Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Prof.Omar Malow Xalka Somalia
Fariin ka timi Prof. Omar malow oo lagu doonayo xal degdeg ah oo la gaadho. Daawo+
"Qajac Waa Jiraa"
Hadii Uu Luqadii Ku Jirana Falkii Wuu Jiraa". Nurudin Farax Maqal+
C u d u d a a r Maqal+
Jilbaabka & Nuruddin Farax. Maqal+
Maxaa Ka Dhacay Iskuraran?
"Annaga President nagu noqon maysaan, halkan Somalia ma ahan waa Maraykankii". Hooyo Soomaaliyeed.
Qaybta I Maqal+
Qaybta II Maqal+
Letter From Office of Student Engagement! Maqal+
"Rabitaanka Shacabku Ixtiraam Buu Mudan yahay". Sh.A.Qani Qorani. Maqal+
Soomaali


Badan Baa Guantanamo Ku Xidhan" Sh.Shariif

Posted: 03.05.07 01:00 AM

Madaxa Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Sharif Sh. Axmed ayaa waraysi uu siiyay boga Internet-ka uu ku leeyahay Talevision-ka carbeed ee Al-Arabia ku sheegay in tiro ka badan 500 oo ragii la duubnaa Islaamiyiinta ah lagu hayo xabsiyo sida kuwa Guantanamo oo kale ah, kuwan oo Maraykanku ku leeyahay dalka Itoobiya,

Sh.Sharif oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi "Waan soo dhawaynaynaa dadaal kasta oo dib-uheshiisiineed kan oo uu Sacuudigu ku doonayo in uu nabad kaga dhaliyo Soomaaliya"

Madaxa Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Sharif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Soomaali badan oo Guantanamo-yinka cusub ee Maraykanka lagu uruurinayay dhawaanahanba, dadkan ayuu ku tilmaamay kuwa ay soo qabteen Itoobiyaanka kusoo duulay dalkeena, ee hungurigu ka hayo sidii ay Soomaaliya u qabsanlahaayeen, iyo kuwa imika loogu yeedho dowladda ku meelgaash-ka ah.

Isaga oo ka hadlaya in ay Islaamiyiintu hayaan ciidamo Itoobiyaan iyo Maraynkan ah, kuwan oo ay gacanta ku dhigeen waqtigii ay dagaalka kula jireen gumaysi doonka ayuu sheekhu ku jawaabay "Arintaa maxaabiista gacanta Islaamiyiinta ku jidha ma haboona in aan imika ka hadlo, waxaa iman doona waqti aan ka hadli doono iinshaa Allah"

Waanwaanta Boqorka
Sacuudiga

Warar isi soo tari waayay oo sheegayay in dhawaytaba in Dalka Sacuudigu uu doonayo in uu ka qaybqaato sidii Soomaaliya loo islaaxin lahaa ayaa misana sheekha wax laga waydiiyay, waxa uu iyadna ka yidhi "Ilaa iyo imika ma jidhaan wax rasmi ah oo naga soo gaadhay dalka Sacuudiga , ama xidhiidh ay nala soo sameeyeen, waxa kaliya ee aan ka maqalnay wararkaa qalabka warbaahinta"

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Waqtigan imika lagu jiro iyo Arimaha Soomaaliya waxa aan gadhgaadh oga baahanahay hogaamiyaayaasha carabta, iyo walaaleeha Sacuudiga, kuwan oo aan u aragno in ay soo farageliyaan arimaha Soomaaliya in ay muhim tahay, waanan soo dhawaynaynaa annag oo ku faraxsan....dadaalka kasta oo lagu talaabsado sidii loo badbaadin lahaa Soomaaliya, waxa ay sabab u noqon lahayd in aysan Itoobiya qabsan dalka"

Sh.Sharif isaga oo aad oga xun waxa ka dhacaya Soomaaliya ayuu raaciyay hdalkiisa "Waxaa imika waajib ah in ugu horayntaba ciidamadda Itoobiya laga saaro Soomaaliya, si aan u awoodno in aan isu taagno hagaajinta siyaasadda gudaha ee dalkeena Soomaaliya, waxaa kaloo ay qasab tahay in dadaal walba oo lagu doonayo nabad waarta, in nalagu gargaaro si looga baxo dhibaatdan imika dhalisay in Itoobiya ay Soomaaliya iyo wixii ay haysatayba qabsato".

Xaq-udirirka Ereteria
Gabran

Joogitaanka Sh.Shariif iyo raggiisa ee Ereteria ayaa la waydiiyay in loo fasarin karo taagdaro meesha dhigtay, sheekhu waxa uu arintaa ka yidhi "kuwa sidan ku doodaya wax badan kama yaqaanaan Soomaaliya, gaar ahaan waxa ka soconaya Muqdisho imika, ee dil, dhac, boob, iyo burburinta inta hadhay wixii dal iyo dad ay Soomaaliyi lahayd, Xukuumadda Ereteria iyadda hadba gaadha go'aanka u danta ah, laakiin maanta go'aankeeda la xidhiidha Arimaha Soomaaliya waa mid loo baahnaa oo sax ah..

Mar wax laga waydiiyay in Dadka badankiisu ay sheegaan in Ereteria ay idin siisay dhaqaale xoogan ma sidaas ayaad halkan imika u joogtaaan? Sheekha oo isagu umuuqday ruux og waxa u ka hadlayo ayaa ku jawaabay "Annagu halkan uma aynaan iman in aan dhaqaale uruursano, ama aan ka qaadano Ereteria, kuwa sidan u hadlayana waxaa xaqiiqa in aysan waxba naga aqoon, ama ay iska indhatirayaan ujeedooyinkeena"

Isbahaysi siyaasadeed oo Islaamiyiintu aad oga dhex muuqdaan islamarkaana imika diyaarintiisa ay dibadda iyo guduhuba ka socoto oo uu soo hadalqaaday sheekhu ayuu isagana ka yidhi "Waxaa jira imika Isbahaysi siyaasadeed oo diyaarintiisii lagu jiro dibad iyo gudaba, kuwan oo ay ku bahoobeen uruuro iyo xoogag ka jira dalka, gudiga ku howlan umuurtan goorta ay soo afjaraan ayaad maqli doontaan, ma doonayo in aan ka hor dhaco imika"

Mar wax laga waydiiyay shir isbahaysigu ku qaban doono dhamaadka bishan May London, iyo cida ka qayb galaysa ayuu sheekhu ku adkaystay oo yidhi "Imika ma doonayo in aan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sida ay umuurtaasi u socoto, iyo diyaar garowga loogu jiro, marka uu gudiga howshan loo xilsaaray soo dhameeyo ayaad maqli doontaan warbixin dhamaystiran oo ku aadan arimahaa"

Sh.Shariif ayaa tilmaamay in aysan imika jirin wax dowlad sharci ah oo ay Soomaaliya leedahay, ayaa yidhi " waxa kaliya ee loosoo celiyay waxaa weeye waxaa la doonayaa in ay soo celiyaan dagaal-oogayaashii dalka sidaa ka dhigay, waxyaabo badan oo aad ku garan karto way kuu muuqdaan, Itoobiyaankuna imika waxay bilaabeen in ay isaga cararaan Soomaaliya, dharbaaxooyinkii cuslaa ee ay la kulmeen awgeed, waxayse imika ku faraxsanyihiin in ay soo celiyeen saaxiibadood, si ay halkoodii oga bilaabaan noloshii xanuunka badnayd ee ay shacabku soo mareen 16kii sano"

Ciidamadda Ugandha Waan
La Xidhiidhnay

Ciimadda Afrikaan iyo sababta ay Islaamiyiintu u diideen oo iyadna wax laga waydiiyay ayuu sheekhu yidhi "Waxa kaliya ee ay u yimaadeen waxaa weeye dhulkii Soomaaliya oo la boobayo sidii ay qaybtooda u heli lahaayeen, iyagu uma aysan iman in ay Soomaaliya gadhgaadhaan, kuligoodna isugu mid ayay inoo yihiin"

Sheekha ayaa tusaale usoo qaatay waqti ay la xidhiidheen Ciidamadda Ugandha ee Jooga Muqdisho in aysan ka qayb qaadan dhibaatadda iyo burburinta lagu hayo Soomaaliya, markii dambase waxaan ogaanay in ay doorteen in ay Soomaalida ola dhaqmaan sida Itoobiyaanka, waxaa ka qayb galay dagaalka taangiyadooda, waxay dilayeen dadka Soomaaliyeed guryahoodana duminayeen"

Voy+NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Islaamiyiinta Soomaaliya

Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

27/12/2006, Taariikh Madoow. Akhri
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Tolow Yaa La Heshiiyay. Maqal+ | Ama Daawo
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Dib Ucelinta
Cajaladda Xiliga!

Kumuu Ahaa Con.Yuusuf. Akhri
Sh.Aweys Geesi Quursi Diiday..Akhri+
Sababta Dhibaatadda Somalia. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.