Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Somalia...


Oo Tubtii Toosnayd Cagta Saartay!

Posted: 02.10.08 11:00 AM

Voy. Markaad dib u eegto dhacdooyiinkii ugu dambeeyey ama kuwa imika taagan ee Soomaalia, ee aad weliba si wanaagsan oo caqli iyo xikmad lagu dheehay u eegto waxaa judhiiba maankaaga dafaya sida ay u adagtahay in aad garanato halka ay u socoto, ama ay doonayso iyadda iyo dadkeeduba in ay ku dhamaystaan noloshan yar ee dunida.

Waxaa taa kaba daran oo iyaddna daba-socda sida ay wax isu bedelayaan maalin iyo habeen walba iyo xataa saacad walba, kuwan oo intooda badan aad moodo in ay salka ku hayaan xeelad dagaal oo aragideedu ay aad u gaabantahay, marka lala eego tan dhanka Istiraatiijayadeed.

Qoraalkan ayaan hadaba ku eegaynaa – sida ay hadba noogu suuragasho, dabagalka waxa dhabta ah ee ka dhacaya dalka iyo dadkii Soomaaliyeed, awooda dhinacyadda is-haya iyo faragelinta shisheeye ee aadka u wayn oo qolyahan is-haya kaba sokoowba ay tahay waxa ugu badan ee ay la kaca-kufayso Soomaaliyadda maanta!

Awooda dhinacyadda isku
haya Somalia.

Isbedel wayn ayaa ku yimi awooda dhinacyadda isku haya Soomaaliya labadii sanadood ee ugu dambeeyey, kan oo aan jidhin xiliyadii lasoo dhaafay, Islaamiyiinta Soomaaliya oo tan iyo todobaatameeyadii loolan xagga jirintaanka ah kula jidhay maamulkii ka talin jiray dalka, ayaa xoogeedu waxa uu ahaa sidii dadka loo gaadhsiin lahaa Diinta Islaamka, islamarkaan ay unoqon lahaayeen dad dhisan dhan walba, xiligaa kadib Islaamiyiinta Soomaaliya waxa ay u xuub siibteen in ay noqdaan Awood si wayn usoo caan baxday oo habayaraatee cid loodin kartaa aysan jirin, illaa ay markii dambe gacanta ku dhigeen intii badnayd dhulkii Soomaaliya.

Islaamiyiinta qudhooda ayaan sidaa sahlan loogu wada xidhi karin qaand keliya, oo waxa ay in badan oo ka mid ah raggii culimadda ahaa ee iyagu saaska u dhigay jiritaanka Islaamiyiinta ayaa ka biyo diidanaa tan iyo bilowgii dhaqdhaqaaqan lagu doonayo sidii dowladd Islaam ah looga dhisi lahaa Somalia, waxaa xusid mudan ragg badan oo ka tirsadan culimadaa in ay tageen xaruunta Soomaaliya Muqdisho waqtigii ay gacanta ku hayeen Islaamiyiintu, iyagga oo usheegay sida uu goob joogu ku waramay in ay isaga baxan loolankan siyaasadeed ee ay imika ku hanteen dalkii Soomaaliya intiisii badnayd! Arintan oo uu hogaankii Islaamiyiinta ee Muqdisho uu gaashaanka u daruuray!

Baaq Boosaaso Ka
Yeedhay!

Kadib markii Cadowgu uu gacanta ku dhigay Muunadii Soomaaliyana(Muqidhso), waxa ay sida lawada ogsoonyahay casharo lagu diidanyahay halgan kasta oo ka dhan ah Itoobiyaanka ay ku tilmaameen in aan Jihaad lagu tilmaami karin dadaalka cadowga looga saarayo dalka, “Raggii Waqtigaa Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari fariimaha kasoo dirayayna ay ku dhiradeen in ay yidhaahdeen Waxa Muqdisho ka socda Jihaad laguma sheegi karo” – Arintan oo inta badan ragga Siyaadda Soomaaliya u dhuun daloola ay ku noqotay filanwaa, iyo iyadii oo wax fasir ah loo waayey in waqtigan fariimaha noocaas ah loo diro Islaamiyiinta cadowga yuraynaya.

Arintan ayaa hadaba ka dhigtay Soomaalidii mid ukala qaybisay laba qaybood, qayb doonaysa in ay cadowga imika xooga ku haysta Soomaaliya gashaanka u daruuraan iyo qayb markaa dantay dooniba ha lahaadeene qorshohoodu yahay sidii loo hoosaasin lahaa Islaamiyiintan, kuwan oo iyaguba markii ugu horaysay ay ka timi fikradda Islaamiyiinta ka daadagtay maanta ee ay sababteeda cadowgii Illaahay iyo kii Soomaalidaba u hortaaganyihiin.

Marka sidaa loo dhigo xaajadda, waxaad arkaysaa in ay tagayso Yaa Maali Jiray, marka su’aashaa la iswaydiiyana waxay dantu sheegaysaa in ay ku dhamaan doonto hadba cidii banka taala, ee ay gacani wax ugu jiraan!

Maxaa Dhici Kara Ee
Suuragal Ah.

Tan iyo markii ay umuurahai soo ifbaxeen beesha calamku waxa ay indhaha ku kala qaadeen Soomaaliyadii ay ku tashadeen in ay meel ksuoo ogaadeen oo misana hurdadii dheerayd kasoo toostay, oo maanta doonaya in ay danahooda ka tashadaan, arintan beesha caalamku waa ay u cuntami wayday, oo waxa ay ku noqotay filanwaa.

Haba ugu horeeyo Maraykna oo sida la sheegay ugu yaraan milyan lacagta wadankaas ah ku bixin jiray sidii ay dagaal-oogayaashu ay halka ay taalay Soomaaliya ugu sii hayn lahaayeen, arintan oo uu si wayn ugu guuldaraystay Maraykanku kadib markii barqo dibadda loo saaray wixii uu ugu yeeray “Midowga Ladagaalanka Argagixisada”, tan oo ku dhalisay in uu ku fekero mudo yar kadib in Cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya uu gudaha usoo geliyo Soomaaliya, kuwan oo uu u arkay in ay yihiin kuwa keliya ee kala tuuri kara wanaaga ka dhashay Soomaaliya.

Islawaqtigaas waxaa uu sameeyey waxa uu ugu yeedhay “Gudiga Xidhiidhka Soomaaliya”, kuwan oo aan ka agab sokeyn kuwii laga eryey xaruntii Soomaaliya, ee Muqdisho.

Waxaa intaas oo dhan meel fadhiiso yidhi sanad ka dib, waxaan maanta kabahoodii afka ku wata Cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya, oo uu naf biday Maraykanku!

Dhanka dundia carabta ayaa iyadna waxay ay noqotay wax is-waydiin mudan, iyo bal waxa ay ka samayn kareen dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed oo koox koox loo nolol duugayo maalin walba iyo tan ka dambaysa, qaar badan baa lahaa, carab oo aad wax ka sugtaa waxa ay ka dhigantahay, adiga oo damcay in aad ceel ka cabto wadaan la’aaan.

Dalka yemen ayaa ugu dhawaa dalalkii ka hadlay arimaha Soomaaliyana iyaguna bilad sharaf ayeey siiyeen ninka cadowga Soomaaliya ee imika xooga ku degay Muqidho, isaga oo boogaadiyey bilad sharafna ugu keenay Magaaladda Muqdisho waqti ay daafi qurunleydu u dabaal-degaysay sanadkoodii cusbaa ee dhashay! Waqtigaas oo la keenay Magaaladda Muqdisho naago wada qaawan oo Gaaladii halkaa khamradda ku cabaysay u niikinayey! Muuqaal aad u xun buu ahaa kaasi!

Maxaa Xiga!

Waxaan shaki ku jirin in ay garan karana oo keliya Raggaa caabinaya cadowga ee hargal iyo hoyaadba u diiday, iyagayna tahay kuwa keliya ee mudan in wax laga waydiiyo Mustaqbalka Soomaaliya! Marka lagaba soo tago qolyahaa dibadda wareegaya ee misana sheeganaya in ay yihiin kuwa ugu horeeya ee cadowga caabinaya!

Voice Of Youth


QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya

Somalia Somalia

Archives
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika cagta saartay dariiqadii ay ku burburi lahayd.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin Hadii Galbeedku Wuxuu Sheegayaa Run Yihiin" Sh.C.Qani Qorane.
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.