagu talaabsaday waqtigii uu Islaamku talinayay.
Sh.Shariif ayaan filaynaa in goor dhow un aan kuwada diirsan doono warbixinadiisii Islaamnimadda iyo wadaniyaduba ka muuqatay iinshaa Allah, waxaanan Illahay oga baryaynaa in uu Nolol wacan oo wanaagsan ku sidihiyo inta oga hadhay noloshiisa dunida, Aakhiraddana uu geeyo tiisa qaboow Al-Jannah.
Voy+NAgency
___________
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |