Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Puntland;


Taasi Ha Idin Kaafido!

Posted: 04.01.08 02:00 AM

Voy. Beryahan dambe waxaa soo ifbaxayaya dad badan oo Soomaali ah, asiise aan la ogayn waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan toona in ay isu-soo taagaan in ay hormuud unoqdaan ka talinta aayaha Ummadda Soomaaliyeed gobolkay dooniba ha ku noolaadaaane, marka lagaba soo tago kuwa iyagu xooga ku doonay ee cid walba oo ay awoodeen gadhgaadhsaday, ama illaa iyo imika u ruclaynaya sidii ay u afduubi lahaayeen ama ay gacanta ugu dhigi lahaayeen wixii markaa agab iyo sharaf ahaa ee ay Soomaali oo dhami lahayd!

Uma mlaynayo in ay kuwaasi tilmaan u baahanyihiin, waxaa ugu horeeya Caddaha imika xooga kaga taliya Goboladaa Woqooyi Bari Soomaaliya “Puntland”, ama odayga wayn ee inkaartu ku dhacday ee illaa iyo imika ku taagan dariiqii uu ugu khaatumu-xumaysan lahaa, isaga oo aan welina waxba faro ugu jirin, xataa hadii uu soo taabtay halkii ugu saraysay ee uu weligii ku taami jiray iyo daafi-qudhunlaydii uu imika awood u helay in uu soo gaadhsiiyo xaruntii dalka Somalia Muqdisho.

Waxan oo dhami waxa ay udhacayaan waxaa weeeye doonista kursi aan awoodeeda iyo aqoonteeda la lahayn, balse ku qotanta doonis lagu ladhay is-madaxmar aan loo meel dayin oo cinwaankeedu yahay “Waan Rabaaaa”, walow ay Soomaalidu horay utidhi “Waan Rabaa Roob Baa Lagu Waayay” – Sidaasaaa Malaayin qofi u dhimatay, sidii uu odaygu maalinba dhinac ogaga soo wareegayay isaga oo ku hubaysan Ragga ay imaanta iyo caqligaba isaga midka yihiin “Daafi-Qudhunlay” – Waqtigaa xukumi doona, hadii aan ka hor la helin Hogaamiyayaal xalaal ah oo Sharci Adag ku qabta.

Maanta iyo qormadan ujeedkayagu waa uu ka duwan yahay, ka hadalka ninkaa Odayga ah ee dhur-daraystay, waxaan indhawaytaba soo wadnay qormooyin lagu daahfurayo odayaal dhowr ah oo iyagu doonay in ay isusoo taagaan hogaaminta Goboladaa Wuqooyi Bari Ee Soomaaliya “Puntland”, maanta waxa ay barbaartu uqalab qaadatay in ay wax un ka tilmaanto Muxiyadiin Cali Yuusuf oo kiu dhiiraday in uu yidhaahdo waxbaan hogaaminayaa, gaar ahaan Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya “Puntland”.

Waxaan yarehe qoraalkan gaaban ku eegi doono ama aan kusoo bandhigi doonaa guud mar yar, oo aan buudhnayn ugu yaraan wax un ka mid ah inta aan ka ognahay odayga, iyadda oo ay mudantahay in aan idin xusuusinaa in wax walba la sheegaa aysan haboonayn, laakiin waxaan yarehe guud mari doonaa, wixii aan dan u argnay in ay Soomaalidu ka ogaato gaar ahaan kuwa Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya “Puntland”

Somalia;

Muxyadiin Waqtigii uu joogay Xaruntii Somalia Muqdisho waxaa lagaa shaqaaleeyey Wasaaradii Waxbarashadda iyo Barbaarinta, sida dad badani ay ogyihiin waxa uu maamule kasoo noqday Dusiyo kale duwan oo Caasimadda ah, waqtigaa hab-dhaqankiisii wax badan lagama oga, ilaa iyo imikana markii aan u dhaba-galnay cid hadal-haysa ama wax un duuflaal ah ku tilmaanta ma aynaan arag! Waloow dad badan oo asxaabtiisa ah oo aan la xidhiidhnay ay noo sheegeen waagaa in aan sidaa la isu-dhugan jirin oo qof waliba markaa uu waxa uu dan moodo iska qunsan jiray, dadkii aan umuurtaa wax ka waydiinay iyo noloshiisii Soomaaliya, iyo weliba gaar ahaan hab-dhaqankiisii maamul, waxa ay ku celceliyeen in waqtigaa uu ahaa Jaantaa Roggan, oo xisaabtan sidaas ahi ma jirin.

Canadda;

Odaygu waqti aan dhawayn ayuu caradan North Amiroca soo gaadhay, waxa dadkii waagaa yaqaanay sheegeen in mudo kadib kala cararkii Soomaaliya uu yimid dalkaa Canada, Intii uu joogay Dalkaa Canadda sida uu isagu noo sheegay waxa uu wax ka dhigtay Kuliyad ku taalay Magaaladda Toronto, inkasta oo uusan si rasmi ah noogu faahfaahin waxa uu bartay ama nooca shahaadada uu halkaa ka helay ama la gudoonsiiyey.

Markii aan la xidhiidhnay Asxaabtiisii Toronto ma jiraan ilaa iyo hada cid noo xaqiijisay wax shaqooyin ah oo lagu taabayo bulshadda Soomaaliyeed ee halkaa ama xataa mid guud oo si guud uwada taabanysa shucuubta kala jinsiga duwan ee ku nool Magaaladda Toronto oo uu isagu ka qayb qaatay!

Maraykanka;

Mudo kadib odaygu waxa uu usoo wareegay Maraykanka, ilaa iyo imika macadda waqtigaa sababta uu Maraykanka ugu soo wareegay, dad badan baase lahaa waxa uu door bidayay in uu waqtigaa shaqo ka helo Maraykanka, maadaama ay Canadda ka cunsuriyad badantahay Maraykanka islamarkaana ay shaqaddu ka yartahay, oo sida Maraykana shaqooyinka loo helo aan looga helin Canadda.

Dhowr sanadood oo uu ku noolaa Gobolka Ohio kadib ayuu ogaga gudbay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota, sanadii 2001 waxa uu codsaday warqadda ogolaashaha Macalinimadda, isla sanadkaa waxa loogu ogolaaday Warqadda Nambarkeedu yahay #400020 in uu dhigi karo oo keliya fasaladda macalimiintoodu maqnaadaan, halka shardi loogaga dhigay in uusan shan iyo toban cisho oo xidhiidh ah wax wada dhigi karin xataa hadii uu Macalinku Maqanaado, waa waxa afka qalaad loo yaqaan “Short Call Substitute”.

“Short Call Substitute” waxaa la siiyaa dalkan Maraykanka Macalimiinta aan aqoontooda ama xirfadooda lagu qanacsanayn, kuwan oo ay Wasaaradda Waxbarashadu mar walba shuruud lama dhaafaan ah oga dhigto in ay qaatan daraasado dheeraad oo ay ku xoojinayaan aqoontooda ay uleeyihiin Macalinimadda ama in ay waxbaraan.

2003dii waxaa uu ku guuldaraystay in uu ku gudbo Imtixaankii uu ku mudan lahaa in loogu cusboonaysiiyo Waraqaddaa Ogolaanshaha Macalinnimo, tan oo keentay in uu halkaa ku waayo ogolaashahaa”Teaching License”.

Intii uu joogay Minneapolis waxa uu arday ka noqday Jaamacadda Minnesota, gaar ahaan College of Education, wax macluumaad ah oo Siyaadda ah oo la xidhiidha wixii uu bartay ama nooca shahaaddada uu ka qaatay Jaamacadda Minnesota lama oga, walow uu isagu usheegay Barbaarta in uu ka helay Jaamacaddaa Shahaadda waxbarashadda sare, heerka labaad ama waxa afka qalaad loo yaqaan Master-ka.

Mudo kadib xiligaa waxa uu shaqo ka helay xafiis ay leedahay Dowladda Hoose ee Minneapolis, halkaas oo uu howlwadeen ka ahaa adeega guud ee ay Dowladda hose u fidiso Soomaalida dakhligoodu hooseeyo, kuwan oo gadhgaadh noocya badan isugu jirta halkaa loogu fidin jiray.

Horaantii 2004tii ayaa uu mar keliya libdhay isaga oo aan waqtigaa la ogayn halka uu jaan iyo cidhib dhigay, maalma yar kadib waxaa la ogaaday in uu ka talaabay xadka u dhaxeeya Canadda iyo Maraykanka isaga oo cago kaga baxsanayay sirdoonka dalkan Maraykanka, sida goobjoogu ku waramay waxa uu xiligaa gadhgaadhsaday nin ay qarabo yihiin oo uu ka codsaday in uu halkaa ka talaabiyo. Isaga oo judhiiba oga sii gudbay Xarunta dalkaa Egland ee London, kadibna oga dhoofay xarunta Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya Ee Boosaaso.

Xiligaa wixii ka dambeeyey Sirdoonka dalkan Maraykanka ay doondoonayey odayga, iyagga oo ugu yadhaan cid walba oo xaafaddii uu deganaa oo ay Soomaalidu ku badnayd waydiinayay, xataa marka lagu daro dadka shaarica maraya wixii ay ugartaan in ay Soomaali yihiin, iyaga oo watay saiwrkiisa iyo Magaciisa oo sadexan.

Waqtigaa waxa uu isdabamariyey ee ay ku qoonsadeen sirdoonka wadankan ayaan ilaa iyo imika waxba laga ogayn, sirdoonka dalkan ayaan iyagu Soomaalida sidaa u daba-gelin maadaama ay ogyihiin in waxa ay ku mashquulsanyihiin oo dhami ay yihin oo keliya sidii reer hebel iyo reer hebel la isugu diri lahaa, ama lacag ay hub ku iibsadaan loogu diri lahaa reeka si ay reer hebel isaga celiyaan.

Arintani dad badan waxa ay ku noqotay filanwaa, wax fasir ahna waa loo waayey, waayo halkan sidii Somalia oo kale ma ahan, oo wax walba oo aad doonto aad isdabamarin kartay, hadii ay dhacdo in aad taa ku fakirto ama aad ku talaabsataana waxay ubaahantahay xirfad fogaatay oo aan si sahlan loogaga sal-gaadhi karin.

Mar ay barbaartu kula kulantay odayga qudhiisa Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya ayuu usheegay in uu la xidhiidhay Sirdoonka dalkan Maraykanka isalamarkaana ay usheegeen in la xaliyay umuurtii isaga loogu duur-xulay.

Soomaali kale oo isla gobolkaa kasoo jeeda ayuu odaygu sidoo kale usheegay in sababta loo eryanayaa ay tahay oo keliya in uu yahay nin Diinta Islaammka ku wanaagsan sababtaasna ay tahay waxa keliya ee ay qoonsadeen Sirdoonka dalkan, arintan oo dad badani ay tilmaameen in ay tahay wax xaqiiqadda ka fog, Islamarkaana oo keliya ay noqon karto sababta loo eryaday odayga wax is-dabamarin baahsan dhankay dooniba ha ka timaadee.

2006dii Sirdoonka Maraykanka ayaa yimi meel ay waraaquhu ugu soo dhici jireen, waraaqahan oo aan marnaba dib ugu laaban halkii laga soo diray, tan oo muujinaysa in ay waraaqahaasi isaga gaadhi jireen, waqtigaa waxaa la handaday milkiilihii Xaruntaa isaga oo laga codsaday in uu meel ku sheego Muhyadin Ali Yusuf, maadaama uu weli furan yahay sanduuqii uu halkan ku lahaa, Waqtigaa waxa uu milkiilahaasi ku dooday in dhamaan waraaqahaa ay gaadhi jireen haweeney isaga u dhaxda oo Xaafadda Uu Sanduuqaasi ku yiilay degan, kadibna waxaa lagu ijbaaray in sanduuqaa la xidho, islamarkaana wax walba oo ku yimaada magaciisa lala soo xidhiidhiyo sirdoonka dalkan, waqtigaa waxa ay halkaa kaga tageen halka lagala soo xidhiidhi karo iyaga si Muhyadiin Cali Yuusuf warkiisa loosoo gaadhsiiyo.

Todobaayadii ugu horeeyey sandkan 2008da waxaa soo baxayay warar sheegaya Xog-waraysi isaga lagu doonayo kan oo ay sirdoonku la yeesheen ragg ay ku tuhmayeen in ay asxaab ahaayeen Muhyadin Ali Yusuf.

Somalia;

Xiligaa kadib odaygu waxa uu ubaqa-cadhadhay xagaa iyo Somalia, gaar ahaan goboladda Woqooyi Bari ee Somalia “Puntland”, halkaas oo uu sida uu usheegay barbaarta uu kawaday howlo la xidhiidha waxbarashadda, waqti ay barbaartu fursad u heshay in ay booqato Jaamacadda Boosaaso, iyadda oo ujeedadu ay ahayd bal in ay barbaartu sameeyaan sahan dhan oo ku jeeda Macalimiinta iyo ardayda howlahaa ku mashquulsan, goortaa waxa ay barbaartu uqaybiyeey Sahan ka koobnaa 15Bogg, Ardaydii halkaa ay kula kulmeen.

Sahankan oo runtii aad muhim ugu ahaa bal sida ugu sahlan ee ay tahay in la ogaado wax ka socda Jaamacadda ee Daraasad ama daryeel ubadka ku jeeda ah, gaar ahaan tayadda waxbarashadda jaamacadda hadii ay noqon lahayd Ardayda iyo Macalimiintaba, sahankan diyaarintiisa ayaa loo adeegsaday aaladda sahanadda lagu qaabeeyo ee loo yaqaan SPSS iyo Nvivo4.

Waqtigaa sahankaasi waxa uu soo saaray 91.07% in aysan fahamsanayn Ardaydii aan halkaa kula kulanay Qaab daraasadeedka halkaa ka baxa ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo “Instructional Pedagogy”, tan oo uusan hadii uusan Macalinku fahamsanayn ay adagtahay in sida badan uu ardaygu ku garto, kan waa tusaalaha ugu yadh ee aan usoo qaatay Heerka aqooneed ee Macalimiinta, waxaa tan la mid ah “Garowe Teacher’s Education College” iyo Puntland State University oo aan mid walba oo ka mid ah ay barbaartu siiyeen Sahankan.

Waxaa kaloo iyadna xusid mudan in luqadii uu ku qornaa Sahanku oo aad ufududeyd sida caadada ahna sahanadda oo dhan lagu qoro luqad yasiran si uu u awoodo qof waliba in uu oga qayb qaato, ardaydii iyo macalimiintii halkaa isugu timi ee sahankaa la siiyey, walow ay macalimiintu iska soo taageen, hadana ardaydii sahanka qaadatay oo heer walba lahaa 88.75% waxa ay waydiisteen in marka hore kuligii Af-Somali lagu tarjumo, ama xataa af-carbeed, waxaanad maanka ku haysaa in Luqadda barashadda ee Jaamacadu ay tahay English, su’aasha judhiiba madaxaaga isku so tagaysaa waxaa weeye Maxay Badhayeen?.

Ogaalka Barbaarta Muhyadiin Ali Yusuf intuu oo joogay carigaa waxa la siiyey laba Mashruuc, kuwan oo ay bixiyeen Save The Children, waqtigaa waxaa madasha yaalay dad in badanna oga aqoon iyo xirfad badanna howshaa la siiyey, isaga oo oga waramayey barbaarta sababta lagu siiyeyna waxa uu yidhi “Wax walba oo dheef ah oo aan ka helo Mashruucan waxaan badh siin doonaa Axmed Saciid Aw-nuur iyo Siciid Sanwayne” Axmed Siciid Aw-Nuur waa nin waqtigaa Wasiir ka ahaa Wasaaradda Waxbarashadda, Siciid Maxamed Faarax “Sanwayne” waa nin ay Axmed qaraabo yihiin oo uu waqtigaa u dhiibtay Waaxda Tababaradda

Waxaase ugu sii yaab badnaa markii uu Barbaarta usheegay in Dejinta Siyaasadda Lagu Hagi Doono Macalimiinta Puntland oo ay ahayd wixii uu kula heshiiyay qowlaysatadaa, uu kasoo roggay ama kasoo min-guuriyey Internet-ka, Qoraalkan oo sida la filayo ahaa mid loo diyaariyey dalal iyo dadyoow kale, kadibna sida uu Muhyadiin Ali Yusuf usheegay barbaarta laga ansixiyay Baarlamaanka Puntlnad, waa sida uu sheekadda usheegaye.

Waxaa kale oo uu si toos ah iyo si dadbanba oga qayb qatay Muhyadiin Ali Yusuf falfalxumadda maanta Puntland ka shaqaysa ee gudaha looga yaqaan “Noo Kala Tuur”, oo macnaheedu yahay in aad qof mas’uul meel un ka ah, gaar ahaan hay’adaha Dowliga ah, ama kuwa maxaliga ah aad si si un ugu heshiisaan in xoolaha loogu talagalay dadwaynaha aad ku tala xumootaan, walow aysan yarayn ragga howlahan ku mashquulsan maanta marka si guud loo eego Somalia oo dhan, gaar ahaan Goboladda Wuqooyi bari oo imika odaygu doonayo in uu si wanaagsan ugu banbaxo howlahaa.

Marka aad si guud u akhrido falalkan odaygu sida baahsan uu oga qayb qaatay, waxaa la odhan karaa sababta ay Sirdoonka dal kale u eryanayaan waa falalkan un wax isdabamariska iyo falfalxumadda ku salaysan.

Akhristoow adigay barbaartu kugu soo wareejiyeen ee bal nala eeg sidee qof noocaas ah loo aamini karaa, ama loogu dhiibi karaa furaha khasnadda gobolka oo dhan, mise waxaanu saarnaa Miisana odhanaya hadaba balaayaa kalaa dhuuqdee, isaga maxaan ku qoonsanay! Wixiisaa odaygu ha barakaystee u daayaa oo weliba doorashadda uu imika doonayana ugu shuba, Akhirana isaga iyo Illaahiisay joogtaaaa!

Maxay ku nuugtaa Maxayse
ka Nuugtaa.

Imika oo uu odagyu hunguri ka galay in uu horjooge ka noqdo Goboladda Wuqooyi Bari ee Somalia “Puntland” hadaladda kasoo yeedhaya qudhooda waxaay noqdeen kuwa khajal geliyay dad badan oo Soomaali ah islamarkaana daymo sugad ah, haba ugu sii darnaadaan kuwa gobolka.

Hadii aan tusaale usoo qaadano waxyaabaha inta badan dadkaa khajalka geliyey, mudo haadan laga joogo dhowr todobaad ayuu odaygu meel fagaare ah isla soo taagay in uu dagaal ku ekayn doono dad kale oo Soomaali ah, islamarkaana uu cudud kusoo celin doono dalkii gumaysigu asteeyey, waqtigaa oo uu ku magaacabay Somaliland.

Waxaabad moodaa hadii in ay kasoo muuqatay siyaasadii ahayd hadii aadan dagaal-yahan ahayn – waa sida Cadde iyo Toolkiiba ay kudhsiga ku gaareenne – wax badan kuu kala socon maayaan, waana sida dad badan oo Soomaali ah ay uqaateen hadalkaa kasoo yeedhay Odayga.

Tan hadaba imika la iswaydiinayaa waxaa weeye isagii oo aan weliba meel fog tegin, amaba hadii aan si kale udhigno aysan gacanta waxba ugu jirin ayuu dagaal ku baaqay, maxay kula tahay hadii uu gaadho halka imika uu u cararayo ee uu hungurigeedu hayo, waa halkii Soomaalidee Maxy ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa?

Ugu dambayntii qoralkan oo loogu magac daray Taasi Ha Idin Kaafido, waxaan leenahay dadka Puntland Intan ha idin kaafido, go’aankana waxaad moodaa in uu kiina yahay, Soomaali badan oo sidoo kale daymo sugad ah ayaa iyaguna lahaa armay dadka gobolku ka daaleen noocan, hadii aad ka daasheen dadka noocan ah iyo hadii aad weli uxiisa qabtaan ragg ku caan baxay wax isdaba-marin iyo hadii kale, ablabalyntan oo dhan waqtigaa sheegi doona!

Voice of Youth
investigativereporter@agabso.com


QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Muhyadin Ali Yuusuf

Somalia Somalia

Archives
Maxay Qoonsadeen Culimaddu!?
Sh.Cabdulqadir Nuur FaraxCulimadda Puntland MAxay Qoosadeen! Waa Su'aal Soomaalida Oo Dhan Ay Is-waydiinayaan! .
 Qaybta 1 & 2aad
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika,.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin ,..
  The Report
Gabantu Cadaalad Ma
Aysan Helin

SamSam DucaaleWax Cadaalad Lagu Sheego iyo Wax Udhow toona ma Aysan Helin Samsam Ducaale,..!
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.