Posted: 02.06.08 11:00 AM
Voy.Calanka Soomaaliya ayaa isagu ka kooban midabka buluuga ah iyo xidigta shanta gees leh, oo iyadu si dhan u tilmaamaysa sida uu gumaysigu ukala qaybiyay Soomaaliya, waqti uu ka dhigay shan qaybood oo laba ka mid ah ay si wanaagsan u dhadhemiyeen macnaha xoriyadu leedahay, kuwan oo si wanaagsan isugu dayay in ay xoriyad dhandhan leh gaadhsiiyaan qayb ka mid ah kuwii ka maqnaa ee Xeebtii Faransiisku Gumaysan jiray, imikase loo yaqaan Jabuuti.
Labada qaybood ee kale inta la ogsoonyahay tan iyo sanadkii 1954kii waxa ay hoos yaaleen oo gumaysigu dhigay gacanta cadowgii Minilig oo isagu weligii fikirkiisu ahaa hirgelinta riyadii Abaseeniya, ee qabsashadda xeebaha dheraran ee Soomaaliya.
Calankii qaabkaa iyo quruxdaa lahaa waxa uu Zenawiga nugul si bareer ah ugu dhawaaqay 1996kii in Soomaaliya oo mudo agoon ahayd ay isaga iyo kooxdiisu kafaalad qaadayaan, oo markaa waxa ay si muuqata ugu sawireen calankooda calooshiisa, calankii Soomaaliya oo inta goobo la geliyay dhexda lagaga dhigay xidigtii oo shan qaybood loo kala jeexjeexay.
Waxaa intaas oo dhan daba socday oo mar walba caadaqaatayaasha ay hogaamiyaan Con.Yuusuf iyo Gen.Cadde Muuse ay ka shaqaynayeen sidii ay riyadaasi usuuroobi lahayd, oo iyadii oo run ah oo dhacday loo arki lahaa.
27/12/2006 ayuu gabalkaa baasi u dhacay Ummadda Soomaaliyeed, kadib markii maxaysatadii uu hagayay Con.Yuusuf ay soo gaadheen xeebaha Muqdisho, arintan oo Muslim iyo gaalaba ay noqotay wax ay la yaabeen, sida uu cadowga iyo caadaqaatayaasha uu Con-ku ugu horeeyo ugu guulaysteen in ay meel ogaga soo hadhaan Ummadii Soomaaliyeed min Raas Kambooni ilaa iyo Raas Casayr.
Halkan markii ay umuurtu marayso waxaa xusid mudan Nin ka tirsan Kooxda Nugul ee Tigree-ga oo isagu la hadlayay qalabka warbaahinta oo yidhi “Weligeen waxaan ku fekiri jirnay sidii aan Labada qaybood ee ka hadhay Soomaaliya gacanta ugu soo dhigi lahayn, weligeen waxay nala ahayd wax fog, maanta ayayse arintaasi xaqiiqoowday” Ninkan oo ugu yadhaan dhowr daqiiqo hadlayay ayaan marnaba soo qaadin ragii dabadhilifka u ahaa ee keenay halka ay yimaadeen Tigre-egu maanta.
Waxaa kaloo iyadna xusid mudan in Zenawi-ga Nugul uu yidhi isaga oo la hadlayay Chanel-ka Carbeed ee Al-Jazeera “Waxaa la yaab nagu noqotay in aan tagno caasimadda Soomaalida, iyadda oo aan hal xabadna nalagu soo tuurin, waa wax lala yaabo dal dhan oo aad caasimadiisii tagtay oo aadan wax iska caabin ah la kulmin, arintaa aad bay nooga yaabisay”.
Hadii aan dib ugu laabano qormadan oo aan calanka Soomaaliya u gooni yeelnay, iyo macnaha uu ugu fadhiyo Soomaalida, iyo sida uu oga tarjumayo taariikhda dhow iyo tan fog ee ay leeyihiin dhamaan ummaddaha ku hadla af-Soomaliga, oo sida qoran ugu yadhaan ay geeska Afrika ka deganyihiin dhulka ugu balaadhan.
Soomaaliya:
Soomaaliya ayaa sida ku cad taariikhda waxaa loo kala qaybiyay shan qaybood, laba qaybood oo ka mid ahaa shantaa waxa ay dib qaranimadoodii usoo ceshteen sanadkii 1960kii, waqtigaa oo ay si dhan ugu midoobeen Jamhuuriyadii Soomaaliya, tani waxa ay taagnayd oo weliba u dagaalantay in ay hesho kuwii kale ee ka maqnaa ilaa 1991kii, waqtigaa oo Jamahuuriyadii Soomaaliya ay gudaha isugu dhacday, sababo badan oo iswada huwan awgood.
Sadexda qaybood ee kale ayaa iyagu lagu magacaabi karaa Goboladda Dayacan, sababta Soomaaliya oo laga gooyay, islamarkaana kuwii lagu daray ay gumaysi hor leh geliyeen, wax horumar ah haba joogaane ay xataa adagtahay in ay habeen keliya nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed ee goboladdaa ku dhaqan, waana siyaasad uu gumaystaha madoobi ka dhaxlay gumaysiga cadaa.
Shanta Qaybood ayaa loo dhigi karaa sidan, iyadoo ay muhim tahay in aad xusuusto, in ay usii kala qaybiyeen qaybo ka mid ah shantaa caadaqaatayaasha uu horjoogaha u yahay Con.Yuusuf iyo saaxiibadiis, oo ay waxwaliba kala waynyihiin sidii ay dhiiga sokeeye oga waraabi lahaayeen.
1 - Soomaaliyaddii Talyaaniga.
Sidan ayaa loo yaqaanay waayo waxaa gumaystay Talyaaniga, waana dhulka ugu wayn ee shanta qaybood ee dhulkii la isku oran jiray Soomaaliya, waxa ay ka koobantahay Koonfurta, badhatamaha Soomaaliya ilaa Wuqooyi bari Soomaaliya, waxa ay xoriyadeeda ka qaadatay talyaaniga 1dii, Luuliyo sanadkii 1960kii, waxaa qaybtan hoostimaada 13Gobol oo ka mid ah 18ka Gobol ee ay ka koobnayd midowgii laba qaybood ee Soomaalida Wuqooyi iyo Koonfur.
Magaalooyinka ugu muhimsan ayaa lagu tilmaami karaa Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, dagaaladii Soomaaliya ka dhacay ee ay caadaqaatayaashu hagayeen kadib ayay qaybtan ukala googooyeen qaybo yaryar oo mid mida kale ogol aysan jidhin.
- G/W/Bari Ee Soomaaliya
(Puntland).
Waxa ay dhacdaa Wuqooyi bari Soomaaliya, dhulka baaxadiisa ayaa lagu qiyaasaa 200 oo kun oo Km2, waana 33% qayb ahaan dhulka Soomaaliyadii talyaanigu gumaysan jidhay, tiradda dadka ku nool ayaa la sheegaa in ay gaadhayaan 2.5Milyan. Bishii August sanadkii 1998kii ayay koox odaydhaqameedyo ah oo ay isku gaashaanbuur yihiin u doorteen Con.Yuusuf in uu madaxwayne ka noqdo wax waqtigaa loogu yeedhay “Puntland”, tan oo markii dambe intay ka tagtay G/W/Bari ee Soomaaliya gaadhay in qaab isbahabahaysi ah lagu soo xedho geliyo dadka Sool iyo Sanaag, kuwan oo lagu qanciyay mabda’a “Kabtaadda iyo Tolkaagaba Waa Lagu Dhex Jidhaa”.
Caleemo saarka gaashaanbuurtaa ee Con.Yuusuf ayaa buuq badan dhaliyay, kadib markii dad badan oo u dhashay gobolka ay ka biyo diideen Con-ka oo doonayay in uu weligiiba halkaa ka taliyo, wixii isaga fiiriyana uu cisaabo ugooni ah u farfiiqo, si markaa geyigaba loo dhaafiyo, oo qofkaasi uu ku mutaysto in uu tilmaamo sida ay isaga la tahay ama ay ku hagaagsanaan lahayd Aakhiro oo uu ugalbado.
Mudo kadib ayuu Jaamac Cali Jaamac iska soo taagay arintaa oo goostay in uu is-sharaxo, cod sida la sheegay loo qaaday ayuu kaga guulaystay, arintan oo markii dambe Con.Yuusuf lasoo marsiin waayay, dhowr bilood oo uu cadho kaga maqnaa Gobolka ayuu soo rogaa celiyay isaga oo wata Ciidamo reerkiisa u badnaa, kuwan oo doonayay in ay ka takhalusaan ninka Kursiga ku qabsaday Ina Adeerkood, Jaamac Cali Jaamac oo hadh cad aqalkiisii Garoowe lagu weeraray ayaa cago kaga baxsaday damacii kursiga oo uu islahaa waad ku ladi doontaa maalmo.
Waxaa iyadna xusid mudan in Ninkii odayga u ahaa Magaladda Garoowe oo ahayd halkii Kursigu yaalay uu gacan wayn siinayay Con.Yuusuf, arintan ayay dadka intiisa badan ku tilmaaman in uu hiilkani qayb ka yahay dadka Mudug iyo kuwa Nugaasha oo si badanna isaga soo dhawaysta kuwa bariga fog jidha, sidanna uu ku mutay Con-ku taageeradda Odaygii Reer Nugaaleed.
Jaamac Cali Jaamac ma uusan helin qaar ku tollan oo ugu xamaasaysan sida Kuwa Con.Yuusuf soo galbiyay, walow mar dambe ninka imika horjoogaha ka ah gobolka oo waqtigaa joogay Canadda uu naf isgeliyay, oo uu halkaa kasoo tolloobay, dagaal dhaliinyaro badan oo gobolka ahi ku hoobatay, kadib ayaa uu ogolaaday Con.Yuusuf in uu la heshiiyo ragii uu xukunka ka eryaday, arintan ayaa dhalisay in uu Jaamac Cali Jaamac isaga tago geyigaa lagu muransanaa.
Gen.Cadde Muuse oo uusan caafimaadkiisu hagaagsanayn mar horeba iyo hadaba ayaa kursigii dagaalka badani ka dhacay rabbi calaf u geliyay, walow ay dad badan oo Gen-ka u dhowdhowi ay sheegayaan in uu isagu yahay un boos celis oo keliya, oo markaa hadii Con.Yuusuf umuurta uu imika dabacarayrayaa ay waxba ka hagaagi waayaan uu qorshaynayo in uu dib ugu soo laabto kursigii uu Gen.Cadde Muuse uu udhiibtay.
Dhanka kale G/W/Bari ee Soomaaliya ayaa sida lawada ogsoonyahay uu jidhay indhawaytaba loolan u dhexeeyay G/W/Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland), oo iyagu ka biyo diidan isbahabahaysiga lagaga soo dhaqaajiyay dad ay aaminsanyihiin in degaan iyo qaraabonimo kaleba ay ka dhaxayso.
- Gobolka Bay
(Bayland).
Gobolka Bay waxa uu dhacaa Koonfurta galbeed ee Xarunta Soomaaliya Muqdisho, waxa uu gor sii horaysay ku dhawaaqay Shaati Guduud sanadkii 2002, gobol iskii gooni ugu taagan, oo markaa aan cidna waxba la qaybsan doonin, kan uu sheegay in ay xarun u noqon doonto Magaaladda Baydhabo, Maamulkan oo siyaasadii lagu dhisay ay hagaysay Cadowga weligii ee Soomaaliya “Itoobiya”, ayaa taageero dhinacwalba ka helayay iyagga.
Dadka gobolka degan kuwa ugu badan ayaa la sheegaa in ay yihiin Raxanwayn, oo iyagu sida uu magacabu tilmaamayo ka kooban qabiilooyin badan oo Soomaalida ah oo isu tagay, waxaa kaloo gobolka si wayn u degan Ogaden-ka, Jareerta iyo Oromadda.
- Gol-Mudug.
Qayb ka mid ah Odayadda qabiilka Koonfurta gaalkacyo iyo siyaasiyiin la sheegay in ay intooda badan dibadda ka yimaadeen oo isu tagay, ayaa kaga dhawaaqay halkaa sanadkii 2002dii waxa ay ugu yeedheen Is-Maamulka Gol-Mudug, waxa ay sheegeen in ay ka go’een maamulka ka jidha dhinaca wuqooyi ee Magaaladda Gaalkacyo, waxa ay kooxdani maamulkan xarun oga dhigeen Xaafadda Baraxley ee Magaaladda Gaalkacyo.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo, maamulkan qudhiisa waxaa sida ugu badan gacanta ugu balaadhan ka gaystay, oo xataa dhaqaale badan ku bixiyay Gen.Cadde Muuse, ujeedada ka dambaysa ilaa iyo imika cid ogi ma jidho, waxayse umuuqataa in ay un qayb ka tahay qaabka cadowga Soomaaliya uu doonayo in uu ukala qoqobo Soomaalida, oo wax israba iyo wax ay dani ka dhaxaysaba dhibayaan.
Dad kale oo gobolka u dhashay ayaa iyugana lahaa goormaan hiil u noqonay Cabdi Qaybdiid, oo isagu maamulkan dhisidiisa ragga horboodaya ku jidha, sow tuu gabdhaheena quraaradaha Maxalka kaga guray, oo inta la ogsoonyahay ilaa iyo kontameeyo oday dhaqameedyadii ugu dhaqaalaha roonaa hadh cad intuu rasaas nafta kaga gooyay, god iyagii oo kooxkoox isugu xidhan ku aasay.
Ruux kale oo dadka Gobolka ah ayaa isaguna yidhi “hadii aad kooxda Gen.Cadde uu horjoogaha u yahay mid un waydiiso su’aashaa, waxa keliya ay kugu oranayaan waxaa weeye, waxan oo dhami waxa ay qayb ka yihiin siyaasadda Kooxda”! Waqtigaa sheegi doona!!
2 - G/W/G Ee Soomaaliya(Somaliland).
Waxa ay ku caanbaxday waqtigii gumaysiga (Somaliland) ama Soomaaliyadii Btirish-ka, waayo iyagaa gumaysan jiray, waxa ay goboladani dhacaan Wuqooyiga Galbeed Soomaaliya meel kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdishu, Ingiriiska ayay xoriyadoodii ka qaateen sanadkii 26kii bushii July, 1960kii, June isla sanadkaa 1960kii waxa ay si dhan ola midoobeen Soomaalidii koonfurta, tan oo noqotay markii ugu horaysay oo ay dib u midoobaan laba ka mid ah dhulkii Soomaaliya ee gumaysigu shanta u qaybiyay.
Isla sanadkaa waxaa salka loo dhigay dowlad Soomaaliyeed oo ay u dhanyihiin dadka labadda Gobol, waxaana go’aan loo dhammaa lagu gaaray in dalkii dowladdaa lagu magacaabo Soomaaliya.
Dhulka G/W/Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) ayaa ku fadhiya dhul bedkiisu dhanyahay 137600 Km2, dadka dhulkaa ku nool tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 3.5Milyan sadex Milyan iyo badh oo Soomaali cidwalba ah leh, xataa marka lagu daro qabiiladda ay G/W/Bari Soomaaliya(Puntland) isbahabahaysiga kusoo dumeen ee Sool iyo Sanaag.
Tilmaanta guud waxa ay ku taalaa Wuqooyiga ugu fog ee Soomaaliya, waxaa sadexda dhinacba kaga xeedhan oo ay xuduud la leedahay Jabuuti, Ogadenia iyo Khaliijka Cadmeed oo 28saacadood ka yar ayaa ay u jidhaa Marsadda ugu dhow Wuqooyiga Yemen ee Makha, halka Marsadda caanka ah ee Cadmeed aysan wax badan u jidhan Berbera.
Waxaa hoos yimaada G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland) shan gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Soomaaliya(Sidii Gumaysigii Ingiriisku U asteeyey), waxaa xarun u ah Hargaysa, oo ahayd caasimadii labaad ee Soomaaliya, sanadkii 1991kii ayaa koox taabacsan Siyaasadda Itoobiya ee Geyiga Soomaali ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Jamhuuriyadii Soomaaliya, arintan oo ay dunida iyo Soomaaliduuba ka biyo diideen, ilaa iyo imikana wax aqoonsaday aysan jidhin.
Jabhadii Silaanyo, oo iyadu dagaal hubaysan u gashay sidii G/W/Galbeed ee Soomaaliya looga gooyn lahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya, ayaa sida badan qaba tuhun ah in Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu u gaystay weeraro ka dhan ah G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland) saandkii 1981kii, iyo in ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed uu si xun ola dhaqmay dadka gobolkaa, gaar ahaan qabiiladda loo yaqaan Isaaqa, oo iyagu ah kuwa sida ugu badan u degga Xarunta G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland) Hargaysa.
Waqtigaas ayaa si ba’an loo duqeeyay magaaladda Hargaysa kadib markii ay soo galeen canaasiir ka tirsanaa Jabahadii Siilaanyo, kuwan oo ujeedadooda ugu wayni ay ahayd sidii ay goboladdaa oga jari lahayeen Jamhuuriyadii Soomaaliya, islamarkaana u hoysgayn lahaayeen cadowgii Soomaaliya xabashida.
Arintan ayay dadka umuurta Soomaaliya u dhuun daloola sheegaan in ay ahayd sababtii keentay burburkii xooganaa ee ku dhacay Soomaalida meel ay joogaanba, Qarajabkii Soomaaliya 19kii, Janayo, 1991kii ayaa ay koox uu ku jiray Maxamed Ibraahim Cigaal u qalab qaateen sidii ay u raadin lahaayeen gooni isutaag ka dhan ah Jamhuuriyadii Soomaaliya, isaga oo la dhawaaqay 18kii, May 1991kii in G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland) ay ka xoroobeen Jamhuuriyadii Soomaaliya, tan iyo waqtigaa ilaa ma jidho cid aqoonsatay, walow ay kooxdu meel dhow iyo meel fogba u tagtay sidii ay u arki lahaayeen riyadoodaa oo rumoowda.
Sanadkii 2001kii waxaa laga qaaday wax waqtigaa lagu sheegay afti in bal hadii ay dadka G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland) doonayaan in ay ka go’aan Jamhuuriyadii Soomaaliya iyo in kale, aftidan oo ay kooxda qudheedu samaysay islamarkaana aysan jidhin goob joogayaal caalami ah, ayay dhidabadda ugu taageen waxa maanta loogu yeedho Jamhuuriyadda Somaliland, oo aabad iska gadhan karto halka uu magacuba kasoo jeedo.
Waqtigaa wixii ka dambeeyey kooxdu waxa ay ku dadaashay in ay isu ekaysiiso dowlad xor ah, oo ka go’day dalkii iyo dowladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxa ay samaysteen ciidan, lacag iyo waraaqo aqoonsi oo u gooni ah sida waraaqaha socdaalka, dhalashadda iyo aqoonsiga shakhisayadeed, hadana saas oo ay tahay dadka Goboladdaa waxa ay weli dunida oo dhan ku maraan Baasaboorkii hore ee Jamhuuriyadii Soomaaliya.
Goobaha ugu muhimsan ee dhulka G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland), waxaa ka mid ah Berbera oo leh dakad caalami ah, tan oo ay dhistay dowladii Soomaaliya, ka hor intii aysan kooxdu ku dhawaaqin in ay ka go’een Jamhuuriyadii Soomaaliya, waxa ay heshiisyo gooni gooni ah kula galaan cadowga Soomaaliya Itoobiya, oo habayaraatee wax shuruud ah aysan ku xidhin in uu waxa uu doonayo kala dego, islamarkaana ka dhoofsado..
Intiina xasuusta dagaalkii Itoobiya iyo Ereteria dekadda Berbera waxa ay ahayd meesha keliya ee ay Itoobiyaanku hubka noocyadiisa kala duwan kala degi jireen, iyadoo xataa aan la ogayn waxaa degayaa wax ay yihiin iyo halka ay ku jeedaan, isalamrkaana aysan awoodin in ay ka hadlaan kooxda maamulka hargaysa, oo iyagaba kursiga uu ku haya Zenawi-ga nugul ee Itoobiya.
Waxaa si gooni ah loogu amaana dadka G/W/Galbeed ee Soomaaliya in ay yihiin dad nabadda jecel, walow ay kooxda Hargaysa Marwalba ku dadaasho sidii ay Nabaddaa u kala daadin lahayd, iyago oo qabiiladda gobolka ukala dabqaadaya, sidii qisadii yaabka lahayd ee 1993kii sida dhan u saamaysay G/W/Galbeed, goortaas oo laba reer oo si aad ah u dega aagagaa ay dagaal xoogan isaga horyimaadeen, tan oo loo aanaynayo in ay kooxdu qaybta ugu wayn lahayd ka shaqayntii dabshidkaa.
3 - Gobolka Ogaadeeniya(Som. Galbeed)
Waxa uu caan ku yahay oo aad loogu yaqaanaa Soomaali Galbeed, waxaa si xoog ah Itoobiya loogu daray sanadkii 1954kii, waxaa kaloo uu Gumaysiga Itoobiya ugu yeedhaa Kilinka shanaad ama Gobolka Ogaadeniya, gobolkan waxaa 99.95% degan dad Soomaaliyeed oo Muslim ah.
Sanadkii 1977kii waxa ay dadka Ogaadeeniya bilaabeen in ay hubka qaataan oo ay kala hortagaan Cadowgii xabashida, kadib markii uu dhacay Burjuwaazigii Hayla Salaase, iyagga oo garab ka helayay Madaxwaynihii Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxa ay gacanta ku dhigeen Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Jabhadii Ogaadeniya intii badnayd dhulkii Itoobiya.
Nasiib daro sanadkii 1978kii cadowgii xabashida oo garab ka helayay Ruuskii Burburay iyo Cuba ayaa dib usoo celiyay ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed waqti ay gacanta ku dhigi lahaayeen Xaruntii Xabashida ee Adisabba, xiligaa kadib waxaa dalal badan oo ay hormuud u tahay Liibiya bilaabeen in ay koox uu hogaamiyay Con.Yuusuf oga sameeyaan xarumo ay kaga soo duulaan Soomaaliya, gudaha dhulka Ogaadeniya.
4 – Xeebtii Faransiiska (Jabuuti).
Gobolkan ayaa sidoo kale uu caan ku yahay Goboladda Canfarta iyo Ciisaha, kadib goortii ay xoriyadda ka qaateen Faransiinka sanadkii 1977kii, tan uu sababta ugu wayn lahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre, ayaa gobolka waxa uu caan ku noqday Magaca Jabuuti, Canfarta iyo Ciisaha ayaa ah labadda qabiil ee asaaska u ah Gobolka beled iyo baadiyabba.
Dalka iyo Dadka Jabuuti ayaa ah dhul Soomaaliyeed markaad dhinac walba ka eegto, Luqadda, Taariikhda, degaanka iyo dhinac walba oo taabanaya arimaha Bulshadda, xoriyadii ka dib waxa ay Jabuuti xubin buuxda ka noqotay Jaamacadda Carbeed, Qaramadda Midoobay iyo ururo kale oo dowli ah.
Ummadda Jabuuti ayaa tan iyo sanadkii 2000 waxa ay garatay baahida loo qabo Soomaaliya oo dal iyo dowlad jirta ah in mar kale dunida lagu arko, tan oo dhalisay in ay hal-abuuraan shirar badan oo lagu heshiisiinayay dagaal oogayaashii gumaystaha u adeegayay ee Soomaaliya halka ay taal dhigay maanta, shirarkan ayuu ugu caansanaa Kii Carta lagu qabtay oo wax kale haba joogaane suugaantii laga dhaxlay ilaa iyo maanta Soomaalida oo dhami ay kawada faa’iidaysato.
Xiligaa ka dib dadka reer Jabuuti iyo Odaygooda Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay bilaabeen bal in ay isku dayaan in wax walba oo la badbaadin karo la badbaadiyo, iyagga oo taa ka duulayana waxa ay sameeyeen Xarumo si gooni ah loogu Illaliyo afkii Hooyo ee Soomaaliga, waxa ay tan iyo waqtigaa soo saareen kutub badan, afgaradkuba ha ugu badnaadee, hada oo Soomaaliya uu cadowgeedii weligii uu qabsadayna wararka naga soo gaadhaya Jabuuti waxa ay sheegayaan in Odayga dalkaa Geelle uusan hurdo ledin.
5 - Goboladda K/Galbeed (NFD).
Goboladan oo qayb ka ahaa shantii Soomaaliyeed ee gumaysigu kala qaybiyay, waxay aad caan ugu yihiin magaca NFD, imika waa qayb ka tirsan Kenya, sanadkii 1963kii ayuu gumaystihii cadaa waxa uu ku daray dalka Kenya, isaga oo jid dheer ka jeexay deeganadda u malaynayay in ay ku haboontahay in laga kala jaro, waxaa xusid mudan in goor sii horaysay uu carigaa jiri jiray waxa ay ugu yeedheen cadowgu Seere, oo markaa ciidii ka talowda halkaa aysan dib ugu soo laaban jirin halkii ay ka tagtay, hadii mid ka mid ha ubadkaaga uu dhinaca kale oga talaabo seeraha, waxaadan marnaba weligaa dambe rajo ka qabayn in aad ubadkaagaa mar dambe is-aragtaan, waxaa lagu magaacaabaa Seere, ama kala geeye, waa astaamaha siloon ee gumaysiga lagu yaqaan.
Ka hor intii aysan xoriyadda qaadan Kenya shir lagu qabtay Arusha ayaa lagu go’aamiyay in afti laga qaado dadka iyo dadlka Soomaaliyeed ee NFD-du halkii ay raaci lahaayeen, ururadii Siyaasiga ahaa ee xiligaa jiray iyo afti dadka laga qaaday ayay isku raaceen in ay raacaan walaalahooda Soomaaliyeed, walow uu isticmaarku markii dambe diiday, oo xoog loogu daray Kenya, ragg badan oo waagaa la shaqaynayay Gumaysiga ayaa qudhooda qayb ka ahaa ololaha uu gumaysigu ku doonayay umuurtan, raggaas oo uu ka mid ahaa Ibraahim Cigaal, oo isagu bud dhigay waxa ay ugu yeedheen gooni isu taaga G/W/Galbeed ee Soomaaliya(Somaliland), waxa uu si cad ola dhawaqay in (Somaliland) ay ka go’day Jamhuuriyadda inteeda kale 18kii, May, sanadkii 1991kii, sadex bilood oo keliya qaranjabkii.
Hadii aad si guud u fiiriso goboladda aan xorta ahayn ee ay Soomaalidu dagaan ayaad arkaysaa macnaha uu Gumaysigu leeyahay, iyo macaanka xoriyadda, wax nolol ah oo ka jiraa ma jiraan habayaraatee, dadkii qaxootiga ku tagay carigaa oo maalmo ku hakaday ayaa ka sheekeeyay meelaha qaar in ay kula kulmeen dad u haysta in hadii aadan Kitaanbuluushe haysan aysan suuragal ahayn in aad Illahay caabudo, waxay ku odhanayaan bay leeyihiiin “Oo Maxaad Ka Tukani Kitaambuluushaba Ma Haysatide”, marmar waad ku shakiyaysaa banii’aadamka qarnigan Labaatanaad jooga ee fakirkiisu heerkaa yahay! Waxay astaan u tahay dulinimadda Gumaysiga iyo Dagaalka lagu jidho dhedheminta Macaanka Xoriyadda.
Voice Of Youth
'Gaaladu Way Jabeen' Sh.Sharif Maqal+
Starbucks Riwaayad Xiiso Leh Maqal+
Ahlu-Sharaf Somalia Wax Ka Bedelay! Eeg+
Isku-Daygii Labaad Ee UN-ta Akhri+
Ereteria Oo La AmaanayMaqal+
Maxaabiiska Itoobiyaanka Maqal+
Isbahaysiga Saliibiyiinta Maqal+
'Dagaalku Waa Mubaax' - Galaydh Maqal+
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |