Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Xidhiidh
Soomaaliya shalay iyo maanta, Macalin Siciid Saalax, oo doonaya in uu na tusaaleeyo sida wanaagsan ee dhaqanka Soomaalidu ahaan jiray iyo sida maanta uu yahay.Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Diinsoor


Oo Xoog Lagu Qabsaday

Posted: 10.15.06 12:00

Maxkamadaha Islaamiga ah Oo Bilaabay
Olole Hub-Uruurin

Waxa ay maanta ku dhawaaqeen Maxakamadaha Islaamiga ahi in ay ka go’antahay in ay Soomaaliya ka dhigaan meel ka caagan hub aan qaanuun ahayn, tan oo looga golleeyahay sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa Dalka Soomaaliya oo dhan.

Waxa uu yiri Madaxa Amniga gudaha Cabdulaahi Macalin Cali “Maxakamadaha Islaamiga ahi waxa ay garaaci doonaan Albaab walba” si ay u uruuriyaan hubka uu haysto shacabka caadiga ah iyo ururada maxaliga ah. Cali ayaa intaa ku daray isaga oo u waramayay Reuters “Tabihii aan ku uruurin lahayn hubka dadku ay haystaan ee Magaaladda Muqdisho iyo dhulka Soomaaliya oo idil gacanta ayaa lagu hayaa diyaarinteeda, ujeedada arimahan oo dhamina waa hagaajinta Amniga oo imikaba si tartiib tartiib ah oga soo raynaya sidii uu ahaan jiray, Nabaduna sideedaba waxa ay imanaysaa marka ay shicibku ogaadaan in la ciqaabayo ruux kasta oo fal- dambiyeed gaysta”

Maxakamadaha Islaamiga ahi waxa ay isku dayayaan in ay ku qanciyaan dadka ka ganacsada hubka ee Suuqa Bakaaraha, kuwan oo ka dhigay suuqaa mid ka mid ah suuqyadda ugu wawayn ee hubka lagu kala iibsado dunida, in ay mag-dhaw qaataan oo ay soo saaraan kaydka hubka ee ay hayaan ee gantaalo iyo hub culsuba leh”

Itoobiya Oo Dhul Soomaaliyeed
Qabsatay.

Sida ay dad goob-joog ahi ku warameen, waxa ay ciidamada Itoobiya soo galeen magaalooyin ka mid ah kuwa dhaca Koonfurta Soomaaliya, arintan ayaa ay goob-joogu ku tilmaameen in ay tahay daan daansi iyo dhiiilo hor leh oo imika la doonayo in laga abuuro gudaha Soomaaliya.

Goob-joogu wuxuu intaa ku daray in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaa qabsaday ay ku yimaadeen Todobo gaari oo kuwa xamuulka ah, kuwan oo ay ku rarnaayeen hubka noocyadiisa fudfudud, waxa ay qabsadeen magaaladda Diinsoor, waxayna dadkii halkaa daganaa kula hadleen in ay xukuumaddu qabsatay magaaladdan.

Diinsoor ayaa iyadu ah magaalo aad muhim ugu ah dhaqdhaqaaq ciidan oo kasta, waayo waxaa dhaca buundo isku xidha Baydhabo iyo xarunta gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo.

Goor sii horaysay ayuu dhowr jeer ku celceliyay Madaxa Golaha Fulinta ee Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in Ciidamda Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya, iyaga oo gacan siinaya ciidamada Dowladda Cabdulaahi Yuusuf ee fadhiidka ah. Arintan oo sababtay goortii dambe in lagu dhawaaqo Jihaad ka dhan ah dhamaan Cadowga Ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo uu joogo, iyo xili walba oo uu taaganyahay! Voy + NAgency

Voy + NAGENCY

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Hub-Uruurin
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Cudurka Daran
AIDS-ka

Looma Ooyayaasha oo imika lagu Maqal+
Burhaanta
Jacaylka

Waxa uu abwaanku tilmaamayaa Akhri.
Yasin Garaad
Oo Qalin-jebiyay

Yasin waxa uu qalin-jebiyay Sanadkii lasoo dhaafayMaqal+ .
UN-ta Oo Laga
Dayriyay

Qaar baa ku shaqaysta oo danahooda Maqal+ .
Koortii Siciid
Saalax

Waxa uu qayb ka yahay habeenkii Maqal+
Habeenkii Suugaanta
Soomaalida

Dhibaatadda Xawala oo imika Akhri+
Muxuu Galabsaday
KAHADAR

Maxaan xabadeey ku nacay Maqal+.



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.