Posted: 03.06.07 12:00 AM
Voy.
Is-tish-haadi dhiifoon ayaan isku qarxiyay maanta aqalka Geedi ee Magaaladda Muqdisho, qaraxan oo aad u xooganaa ilaa iyo hada lama oga tiradda dhabta ah ee ku dhimatay halkaa ama ku dhaawacantay walow ay warar kala duwan kasoo baxayaan, kuwan oo kuwii ugu dambeeyey ay sheegayaan 12 dhimasha ah iyo tiro kale oo dhaawac ah.
Qaraxan wax yar kadib nin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aqalkiisa ku sugnaa waqtigii uu qaraxani dhacay, islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay, laakiin nin u hadlay Ciidamadda Musaveni ka jooga Muqdisho waxa uu sheegay mid ka duwan taa, oo waxa uu yidhi waan soo badbaadinay Geedi, inkasta oo aynaan sheegi karin waxa uu qabo ilaa iyo hada.
Goob joogayaal halkaa yaalay ayaa sheegay in koox ilaaladda aqalka geedi ka mid ah ay rasaas ooda oga qaadeen gaadhigaa Is-tish-haadigu watay, goortii dambana uu ku qarxay kadinka aqalkiisa, dad kale oo aagaa ka dhawaa ayaa iyaguna yidhi "Qaraxu aad buu uxoog badnaa", Geedi oo qudhiisa goor dambe la hadlayay warbaahinta ayaa sheegtay in laga dilay 7 Illaladiisa gaadhka ah, halka tiro kale oo uusan xusin lagaga dhaawacay goobta qaraxaa.
Isku Dayo Hore
Hadii markaa la ogaado in weerarkan loola jeeday mid la doonayay in lagaga takhaluso Geedi, waxa uu kani noqonayaa kii afaraad oo la isku dayo in lagaga takhaluso ninkaa, 17kii May ayaa miino loo dhigay dariiqa uu ka badbaaday, isla sanadkaa 2006 November waxa uu iyadna dhimasho kaga baxsaday faro cidi leh.
Beryahanba waxaa Magaaladda Muqdisho ka socday howlgalo intooda badan lagu khaarajiyay rag uu geedi u magaacabay in ay xilal ka qabtaan dowladd ku sheega Itoobiyaanku kaalayo, kuwan oo dhamaantood falalkii loola qasday laga guul gaaray.
Voy + NAgency
'Gaaladu Way Jabeen' Sh.Sharif Maqal+
Starbucks Riwaayad Xiiso Leh Maqal+
Ahlu-Sharaf Somalia Wax Ka Bedelay! Eeg+
Isku-Daygii Labaad Ee UN-ta Akhri+
Ereteria Oo La AmaanayMaqal+
Maxaabiiska Itoobiyaanka Maqal+
Isbahaysiga Saliibiyiinta Maqal+
'Dagaalku Waa Mubaax' - Galaydh Maqal+
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |