Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Xaaji Cali Khalif Galaydh "Culimaddu Taageereey Mudan Yihiin". Xaaji Galaydh. Maqal+
"Xasan Daahir Waa Nin Nabad Ka Keeni Kara Soomaaliya". Inna Caydiid Akhri+
Cadde Muuse "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Cadde Oo Balantii Ka Baxay! Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Magaciisu waa Illahay baa nagu filan Maqal+
Soomaaliya iyo
Taariikh

Horta halkan waxa ina dhigay Maqal+

Dagaalku Joogsanmaayo


Somalia & Etheopia

Posted: 10.21.06 01:10 AM

Voy. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan weligood yeelan xidhiidh hagaagsan oo labada dal ay si wanaagsan salka dhulka u dhigaan, waqtigan la joogana kaba daran oo waxa ay rimantahay ayaa kasii wayn baa la odhan kara, marka si quman loo akhriyo umuurahan kasoo cusboonaaday Soomaaliya, kuwan oo Itoobiiya, goboladda deriska ah, iyo dunida inteeda badan ay u arkaan Soomaalidii oo mar kale dib u xanjeeratay, oo aayaheedii garatay, iyo dibandaabyadda gumaysigu u maleegayo si aysan u caga dhigin, oo abid ay sidaa ugu duuf-laalsanaato. Sidan marka loo dhigo ayaa la odhan karaa dagaalkii Itoobiya ee badda iyo buurta waxa uu ku dhisnaa umuurtan iyo kuwa kale oo is-wada huwan shantii Qarni ee lasoo dhaafay.

Dhaxal Gumaysi

Qaaradda Afrika ee qaniga ku ah dhagxanta qaaliga ah, macaadinta iyo Batroolka waxa ay ahayd mid si wayn weligeedba usoo jiidan jirtay indhaha damaaciga gumaysiga, kuwan oo ay ugu horeeyaan Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, qaaradda Afrika oo dhan ayaa la odhan karaa mid ka badbaaday ma jirto damacaa Gumaysi.

Sanadkii 1839kii markii Ingiriisku doonay in uu si dhab ah u adkeeyo deeganadii uu ka haystay khaliijka cadmeed, tan oo looga gol-lahaa isku balaarinta dhulkii uu markaa haystay iyo damaca uu ka lahaa sii qabsashadda dhulalal kale ayuu ka jaray dhulwaynihii Soomaaliya waxa uu waagaa ugu yeeray “British Somalia”, Fansiiska qudhiisaa sidaa falay oo Sanadkii 1860 ka jaray Dhulwaynihii Soomaaliya qayb loo baxshay waagaa Xeebtii Faransiiska, oo ah halka maanta loo yaqaan Jabuuti. Itaaliya nafsadeedu kama aysan dib dhicin dhulqaybsigaa oo waxa ay samaysay Soomaaliyadii sadexaad waxa ayna u bixisay sanadkii 1889kii “Somaaliyadda Talyaaniga”.

Sanadkii 1936kii waxa uu Talyanigu go’aan ku gaaray in uu damaciisii gumaysi ku balaariyo Soomaaliya oo idil, xataa marka lagu daro dhulkii Ingiriisku xooga ku qabsaday, waxa ay ciidamadoodu xoog ku galeen Dhulka Ogaadeeniya, waxa ayna ku magacaabeen dhulkaas oo idil waa “Soomaaliya Itaaliya iyo Ogadeeniya” Magaca “Barigii Afrika ee Itaaliya”, Ogaadeeniya waqtigaa waxa ay gacanta ugu jirtay Ingiriiska oo hadiyad u siiyay Itoobiya, hadana sidaas oo ay tahay waxa ay ku hadli jireen dadkii halkaa ku noolaa Afkooda Hooyo “Af-Soomaali”.

Isla xiligaa waxaa jiray awood qarsoon oo ka dul-shaqaynaysay dowladihii dhulyoowga Afrika boobayay, awoodahan oo sida badan u qaybsanaa laba garab - waa markii lasoo gaaray Lixdameeyadii qarnigii tagay- kuwan oo kala ahaa Maraykanka oo hogaaminayay Kooxihii hantigoosiga ahaa iyo Ruushka oo hogaaminyay garabkii Hantiwadaaga.

Dagaalkii Lixdankii

Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhex dilaacay dagaal wayn, arimihii ugu waawaynaa ee dagaalkaa sababay ayaa lagu sheegaa in ay ahayd lahaanshaha dhulka Ogaadeeniya, oo dadka ku nool oo dhami ay yihiin Soomaali, dagaalkani waxa uu socday intii u dhaxaysay 1964 ilaa 1967.

Waqtigaa Maraykanu waxa uu kaalmo dhinac walba leh siinayay Itoobiya, xataa marka lagu daro siyaasadda oo uu aad ola hayay marka ay timaado meelaha dunidu isugu timaado. Soomaaliyana waxaa la sheegaa in ay wax un gargaar ah ka heleen Shiinaha iyo Ruushka oo iyagu ka biyo diidanaa waxa Maraykanku ka waday carigaa waagaa.

Hadii dagaalku in muda ah socday, Itoobiya iyo Soomaaliyana mid dagaalka si dhab ah usii wada kara uusan jirin umuurtu way yarahe caga dhigtay, oo waxaa yaraday is-food darkii kulamadda caalamiga ah ee labada dal iyo quwadihii ka dambeeyey, daganaanshihii in yar un buu soo laabtay, arintuse mid dhamaaatay ma aysan ahayn oo xal loo dhanyahay laga gaaray, waxaana suuragal ahayd in uu mar un soo laabto dagaalkaa.

Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Intii
Badnayd ee Dhulkii Itoobiya

Markan qorigii bakhtiyay waxaa shiday Marxuum Genaral Maxamed Siyad Barre, oo xukunka xoog ku qabsaday sanadkii 1969kii dilkii Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke kadib.

Afar sanadood oo keliya markii uu dalka maamulayay ayuu go’aan ku gaaray in uu u fidiyo gargaar, hub, tababaro, Soomaalidii ku noolayd Ogaadeeniya ee ku jiray gacanta Gumaysigii Itoobiya, kuwan oo weligoodba raadinayay in ay Ogaadeniya usoo laabato Soomaaliya, Sanadkii 1977kii waxaa bilwoday dagaal aad loogu hoobtay oo ay Soomaalidu dhulkii Itoobiya intiisii badayn ku qabsatay, walow marki dambe ay calooshood u shaqaystayaal Ruush iyo Kuubaan isugu jira ay kasoo saareen Soomaalida dhulkii ay xooga ku qabsadeen.

Kadib kolkii uu dhamaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa ee ay Ciidamadda labadda dal isaga hor imanayeen, ayaa waxaa bilowday in lagu soo hubeeyo Soomaaliya dad wax-magarato ah, kuwan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf, walow ay markii dambe qudhiisa dib ugu laabatay oo ay saaxiibadiisii Itobiyaanku xabsiga gudaha udhigeen.

Sanadkii 1988kii ayay gaareen labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya heshiis xabad joojin ah, heshiiskan oo aan laba jirsan, oo waxaa laba sanadood kadib la waayay Dowladii Soomaaliya meel ay ku dambaysay.

Xiligaa ka dib waxaa dalkii Soomaaliya la wareegay Mooryaan cid ay ka amar qaataan iyo wax ay aaminsanyihiin aysan jirin, kuwan oo ay hogaaminayeen kuwii uu shalay cadowga usoo garabsaday burburinta Soomaaliya. Waxaana dalkii loo kala googooyay gobolo mid mid ogol uusan jirin, oo mid walba xagga dambe LAND lagaga xidhay.

Dagaal Maskaxeed

Dowladaha deriska ah Itoobiya iyo Kenya waxa ay ahayeen dalalka keliya ee ka faa’iiday burburkii dowladii Soomaaliya, waayo waxaa halkaa ka baxay dal ciidan hubaysan haysta oo kula doodi lahaa dhul ay fir iyo asal taariikheedba iyagu leeyihiin, ama kusoo hubeeya kooxo si markaa looga tuuro xukunka keligood taliyayaasha u arimaya maanta.

Waxaa kaloo halkaa ku bakhtiyay ololka dagaalkii Shanta qarni ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, maalmahan buuse soo muuqdaa qiiqiisii kadib markii maxkamadaha Islaamiga ah ay gacanta ku dhigen maamulka inta badan dhulkii Soomaaliya, marka lagu daro Hooyadda dhulalkaa ay ka taliyaan ee caasimadda Soomaaliya MUQDISHO.

Voy + Nagency

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Jaalle Maxamed Siyaad Barre
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Yaa Nacaybkan Ku Beeray? Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Bu'aale Oo La Qabsaday Akhri+
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
Digniinta Maraykanka Ma Saacidi Akhri+
Ragga Baydhabo Oo La Badbaadshay Akhri+
Puntland & Somaliland Oo La Qaban Doono Waqti Dhow Akhri+
Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
Qabsashadda Baydhabo Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.