Posted: 05.02.08 02:00 AM
Voy.
Al-Shabaab ayaa balan qaaday in ay jawaab degdeg ah ka bixin doonaan fulaynimadii lagula kacay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Ururka gaar ahaan Aden Cayrow iyo Sh. Muxiyadiin, oo labadaba ku shahiiday weerar diyaaradaha Maraykanku ay ku qaadeen aqal ay waqti yar un ka hor ay soo gaadheen oo ku yaala Xarunta Gobolka Dhuusa-mareeb. Waxay Al-Shabaab ugu baaqeen dhamaan ciidamadooda in ay fuliyaan howlaglo degdeg ah kuwan oo jawaab u noqon kara weeraradii shalay lagu qaaday qaar ka tirsan Hogaamiyayaashooda.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku howl-geli doonaan hogaan cusub maadama ay waayeen hogaamiyayaal sare oo ka mid ahaa ragga ay sida wayn ugu dhaadan jireen, Sh.Mukhtaar rooboow oo la hadlayay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in ay waqti dhow un maqli doonan war ay dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee Gumaysiga necebi ku farxi doonaan.
Sh.Rooboow oo ka jawaabayay su'aal ahayd hadii uu imika cayrow shahiiday in howl-galadoodii ay wax iska bedeli doonaan iyo in kale ayaa yidhi " Waxa joogaa kumaanan kun oo dhaliinyaro ah kuwan oo aaminsan wixii uu aaminsanaa Aden Xaashi, iyagga oo ay taasi u dheertahay in uu si gooni ah isagu utababaray." isaga oo hadalkiisa sii wada ayuu yidhi "Waan wadi doonaa dagaalka illaa aan cadowga ugu dambeeya ka saarno dhulka Muslimiinta."
Qoraal lagu baahiyey Internet-ka ayaa lagu sheegay in uu Maraykanku uu adeegsaday weeraradaa gantaaladda loo yaqaan "Cruise missile" nooca badda laga tuuro islamarkaan dhulka laga hago, kuwan oo loo isticmaalo khidada meelaha sida badan loo caal-waayo, oo wax un hadaf ah aad toogan karto iyadda oo aan ciidankaasuna wax dhib ah kasoo gaadhin goobtaa.
Nin u hadlay daafi-qudhunlayda Itoobiya ka talisa iyo daba-qoodhiga Somalia ayaa yidhi "Weerarkii lagu qaaday gudaha Somalia waxaa ku dhintay 12 qof iyo Aadan Xaashi oo isagu ah ninka u fadhiya Al-Qacida Dalka Somalia. sidoo kale waxaa la xusuusanyahay in daba-qoodhiga Somalia ay sheegeen in bishii Marso ee sanadkii lasoo dhaafay Aden Xaashi Ceyrow loo magacaabay wakiilka Al-Qacida ee dalka Somalia, dad badan oo dayma-sugad tan ku jeeda arimaha Somalia ayaa lahaa tani waxa ay jawaab u tahay hadalkaa kasoo yeedhay daba-qoodhiga.
Weerarkan ayaa ah kii shanaad oo uu Maraykanku ku qaado gudaha dalka Somalia, tan iyo markii uu isaga baxay gudaha somalia sanadkii 1993kii, waqtigaas oo uu iska-caabin gulus kala kulmay Soomaalida, tan oo dhalisay in uu isaga tago Somalia, waxaa ugu dambeeyey kii kan ka horeeyey ee bishii Janaayo 2007, waqtigaas oo uu diyaaradaha qumaatiga u kaca u adeegsaday dad reer guuraa ahaa oo ku sugnaa koonfurta Somalia.
VofY + News Agency
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |