Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Xidhiidh
Soomaaliya shalay iyo maanta, Macalin Siciid Saalax, oo doonaya in uu na tusaaleeyo sida wanaagsan ee dhaqanka Soomaalidu ahaan jiray iyo sida maanta uu yahay.Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
BAYDHABO


Oo La Go'doomiyay!

Posted: 10.25.06 03:00 PM

Maxkamdaha Islaamiga ah Oo Mar Kale
Ku Baaqay Jihaad Lala Galo Itoobiya.

Maxakamdaha Islaamiga ah ayaa mar kale shalay oo Taalado ahayd ku dhawaaqay Jihaad lala galo Itoobiya, Oo iyadu taageerta dowladdda Cabdulaahi Yuusuf ee fadhiidka ah, dhanka kalena Itoobiya qudheeda ayaa sheegtay in ay ka hor tegi doonto waxa ay ugu yeedhay damaca Makadamaha Islaamiga ah, kan oo ay ku sheegtay in ay doonayaan in ay Soomaaliya kusoo rogaan kudhaqanka diinta Islaamka.

Dhowr jeer oo hore ayuu ku celceliyay Madaxa Golaha Fulinta Sh. Shariif Sh. Axmed, tan maanta taagan ee doonista Itoobiya in ay dagaal la gasho Soomaaliyana waxa uu yiri sheekhu uma aynaan arag wax nagu cusub ama kedis nagu noqday. Waayo waxaan weligeen dagaal kula jirnay Itoobiya oo ah cadawga keliya ee aanu leenahay.

Mas’uul sare oo isaguna ka tirsan Maxkadmaha Islaamiga ah ayaa ka codsaday Soomaalidu meel walba oo ay aduunka ka joogaan in ay difaacaan Dalka iyo Diinta, waxa kaloo uu tilmaamay in sida ay u dhanyihiin dad-waynaha ku nool magaaladda Muqdisho in ay aqbaleen oo ku raali noqdaan arintaa.

Arintan ayaa kusoo beegantay maalin ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxa Golaha Shuuradda Maxkamadaha Isalaamiga ah Sheek Xasan Daahir Aweys, waqti uu jeedinayay Khudbadii ciida in dagaal lagu ekeeyo cadowga Itoobiyaanka ah soo galay Soomaaliya iyo kuwa uu garabsanayo.

Zenawi Oo Qaylo Dhaan
Afka Furtay

Goor sii horaysay ayu ku dhawaaqay Zenawi-ga Itoobiya in dalkiisu uu dagaal la geli doono Maxkamadaha Islaamiga ah, kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay Jihaad ku ekeynayaan ciidamadiisa jooga gudaha Soomaaliay sida uu horay u qirtay.

Isaga oo Zenawi la hadlayay Wakaaladaha wararka ayuu yidhi “ Waxa ay Maxkamadaha Islaamiga ahi diyaarinayaan falal argagixisnimo, kuwan oo laga soo amaamudo Gudaha Soomaaliya, waayo buu yidhi waxa ay imika kulaalayaan xuduudeena (waxa uu u jeeday Xad-beenaadka)”. Waxa uu Zenawi qudhiisu mar kale ku celiyay ama uu qirtay in boqoleeyo boqolaal oo ciidamadiisa ah in uu u diray gudaha Soomaaliya, si ay utaageeraan buu yidhi Maamulka Cabdulaahi Yuusuf ee fadhiidka ah, oo isagu imika la harjadaya sugida jiritaankiisa.

Zenawi Oo Heshiis
Doon ah

Shalay oo Talaado ahayd ayuu misana dhanka kale isu qaaday Zenawi oo yidhi “Waxaanu sida ugu fog iyo tan ugu dhow oga dadaalaynaa in aynaan ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo annagu aynaan degaal fool ka fool ah isaga hor iman, waxaanu sidoo kale baadi-goobi doonaa in aan isku dayno in xal dhexdhexaad ah loo helo dagaal toos ah oo dhaca, annaga oo og in ay Maxkamaduhu ku baaqeen Jihaad dhowr jeer oo hore”.

Rag Ciidan Ah Oo Itoobiya
Laga Qabtay

Dhanka kale Nin af-hayeen ah oo u hadlay Maxkamadaha Islaamiga ah oo isagu ku sugan Xarunta Jubadda Hoose ee Kismaayo Sheekh Shukri Ibraahim, ayaa sheegay in ay ciidamadiisu soo qabteen nin Itoobiyaan ah, oo gadhgaadhaayay ciidamadii ninka qabyaaladu madax-martay Barre Hiiraale.

Ninkan iyo kooxa kale oo aan la ogayn halka ay ku suganyihin ilaa iyo imika ayaa ay sheegayaan warar lagu kalsonaan karo, in Cadbulaahi Yuusuf Madax-wayanaha tabarta daran uu ku taageeray in ay ku hanuuniyaan jidka toosan Barre Hiraale iyo ragiisii dagaalka ugu socday Kismaayo. Ninkan iyo qaar kale oo uu ku jiro hogaamiyihii ciidanka Barre Hiiraale ayaa lagu soo qabtay dagaalkii ugu dambeeyey ee Bu’aale ka dhacay.

Arintan ayaa hadaba timi ka dib markii ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ay gacanta ku dhigeen Magaaladda Buurhakaba ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay ka carareen halkaa ciidankii Cabdulaahi Yuusuf.

Baydhaba Oo Lagu
Geedamanyahay

Mas'uul sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa ku waramay in Maxkamadaha Islaamiga ahi ay hareereeyeen Magaaladda Baydhabo, oo ahayd xarunta Dowladda Cabdulaahi Yuufus ee Taagta daran.

Hadaba iyadii oo aysan Maxakamdaha Islaamiga ahi beenin niyadda xoogga badan ee ay ku doonayaan qabsashadda Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo, ayay misana filayaan in ay wada hadalo la galaan Dowladda Fadhiidka ah ee Baydhabo taala. Waxaase xaqiiqa ah in Ciidamadda Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Dowladda Cabdulaahi Yuusuf oo ay galbilanayaan ciidamo Itoobiyaan ah, (sida ay ku warameen Goob joog, Shaqaalaha hay'ado aan dowli ahayn iyo dadka Magaaladda) ay fooda is-dari doonaan goor aan sidaa usii fogayn.

Walwalka Dadka Siyaasadda
ee Bariga Afrika

Dadka hadaba indha-indheeya arimaha Geeska Afrikadda Bari, ayaa si wayn oga cabsi qaba in joogitaanka Ciidamadda Itoobiyaanka ee Soomaaliya ay sababto, Ereteria oo iyadna si toos ah usoo gasha Soomaaliya, tanina goortaa ay qayb ka noqoto geeskii afrika oo olol-kiisii mid kale ku darsadda.

Voy + NAgency

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Golaha Shuuradda Islaamka Soomaaliya
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Gumaysigii Oo
Digay

Mario Oo Talyaani ah ayaa. Akhri+
Jihaad Somalia
Lagaga Dhawaaqay - Sheekh Shariif. Akhri+
Difaaca Dalka
iyo Diinta

Waa Waajib Muqadas Ah - Prof. Cadow Maqal+
Soomaalidu Way Ka Daaleen
Dagaal-Ogayaasha dilooday - Sh.Shariif Maqal+.
Kooxda Maamulka
Hargaysa

Oo Kufriga Hibo Loo siiyay Akhri+ .
Culimo iyo Caamaba
W/G Maxaa ka Haysta SL-nimadda Akhti+.
Kooxda Maamulka Hargaysa
Oo Cabsi Wayn Ka Muujisay Maqal+
Hiiraale Dagaal
Ooge

Aan Mudnayn In Uu Soo Laabto Maqal+
Ciidamo Beeleed
Qabsaday

Kuwan oo ay wehliyeen Itoobiyaan Maqal+.


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.