Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Somalia


Oo La Il-daran Daba-dhilifyadii 1950 - 2008!

Posted: 02.06.08 11:00 AM

Voy. Soomaaliya marka si kooban la damco in looga hadlo waxaa judhiiba kuu muuqanaya in ay tahay taariikh sida ay u dhantahayba ay hafiyeen dagaalo iyo loolan xooganaa, tan oo sida ugu badan usaamaysay sida uu udhanyahay dalka oo dhan, loolankan iyo dagaaladdan ayaa sida badan waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwii ay Soomaalida la galaeen gumaysigii dalka kusoo duulay, walow halgankii noocaa ahaa markii dambe ay duween ragg uu gumaysigu jeebka kala soo baxay, raggan oo mudo yar lagu soo barbaariyey cariga gumaysigii xumaa ee Talaayinga oo isagu dalka xooga ku haystay.

Arimahan ayay la ildaraa Dalkii Soomaaliya tan iyo qarnigii 19aad, inkasta oo ay si wayn tan iyo maanta ogaga muuto faragelinta aan inabba caadiga ahayn ee uu ku hayo dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd, arimahan iswada huwan ayaa lagu sheegaa in ay yihiin waxa Qarankii Soomaaliyeed halka uu yaala maanta dhigay.

Dulaankii Gumaysigii
Reer Yurub.

Soyaalka gumaysi ee dhulkii Soomaalida ama geeska Afrikadda Bari waxa uu soo biloowday ilaa iyo qarnigii 19aad waqtigaa oo uu gumaysigii Faransiiska iyo Talyaanigu ay qabsadeen qaybo ka mid ah dhulkaa oo aad muhim ugu ahaa soo gelitaankoodii ee geeska. Ingiriiska ayaa isaguna ku dhawaawaqay dhulkii ugu horeeyey ee ii si rasi ah u gumaysto sanadkii 1887, iyadda oo sanadkii xigayna uu faransiiska heshiis la saxiixday kan oo lagu asteynayay dhulalkii ay xooga ku qabsadeen.

Talyaaniga qudhiisu kama uusan hadhin qabysigii dhulalkaa waxa uu sadankii 1889kii samaytay qayb isaga gumaysigiisii hoostimaada, sanadkii 1925kiina waxa uu uu ku darsaday dhulkii uu haystay goboladda koonfur galbeed Soomaaliya oo uu waagaa ku magacaabay Jubba Land, intaa kuma uusan joogsan waxa uu sanadkii 1936kii si balaadhan isugu sii fidiyey Ogadenia.

Jabkii Talyaaniga dagaalkii labaad ee aduunka kadib dhulaalkaa aan soo sheegnay oo dhan waxa ay hoostageen gumaysigii Ingiriiska, waxaana la siiyay waqtigaa magaca Somalia, mudo kadib ayaa loo ogolaaday in loo sameeyo xukun hoosaad sanadkii 1956kii, kadibna waxaa la siiyay sida gumaysigu qoraan xoriyadoodii sanadkii 1960kii dhul dhan 350.000Km2.

Waqtigaas oo uu gumaysigu gacanat u geliyey dalkii iyo dadkii Soomaaliya ragg midabkeena oo kale leh, asiise uurka iyo mabda'a isaga kala jiray, waxay judhiiba bilaabeen in kitaabkii gumaysiga sidii uu ugu dhaqi jiray ummaddii Soomaaliyeed ee Muslimka ahayd si waxbadana ka xeel dheer ay iyagu ugu dhaqaan dalkeenii, halkii ay u irkan lahaayeen Kitaabkii qadisnaa ee Illaahay suubanne nebigeenii ugu soo dhiibay aadanaha, si ay uhelaan nuurkii Illaahay rabbina oga raali noqdo.

Dhulkii waagaa ragga gumaysiga daba-dhilifka u ahaa loo dhiibay waxaa ka maqnaa oo aan ku jirin qaybo ka mid ah dhulkii Soomaaliya, oo Soomaalidu ay utaqaanay Soomaali Wayn, kuwan oo si ola kac ah gumaysigu ugu daray Dalalka Itoobiya iyo Kenya, arintan oo xiligaa kadib dhalisay dagaalo qadhaan oo dad badani ku hoobteen.

Dhulkii Soomaalida wixii labadaa dal la raaciyey mooyee xeebtii faransiisku gumaysan jiray oo maanta loo yaqaan Jabuuti waxa ay weli ku harsanayd gacantii gumaysiga, handadaad iyo guul guul badan oo uu Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu gaadhsiiyay faransiiska kadib ayaa ay heleen xoriyadoodii sanakii 1977kii.

Dowladii Gumaysiga
& Soomaalida.

Xoriyad ku sheegii gumaysigu ragiisa udhibtay xukunkii dalka Soomaaliya, islamarkaana laga duway halgankii gobonimadoonkii Soomaaliyeed marinkiisii, raggii sidaa uu ugu akhdaamtay gumaysigu waxa ay dhisteen dowlad si wayn og atarjumaysay danihii gumaysiga, xukunkan oo si waasic ah oga hirgalay dhulkii Soomaaliya, soomaalida ayaan marnaba ku baraarugin raggii xukuumadda horboodayay ee gumaysigu meesha dhigtay, walow dad badan oo ahlul khayr ahi ay jireen hadana marnaba kama aysan hor iman karin gaashaanbuurtii cahdiga la gashay gumaysigii cadaa ee dalka xooga ku haystay.

Sanadkii 1969kii waxaa raggii noocaa ahaa dalka kala wareegay Gen. Maxamed Siyaad Barre oo isagu xukunka ku yimid afgambi qorshaysnaa oo ay ragiisu sameeyeen. Gen.Barre waxa uu qudhiisa ka caraysnaa in laga reebay ragii jaalkii ahaa ee uu gumaysigu dibadda uqaaday si loogu soo shubi arfaartii gumaysiga. taasina ay ahayd sababihii ugu waynee ee Gen.Barre Reer Galbeed Nacaybka Ku Beeray.

Sanadkii 1977kii waaxa dilaacay dagaalkii dunida oo dhan caanka ka noqday ee Itoobiya iyo Soomaaliya, ujeedadu waxa ay ahayd sidii dib la isugu soo celin lahaa dhulwaynihii Soomaaliyeed ee uu gumaysigu kala qaybiyey, Soomaalidu waqtigaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen intii badnayd dhulkii Soomaaliya, waxa ay qabteen goobihii ugu caansanaa carigaa sida harar iyo baali, walow goortii dambe ay koox calooshood ushaqaystayaal ah oo Ruush iyo Kuubaan u badan ay dagaalka soo galeen, Soomaalidiina lagu qasbay in ay dib ugu soo laabtaan goobihii ay goortii hore ka duuleen.

Xiligaa wixii ka dambeeyey dunida reer galbeedka oo dhan waxa ay uqalab qaateen sidii loo baaba'in lahaa labadii qaybood ee shantii Soomaaliyeed dib oga midoobay, waxaa lasoo hubeeyey qaar waxmagarato ah, oo uu hogaaminayay Con.Yuusuf-ka imika Itoobiyaanka hor-kacaya, oo dhamaadkii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib bilaabay sidii uu Itoobiyaanka usoo gelin lahaa gudaha dalka Soomaaliya. Waxa hubaal ah oo ay sheegayaan warar laga soo xigtay rag Con Yuusuf jaalkii ah in ay riyadoodu ahayd in ay mar un arki lahaayeen Soomaaliya oo ay Itoobiya xukunto.

sanadkii 1991kii waxaa halkaa lagu waayay dowladii Soomaaliya, waxaana halkaa ay Reer Galbeedku ku gaareen rajadoodii ahayd in ay burburiyaan Soomaaliya, si markaa sida ay doonaan iyo waqtiga ay doonaan oga samaystaan sida ay doonaan, dadkii Soomaalida wixii la laayey mooyee intii hadhay waxna qaab gaajayn ah oo la qorsheeyey ayay hoos yaalaan, tiro aan intaa ka yarayna waxa ay ku firirsan yihiin dunida sida ay udhantahay, oo intooda badan ay ka rajo iyo mustaqbal roonyihiin kuwaa gaajadda iyo rafaadda la qorsheeyey hoos yaala, waxaayo waxa ka dhumay noociyadii dhaqan iyo damiir wixii ay lasoo galeen dunida galbeedka ee ay kusoo biireen.

In Balaayo Dhacayso Uma Baahan
Tilmaane Maxaa Xigay?

Wuqooyiga Soomaaliya(Somaliland), waxa ay iskeed ugu dhawaaqday gooni isu-taag ka madax banaan Soomaalida inteeda kale, arintan oo uu inteedii ugu badnayd ka shaqeeyey Inna Xaaji Cigaal, markii dambana uu isagu qudhiisa halkaa kursi maxaliya ka salaxday, arintan oo dagaal dhanta la isula tagay ka dhex abuurtay isbaha bahaysiga reereed ee goboladaa.

Koonfurta iyo Caasimadii Soomaaliya waxa ay gacant u gashay Gen.Caydiid oo ay jaal ahaayeen Gen.Barre islamarkaana ay kawada sinaayeen cadhadii ay uqabeen Reer Galbeed maadaama aysan qayb ka ahayn gaashaanbuurtii gumaysigu tababaray si uu dalka ugu wareejiyo, walow Gen.Caydiid ay udheerayd taa nacaybkii walaa ee uu uqabay reerkii uu kasoo jeeday Gen.Barre, oo aysan maalmo yarba kasoo wareegin markii ay ugacan gashay Muqdisho in uu bilaabay isaga iyo jabhadihii hawiyaha ee uu horkacayay ugaadhsiga wax ay ugu yeedheen waagaa Daarood-ka.

Sanadkii 1992 waxaa Soomaaliya gudaha usoo galay gumaysi cusub kuwan oo uu horkacayay Maraykanka, waxa ay soo huwadeen wax ay xiligaa ku tilmaameen "Qorshihii Rajo Soo Celinta", inkasta oo markii dambe dadku intiisa badan ay garteen in uu ahaa gumaadkii ugu badnaa ee Soomaaliya ka dhacay tan iyo waqtigii wixii xoriyadda lagu sheegayay..Maraykanka oo ku guuldaraystay qorshan ayaa uu sanadkii 1994kii waxa uu ku wareejiyey Qaramadda midoobay oo waqti walba iyadu utaagan sidii ay ubadbaadin lahayd Maraykanka iyo danahiisa dunida.

Sanadkii 1994kii waxaa sidii ay udhamaayeen ciidamdii halkaa xooga ku tagay lagu qasbay in ay ka guuraan xaruntii dalkii Soomaaliya, kadib dhacdadii caanka ahayd ee qaar ka mid ah ciidamadii Maraykan dhulka lagu jiiday Maydkoodii. Arintaasu dunida oo dhan baa garwaaqsatay in Soomaalida hadii sida ay doonayaan aysan Reer Galbeedku ka yeeli karin in aysan iyaguna sida ay rabaan aysan helin, waana sababta dhalisay in sidaa ay tahay lagu hayo 17 sanadood, oo goor waliba oo uu gumaysiga cusubi is yidhaahdo allaylehe haday tabar darantahaye qabta, ay Soomaaliduna lasoo baxdo hiil iyo hoo wixii ay karaan, bal maantaba eeeg, waxa ay islahaayeen gumaysiga iyo daba-dhilifkiisuba allaylehe maantaad haysaan, oo aad qaban kartaan. Maxay ku intahootay rajadoodii Bal adba!

Sanadkii 1995kii waxa ay qayb Gen.Cadiid reerkiisa ahi u caleemo saareen in uu madaxwayne ka noqdo xaafado ka mid ah kuwa Muqdisho, arintan waxa ay ka caraysiisay ninka ay sida ugu dhow isu xigaan Gen.Caydiid ee Cismaan Caato, waxa uu barqo dagaal cad kala hor yimi Gen.Caydiid, waana sababta keentay in uu Gen.Caydiid halkaa ku baxo sanadkii 1996kii, isaga oo dagaal qadhaadh oo sadex geesood kula jira Cismaan Caato, Muuse Suudi, iyo koox caawa alla cid ay raacsantahay aan la aqoon oo iyagu kasoo jeeday baladweyne. sida ay goob joogii halkaa yaalay subixii uu dhaawacmayey Gen.Caydiid ku warameen, waxa uu ku baxay Gen.Caydiid gacanta Muuse Suudi, wakaaladaha wararka oo todobaad kadib geeridiisii wax ka qoray ayaa tilmaamay in Gen.Caydiid uu geeriyooday isaga oo dad ehelkii ah laynaya.

Isala sanadkaa 1996kii waxaa nasiib daradii uu Gen.Caydiid godka la galay loo caleemo saaray wiilkiisa xuseen Caydiid oo ay reerkiisu kula taliyeen in uu qabto howshii iyo muhimadii uu aabihii reerka u hayay, Inna caydiid waxaa halkaa lagu dhaariyey maalmo yar un kadib geeridii aabihii Gen.Caydiid.

Sanadkii 2000 waxaa misana dib usoo xanjeertay qaar ka mid ah raggii uu gumaysigu dalka ugacan geliyey, kuwa reer galbeedka taabacsan, iyo oday dhaqameedyo calooshood ushaqaystayaal ah, kuwan oo inqilaabay gogoshii ay dowladda jabuuti ufidisay Soomaalida, wada-hadalo iyo doodo dhowr bilood socday waxaa misana mar kale aqbal iyo gudoon lawada yidhi in dalkii Soomaaliyeed ee Muslimka ahaa lagu dhaqo kitaabii 60kii, oo gumaysigii sameeyeyba uu isaga tagay, waqtigaas waxaa in uu falalkaa Illaah la dirirka ah dhaqan geliyo loo caleemo saaray CabdiQasim Salaad, oo dhoowr jeer intuu maxfallo ka hadlay isu boohiyey in Illaahay dartii lagu aamino.

Sanadii xigtay wixii halkaa lagusoo aqoolay, waxa ay ku dambeeyeen baabah iyo hal aan jirin, nin dadka reer xamarka loo yaqaan ee cad cad ka mid ah oo xaaladda Soomaaliya ka hadlaya ayaa hada ka hor yidhi "Ninkii oo us Illaahay bug dhabaaayo qayladiisa malla maqlo", sidaan uqaatay wuxuu ujeeday qolo uu Illaahay la daagalamayo meelna ma gaadhaan.

Sanadkii 2004 shirar dhowr ahaa oo ay Itoobiya gudoominaysay wixii ka dhashay ayaa lagu caleemo saaray Con.Cabdulaahi Yuusuf in uu hogaamiyo Soomaaliya, oo isagu lagu bedelay Cabdiqasin Salaad, kadar oo dibi dhal,qaar baa xiligaa la halaa "war awrka ma hala qumiyaa lalahaa mise hala buqno gooyo", waa su'aal xiligaa iyo kadibba jawaab loo waayey.

Isla sanadkaa 27kii December, waxaa ay Itobiya keentay Geedi oo si waalan daacad ugu ah Zenawi-ga nugul ee Itoobiya, halkaas oo lagu dhaariyey in uu daacad unoqon doono sayidkiisa Zenawi, xiligaa wixii ka dambeeyey wixii uu ku dhaartay falalkiisaa marqaati u ahaaa.

Voice Of Youth

'Gaaladu Way Jabeen' Sh.Sharif Maqal+
Starbucks Riwaayad Xiiso Leh Maqal+
Ahlu-Sharaf Somalia Wax Ka Bedelay! Eeg+
Isku-Daygii Labaad Ee UN-ta Akhri+
Ereteria Oo La AmaanayMaqal+
Maxaabiiska Itoobiyaanka Maqal+
Isbahaysiga Saliibiyiinta Maqal+
'Dagaalku Waa Mubaax' - Galaydh Maqal+

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Daba_dhilif Geedi

Somalia Somalia

Archives
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika cagta saartay dariiqadii ay ku burburi lahayd.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin Hadii Galbeedku Wuxuu Sheegayaa Run Yihiin" Sh.C.Qani Qorane.
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.