Posted: 01.05.07 01:00 AM
Golaha Amaanka ayaa ugu baaqay dhamaan Labada dhinac ee ku dagaalamaya Xarunta Soomaaliya Muqdisho in ay ku talaabsadaan xabad-joojinta shuruud la'aan ah, iyo in ay si dhan uwada gaadhaan heshii xabad-joojineed oo in badan waara, iyo in la bilaabo gurmad lagu gargaarayo dadkii ka cadhadhay magaaladda intii dagaalku socday oo kumanaan kor u dhaafay.
Iyagga oo ka waramaya Arimaha Soomaaliya ayay muujiyeen walaaca ay ka qabaan halka imika xaaladu marayso, waxay muujiyeen sida ay oga xunyihiin dhibaatooyinka dhimasho iyo dhawaacaba leh ee ka dhashay dagaalkan, kuwan oo ay hakin kareen islamarkaana ay iyagu lahaayeen sababtii dhalisay dagaaladan.
Waxa uu golaha amaanku marka kale ku celiyey islamarkaan si wayn ugu booriyay xabad-joojin dhaqan gasha oo loo dhanyahay, waxa kaloo uu ku eedeeyey golaha amaanku in con.Yuusuf iyo kooxdiisu aysan marnaba ogolayn in dadkii ku dhibaatooday halkaa gadhgaadh banii'aadanimo lala gaadho, arintan oo dhowr jeer oo horena ay is hortaageen.
Golaha Amaanku waxa uu wax degdeg loogu baahanyahay ku tilmaamay in dalalka imika ka qayb qaadanaya arimaha Soomaaliya ay ciidamo intan ka badan ay soo gaarsiiyaan Soomaaliya, tan oo uu sheegay in ay Muhimad gooni ah u leedahay sidii loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed.
Degaanansho Iskii
Isaga Yimi.
Dagaallo ba'an oo sideed maalmood socday oo shanta la isula tagay, kuwan oo ay ku nafwaayeen in kabadan 400 oo qof Soomaali ah, kadib ayay bilaabeen dadkii ka cadhadhay Magaaladda Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Caasimadda, Soomaalidan imika soo laabatay ayaa qalabka warbaahinta u sheegay in ay isaga fogaan doonaan Koonfurta Magaaladda halkaas oo Itoobiyaanka sida badan bartilmaameed u ahayd.
Isaga oo ka hadlaya arimaha Magaaladda Muqdisho ayuu Cali Galaydh oo horay Ra'isal wasaare oga ahaan jiray Soomaaliya sheegay in xabadda oo joogsatay Magaaladda Muqdisho ay tahay oo keliya "Islaamiyiinta oo u arkay in aysan wax dan ahi ugu jirin dagaal fool ka fool ah oo ay kala hortagaan Itoobiyaanka, xiligaan dagaalka noocan ahi wax faa'iido ah uguma jiraan"
Galaydh oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi "Waxay imika doondoonayaan istiraatijiyad intan ka hagagasan oo ay ku gaadhi karaan ujeedadooda oo ah sidii cadowga loogaga saari lahaa dalka" waxa uu si gooni ah u tilmaamay in "Dagaalka lagu doonayo in lagu xodheeyo dalka uusan ku ekaan doonin oo keliya Magaaladda Muqdisho, waxa uu gaadhi doonaa dalka sida uu u dhanyahay" Ayuu hadalkiisii kusoo xidhay.
Dhibaatadda oo
lasoo af-jaro.
Reuters oo soo xiganaysay oday ka tirsan qabiiladda hawiyaha ayaa sheegay in kulan ay la qaateen Con.Yuusuf iyo Geedi lagaga hadlay sidii loosoo gabagabayn lahaa dagaaladda imika la isu diyaarinayo oo iyagu weji hor leh qaatay, iyo sidii lagu gaadhi lahaa rajadda ay Kooxda Con.Yuusuf ka qabto in ay si nabad ah salka Muqdisho u dhigaan, oo halkaa danahoodu meel maraan.
Laba maalmood ka hor ayuu Con.Yuusuf ku dhawaaqay in lasoo gabgabeeyey dagaaladii ay kula jireen Islaamiyiinta Soomaaliya, halkaas oo isaga iyo itoobiyaanka gacanta siinaya ay sheegteen waqtigaa guul dadku intiisa badan ay ku tilmaameen mid lagu degdegay, ayuu hadana imika weli fadhiyo aan caadi ahayn la qaadanayaa odayadda hawiye, umuurtan oo dadka intiisa badan isu qaban wayday.
Uruuradda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya tan iyo waqtigii uu dagaalku biloowday dadka ku nafwaayey magaaladda Muqdisho in ay tiradoodu gaadhayso 2500 oo qof oo Soomaali ah, kuwan oo dhamaantood shicib ah, halka ay aqaladoodii isaga cadhadheen in ka badan Milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.
Voy+NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |