Maraykanka Oo U Digay Islaamiyiinta
Soomaaliya iyo Ereteria.
Maamulka Madaxwayne Bush ayaa oga digay Soomaaliya iyo Ereteria in ay isu gaashaan-buursadaan wax uu ugu yeeray ladagaalanka Maamulka Zenawi ee sii liicaya.
Nin u hadlay arimaha dibadda Maraykanka ayaa yidhi "Waxaanu rajaynaynaa digniintan kadib in ay ku talaabsadaan wax laga raali noqon karo, islamarkaana lagu joojin karo isgaashaanbuursigaa, iyo iyagii oo ay tahay in ay ka digtoonadaan dhaqdhaqaaq walba oo ka dhan ah Itoobiya Oo maanta aysan xaaladeedu hagaagsanany"
Digniintan ayaa timi kadib markii labadii maalmood ee u dambeeyay ay xoogaaga Islaamiyiinta Soomaaliyeed ku hareeraysnaayeen Magaaladda Baydhabo, halkaas oo fadhiisin u ah maamul uu Zenaawi-ga Itoobiya soo dhoodhoobay, Xoogagan ayaa iyagu ka taliya inta badan dhulka Soomaalida, Koonfurta iyo Goboladda dhaca Bartamaha Soomaaliya.
Ciidankii Xooga Dalka Oo
Islaamiyiinta Ku Biiray
Waxaa iyaguna kusoo biiray xoogagan Islaamiga ah dhaliinyaro aad u farabadan iyo ciidamdii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed, iyada oo ay tababaradu ka socdaan dhamaan goobaha ay Islaamiyiintu ku suganyihiin, gaar ahaan xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Xoogagan cusub ee kusoo biiray Islaamiyiinta ayaa balan ku qaaday in ay la dagaalamayaan Gumaysiga madoow iyo kuwa naflacaariga ah ee uu wataba. iyaga oo wacad ku qaaday in aysan salabka dhigi doonin jeer ay ka xoreeyaan dhulwayniha Soomaaliya.
Islaamiyiinta ayaa ku dhawaaqay Jihaad lagu ekeeyo Itoobiya iyo xulufadeeda, waxa ay sheegeen in ay 48Saacadod gudahood ku qabsan doonaan Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo, oo fadhiisin u ah Itoobiyaanka iyo xulufadiisa.
Saakoow Oo Islaamiyiinta
Gacanta U Gashay.
Dhanka kale nin u hadlay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in Magaaladda Saakoow oo iyadu kaga beegan caasimadda Muqdisho Koonfur Galbeed 340KM, ay gacanta ku dhigeen kadib markii ay carareen kooxihii gacanta ku hayay oo iyagu Barre Hiiraale gacan saar lalahaa.
Hogaamiyaha Ciidanka Islaamiyiinta ee ka howlgala Jubadda Hoose Sh. Xasan Deerow, ayaa ku tilmaamay qabashadii Saakoow in ay ahayd mid aad u sahlan oo habayaraatee uusan wax dhig ahi ku daadan.
Saakoow oo uu xoog ku haystay Barre Hiiraale oo baxsaday imikana laga baadi goobayo Baadiyaha u dhow saakoow, ayaa ah magaalo istaraatiiji ah, waxa ay kala badhaa, ama ku qaybsama Gobolka Bay, Gedo iyo Jubadda Hoose.
Nin Oday ah oo isagu degan Saakoow, islamarkaana joogay magaaladda markii ay Islaamiyiintu qabanayeen goobahaa, ayaa ku waramay in Maleeshiyadii Barre Hirale ay Baqo cagaha rogeen iyadii oo aysanba soo gaarin ciidamadda Islaamiyiinta halkaa.
Horumarka hadaba ay ka samaynayaan Islaamiyiintu qabashadda Inta badan Soomaaliya ma ahan mid mar keliyana xataa ay awooday dowladda Cabdulaahi Yuusuf ee taagta daran, tan oo ay Itoobiyaanku dhoodhoobeen 2004tii, si ay awoodeeda ugu balaadhiso Soomaaliya oo la il-darn wax lagu sheegay dagaalo sokeeye asiise ah shir-qoolo ay maleegeen cadowga ummadda Soomaaliyeed dibad iyo gudaba, kuwan oo loosoo adeegsaday wax-magarato jahligu hogaanka u qabtay.
Voy + NAgency
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |