Posted: 02.06.08 11:00 AM
Voy.wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa qiratay in ay weerar ku qaatay gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Magaaladda Dhuusa-mareeb, halkaa oo ay ku dileen dhaliinyaro dhowr ahaa oo aqaladooda hurday kuwan oo uu ku jiray Ninka Odayga ah Aden Cayrow, fariimahan ayay soo direen kadib markii ay ogaadeen in uu odaygu halkaa ku shahiiday.
Mar wax laga waydiiyey Maraykanka sababta ay waxani oo dhami udheceen ayuu ka gaabsaday, halka cadowga weligii ee Somalia Itoobiyana ay boogadiyeen weerarkan bahalnimadda qaawan ee ummadda gaajada iyo anfariirka la ildaran lagu sidihiyay xlay saqdii dhexe.
Dhowr nin oo u hadalay maraykanka ayaa sheegay in werarkan la qaaday uu ahaa gantaan badda laga soo riday kan oo uu hagayay ruux ka mid ah kuwii dhaliinyaradda halkaa ku shahiiday kula jiray, iyadda oo loo malaynayo in uu qofkaasi xataa halkaa ay kaga tagtay sida ay sheegayaan warar aan la hubin oo is-qilaafsan oo ka soo baxaya dhinacyo kala duwan, Itoobiyadda boogaadisay, daba-qoodhiga kooxda Con.Yusuf oo iyagu judhiiba lasoo booday in ay iyagu ogolasha siiyeen kuwan dadka madaafiicda ku baaba'shay.
Nin kale oo isaguna wasaaradda difaaca Maraykanka oga hadlay Washington ayaa sheegay in sida hadii ay awoodi kari waayay in ay qabtaan qaar ka mid ah kuwa ay doondoonayaan ay markaa sida badan iksu dayaan in ay dilaan, iyagga oo adeegsanaya madaafiicda dhulka laga hadlo iyo saxiimadaha hawada sare meera ee loo yaqaan Satellite-ka, weerarkan ayuu Sheikh Mukhtar roobow ku tilmaamay mid fulaynimo ah, oo kuwa falalkan ku talaabsaday aysan awoodin in ay dhulka usoo dagaan.
Isaga oo Sheekha hadalkiisa siiwada ayuu yidhi "93kii dharbaaxadii ku dhacday Maraykanka iyo tan imika xulufadiisa haysata ayaa ka dhigtay in uu soo qaato weeraro caal-waa ah, kuwan oo uu filayo in dagaalka ka dhanka ah cadowga aynu ka baaqsan doono, taasi waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, tanina waxa ay noo siyaadinaysaa dhiranaan iyo geesinimo".
Sh. Sharif Sh. Axmed oo laga waraystay Idaacadda la iska arko ee Al-Jazeera ayaa sheegay, in falalkaasu ay dhamaantood ahaayeen kuwa waxashnimo ah, kuwan oo buu yidhi laga saaray damiirkii hagaagsanaa, islamarkaana ay yihiin kuwo loo adeegsaday dadkii dunida oo dhan makiinadaha wax gumaadda, iyadda oo ay hagaagsanayd in noolaha la saacideeyo halka dhibaatadda iyo gumaadka lala daba-taaganyahay," waxa uu hadalkiisa kusoo ebyayay "ummadda Soomaaliyeed weligood iloobi mayso kuwaa falalkaa argagixisonimadda ah ka wada gudaha dalka Somalia."
Dhiiri-gelinta Itoobiya.
Burhan Hayle oo isagu qayb ka ah daafi-qudhunlayda ka talisa Itoobiya ayaa si wanyn u amaanay gumaadka uu maraykanku ka gaystay saka gudaha dalka Somalia, tan oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid si wanaagsan u cidhib-jaraysa Islaamiyiinta Somalia kuwooda dhiifoon.
Isaga oo taa un ka waramaya waxa uu yidhi "Weerarkii Soomaalida lagu laayay maanta waxaa qaaday Maraykanka oo keliya, waxa aanu ku taageernay waxa ay ahaayeen macluumaad aan u gudbinay iyagga, waxaa halkaa lagu dilay Aden Cayrow, haweney isaga u dhaxda iyo mid ka mid ah caruurtiisa, iyo sadex iyo labaatan dhaliinyaro ah oo kale".
Nin oday ah oo isaguna la hadlay wakaaladaha wararka, isalamarkaana diiday in la sheego magaciisa ayaa ku waramay in dadka illaa iyo hada halkaa ku le'day ay tiradooduu gaadhayso 30 qof oo madani ah, halka 25 aqal ay dhulka hoostiisa galeen.
Islaamiyiinta Oo Balanqaaday.
Islaamiyiinta Somalia ayaa ku tilmaamay falalkan mid bahalnimo ah, nin oday ah oo lagu magacaabo Maxamuud Ibrahim Suley, oo u hadlay Islaamiyiinta ayaa falalkaa ku tilmaamay kuwo fulaynimo laga buuxiyey, Aden Cayrow dilkiisiina ay dhali doonto kumaan kun oo Aden oo kale ah. Afhayeenku waxa uu ku dhaartay in ay sii wadi doonaan dagaaladda ay oga soo horjeedaan waxa uu ku tilmaamay cadaawadda midaysan ee Maraykanka iyo dabadhilifiisa Itoobiya iyo daba-qoodhiga.
Islaamiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay kusii socon doonaan dariiqaa isaga ah, iyagga oo wax yar un ka dib dhacdadaa huwiyey 18 gantaal oo kuwa dhulka laga tuura ah qayb ka mid ah xeryaha ay Daafi-qudhunlaydu ku jirto ee Muqdisho, qaybo badan oo Soomaalida gobolka ah ayaa ka dhiidhiyay islamarkaana ku tilmaamay wax aan la aqbali karin edeb-daradda uu Maraykanku ka wado gudaha Soomaaliya.
Voice Of Youth
'Gaaladu Way Jabeen' Sh.Sharif Maqal+
Starbucks Riwaayad Xiiso Leh Maqal+
Ahlu-Sharaf Somalia Wax Ka Bedelay! Eeg+
Isku-Daygii Labaad Ee UN-ta Akhri+
Ereteria Oo La AmaanayMaqal+
Maxaabiiska Itoobiyaanka Maqal+
Isbahaysiga Saliibiyiinta Maqal+
'Dagaalku Waa Mubaax' - Galaydh Maqal+
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |