Posted: 09.06.07 02:00 AM
Voy.Reer Galbeedka iyo Hay'adaha Qaramadda Midoobay ayaa rajo wayn ka muujiyey in xal waara loo heli karo dhibaatadda Somalia, kan oo lagu gaadahayo bay yidhaahdeen shirka imika ay rajaynayaan in lagu qabto xarunta Somalia Muqdisho, oo imika gacanta ugu jirta cadowgii weligii ee Somalia, midowga yurub ayaa rajaddan ceelka ka dhex muuqata ku kaabay 4Milyan oo lacagta Yuuradda loo yaqaana ah, tan oo ay ku sheegaan gadhgaadh xagga aadanaha ah.
Nin u hadlay Qaramadda midoobay ayaa sheegay in uusan imika waxba ka qabin shir dib-uheshiineed oo loogu qabto Soomaalida Magaaladda Muqdisho, isaga oo tilmaamaayay sida ay goob-joogayaashu ku waramayaan in shirkan oo loo qoondeeyay in uu dhaco 14ka June 07 ay u badantahay in dib loo dhig0 ilaa iyo waqti dambe, kan ay suuragal tahay in uu qabsooma shirkaa.
Koox ka socota qaramadda midoobay oo iyaguna booqasho ku joogay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in imika ay muhimad wayni leedahay shirkaa oo qabsooma, halka kuwa ka shaqayna qaabkii uu u qabsoomi lahaa shirkaana ay dadaal ugu jiraan sidii ay taasi usooroobi lahayd, rabitaan badanna waa ay muujinayaan waqtigan, waana suuragal in uu waqtigii loogu talagalay uu dhaco.
Qawda Maqashii Waxna
Ha Uqaban.
Baskoo oo la kulmay Con.Yusuf iyo geedi ayaa isaguna sheegay in umuurta daruuriga u ah qabashadda shirkan oo aan ilaa iyo imika gacanta lagu hayn ay suuragal tahay in ay dib u dhac ku keento qabanqaabadda madasha, isaga oo la fadhiya Cali Mahdi ayuu dayrsigaa kula hadlay, iyadda oo umuurtani oo dhan ay barayso kuwan imika ku mashquulsan howshaa dhaqanka galbeedka iyo hay'adahooda.
Basko waxa uu hadalkiisa kusoo ebyay in ay hagaagsanaan lahayd in lasoo kordhiyo ciidamadda xooga ku jooga gudaha dalka Somalia, gaar ahaan xarunta dalka Muqdisho, kuwan oo buu yidhi aan loogaga maarmin fulinta ujeedada beesha caalamka.
Kooxda xidhiidhka Soomaalida ayaa iyaguna sidoo kale todobaadkan oo dhan ka waramayay sida ay u hagaagsanaan lahayd qabashadda shirkan, iyo hadii markaa loo heli lahaa dhaqaalaha iyo waxyaabaha daruuriga ah ee dhinacooda ka nugul yahay shirku, arintan oo bay yidhaahdeen aysan marnaba suuragal ahayn in la isla helo mar un keliya.
Gadhgaadhka Galbeedka.
Midowga yurub oo isagu ah xudunta galbeedka ayaa sheegay in uu Somalia ugu yaboohay 4Milyan oo lagacta dalkooda ah, dhaqaalahan ayaa gacanta loo gelindoonaa kooxda Co.Yuusuf, tan oo ay ku hagaajin doonaan (Waaba hadii ay dhacdo e) kumanaanka kun ee Soomaalida ah, kuwan oo ay dagaaladdii ciidamadda Itoobiyaanku ay ku burburinayeen Caasimadda kasoo cararay.
Nin u hadlay Midowga ayaa codsaday xabad joojin dhex marta kooxda Con.Yuusuf iyo Muqaawamadda Soomaaliyeed si buu yidhi wadahadal wax walba loogu dhameeyo, islamarkaana ay usuuragasho dib u heshiisiin qaran.
Cadowga Oo Muqdisho
Muwaadiniinta Gumaadaya.
Iyadoo fariimaha ka imanaya galbeedka sidaa loo dhigay ayaa misaha wakiilkooda gaadhka ah "Ciidamadda Itoobiyaanku" ay xasuuqayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagga oo ku marmarsinyoonaya hal-ku dhigoodii caanka ahaa "La Dagaalanka Argagixisadda", tan iyo shalay waxa ay ummadd aan loo meel dayinka dhigeen Magaaladda Muqdisho wax ay dilaan iyo wax ay xidhaan.
Xabeeb oo u hadlay kooxdaa ayaa sheegay howlaha ay ka wadaan ciidamadda Itoobiyaanku magaaladda Muqdisho ay sii socon doonan inta buu yidhi ay ka gaarayaan ujeedadii ay u bilaabeen howlgaladda noocan oo kale ah.
Voy + NAgency
'Gaaladu Way Jabeen' Sh.Sharif Maqal+
Starbucks Riwaayad Xiiso Leh Maqal+
Ahlu-Sharaf Somalia Wax Ka Bedelay! Eeg+
Isku-Daygii Labaad Ee UN-ta Akhri+
Ereteria Oo La AmaanayMaqal+
Maxaabiiska Itoobiyaanka Maqal+
Isbahaysiga Saliibiyiinta Maqal+
'Dagaalku Waa Mubaax' - Galaydh Maqal+
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |