Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Aadan Cayrow;


Nin Oadya Ahaa Oo Shahiiday.

Posted: 05.01.08 02:00 AM

Voy. Wararka ka imanaya Magaaladda Muqdisho ayaa sheega in Aaden Xaashi Cayrow oo Hogaamiye Sare ayaa ay ciidamadda Maraykanku ku dileen weerar ay ku qaadeen gudaha Soomaaliya, weeraradan ayaa ay ku waramayaan goob joogu in ay fuliyeen afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah kuwan oo xagga hoose laga hagayay, walow aan ilaa iyo hada wax badan laga ogayn dadka umuurtaa ku tala xumooday.

Odayga ayaa la sheegay in weerarkan lagu qaaday waqti uu joogay aqalkiisa oo ku yaalay xarunta gobolka galgaduud ee dhuusa-mareeb, weerarkan ayaa waxa inta la ogyahay ku shahiiday 8 ruux oo kale, kuwan oo waqtigaa la joogay odayga.

Cariga imika weerarku ka dhacay ayay Maraykanku in dhawaytaba ku celcelinayeen in uu yahay meel ay si wanayn oo balaadhan u joogaan waxa uu ugu yeedhay "Argagixisadda Caalami ah", kuwan oo uu ola jeedo sida dadka indha-indheeya arimaha Soomaaliya Islaamiyiinta oo aad ugu xoogaysana dhulwaynaha Soomaaliyeed.

Sida uu ku waramay Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters "Diyaraddo ay Maraykanku leeyihiin Gaaladda Maraykanka ayaa weeraray aqal ku yaalay Magaaladda Dhuusa-mareeb" isaga oo sii wada hadalkiisa ayuu yidhi " Dhacdadaa waxaa lagu dilay laba qof oo aad loo yaqaan oo ka tirsanaa Al-Shabaab Al-Islaami, odaygu midkood buu ahaa"

Nin reer dhuusa-mareeb ah ayaa usheegay wakaaladdaha wararka "in markii ay ahayd 03:00 aroornimo waqtiga dhuusa-mareeb ay maqleen qarax xoogan iyo qiiq cidhka isu shareeray, waxaanan filaynaa in ay ahayd madaafiic uu MAraykanku soo diray", Maraykanka oo isagu sida la shegay ka dambeeyey weerarkan ayaan illaa iyo hada wax war ah laga maqal, walow ay idhawaytaba ku celcelinayeen in Islaamiyiinta Somaliya iyo Al-Qaacida ay dhibaato wayn ku hayaan danihiisa gobolka.

Adan Madoobe Ayaa
Sheegtay

Daba-qoodhi ka tirsan kooxda Con.Yusuf ayaa usheegay wakaaladaha wararka in Adan Cayrow uu ahaa xubin wayn oo ka tirsan Ururka Al-Qacida, islamarkaana uu tababar xagga ciidamabadda ah kusoo qaatay Dalkaa Afgaanistaan waqtigii ay ka talinayeen Daalibaan, weerarkii saaka lagu qaaday Gobaladda dhexe ee Somalia waxaa sheegtay in uu amarkaaa bixiyay Adan Madoobe oo isagu imika horjooge u ah baarlamaanta kooxda Con.Yusuf.

Dayma-sugadka Somalia ayaa sida badan sheega in Islaamiyiinta Somalia ay gacanta ku hayaan inta badan dhulka Somalia, gaar ahaan koonfurta iyo goboladda dhexe, kuwan oo si joogta ah u fuliya dilal qorshaysan oo lagu ugaadhsanayo daba-qoodhiga ay daafi-qudhunlaydu kaabto ee Somalia.

Aden Cayrow.

Waa Hogaamiye sare oo ka tirsan Islaamiyiinta Somalia, waxa uu kacay howshan imika uu darteed udhintay sanadkii 1991kii, waxa uu gaadhay in uu qayb ka noqdo asaaska urur Islaami ah oo imika noqday kan ugu xoogan kuwa ka jira SOmalia, warar aan la hubin ayaa sheega in Aden Cayrow uu sheekh Xasan u diray Afganistaan si halkaa uu tababar xagga ciidamadda ah ugu soo qaato.

Aden Cayrow waxa uu dib ugu soo laabtay Somalia sanadkii 2001 kadib markii uu nidaamkii Daalibaan ak baxay meesha, waxa inta badab ka howl-gali jiray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia isaga iyo tobaneeyo dhaliinyaro oo kala soo laabtay Afganistaan.

Goortaa Macalin Ceyrow iyo saaxiibadii waxa ay uruuriyeen islamarkaana tababaro siyeen dhaliinyaro Soomaaliyeed kuwan oo markii dambana sanadkii 2005 la galay dagaal xogan caada-qaatayaashii Maraykanku dhigay magaaladda Muqdisho, kuwan oo Soomaalida inteeda badan ay uyaqaanaan "Ashahaado La Dirir".

Adan Xashi Cayrow waxa uu xagga Illaahay uhoyday maalintii ugu horaysay ee bisha may sanadkan 2008da, isaga oo ku taagan dariiqii uu ku doonayay in Shareecadda Islaamka lag hirgeliya gudaha dalka Somalia, waana tan ay sida badan sheegaan Islaamiyiinta Somalia in ay u dirirayaan, iyo sidii dalka Somalia loogaga xorayn lahaa Daafi-qudhunlayda imika ku habsatay oo uu Maraykanku xagga dambe ka riixayo.

VofY + News Agency


QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Shahid Aden Cayrow

Somalia Somalia

Archives
Maxay Qoonsadeen Culimaddu!?
Sh.Cabdulqadir Nuur FaraxCulimadda Puntland MAxay Qoosadeen! Waa Su'aal Soomaalida Oo Dhan Ay Is-waydiinayaan! .
 Qaybta 1 & 2aad
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika,.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin ,..
  The Report
Gabantu Cadaalad Ma
Aysan Helin

SamSam DucaaleWax Cadaalad Lagu Sheego iyo Wax Udhow toona ma Aysan Helin Samsam Ducaale,..!
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.