Madashii Khartuum Oo Dib Loo Dhigay Sababta Kala
Qaybsanaanta Kooxda Cabdulaahi Yuusuf
Uma aysan suura-gelin Jaamacadda Carabta oo soo abaabushay madasha Khartuum iyo Kenya furida wada-hadaladii la filayay in ay maanta oo Isniin ah ka bilowdaan Xarunta Dalka Sudan ee Kharduum. wada-hadaladan ayaa looga gollahaa sidii meel keliya la isugu keeni lahaa, islamarkaana umuurta si dhan dhinac loogu wada gundhin lahaa.
Dhacdadan ayaa ka dambaysay iska-horimaad kooxda cabdulaahi Yuusuf dhexdooda ah, kan oo dhaliyay in aysan awoodin soo gaadhida madasha shirka waqtigii la filayay.
Dhexdhexaadiyayaasha Madasha ayaa ku hadlay in dib loogu qaban doono waqti ka mid ah maanta gelinka dambe, kan oo la filayo in ay suuragaltahay in ay Islaamiyiinta iyo Kooxda Cabdulaahi Yuusuf kasoo wada qayb geli doonaan. Islaamiyiinta ayaa shalay oo Axad ahayd sheegay in aysan ka qayb geli doonin wada-hadalo kasta oo ay la gali lahaayeen Kooxda Cabdulaahi Yuusuf inta ay ciidamadda Itoobiya ku hayaan meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya, iyo inta IGAD ay ku lugleedahay Madashan imika la caqidayo
Heshiisyadii Hore
Labada dhinac waxa ay isla ogolaadeen bishii sagaalaad ee tagtay samaynta awood ciidan oo isku dhaf ah, sugida amaanka, iyo arinta ay sida wayn u doonayeen kooxda cabdulaahi Yuusuf ee awood qaybsiga.
Siday dooniba ha u ekaatee, waxaa imika wada-hadalan la galayaa iyadii oo ay Islaamiyiintu ka taliyaan dhul-waynaha Soomaaliya intiisa badan ama laga taageersanyahay, Kooxda Cabdulaahi Yuusuf Oo Ciidamadii Itoobiya soo dhoobay gudaha Soomaaliya, Jihaad ka dhan ah Ciidamadaa oo Soomaaliya lagaga dhawaaqay, iyo Ereteria oo cabsi wayn laga qabo in ay dhinaca kale kaga soo dhufato Itoobiya,
Hadaba Hadii uu dagaal ka dilaaco gudaha Soomaaliya Oo ay Islaamiyiinta iyo Ciidamadda kusoo duulay Soomaaliya markaa fooda is-daraan, arimahan oo dhan ayay hadaba ragga siyaasadda afrikada madoow u dhun daloola yidhaahdaan, waxa ay sababi karaan Gobolka oo ay dagaalo hadheeyaan iyo Itoobiya oo sida tusbax go'ay noqota, iyadda oo bay yidhaahdeen ka daraan doonta Soomaaliya hadii markaa ay kala tagaan. Sidaa awgeed aya ku taliyeen in ay xabad-joojinta muhimadda la siiyo.
Wewel Lagu Sheegay Geedi
iyo Cabdulaahi Yuusuf
Warar kale oo laga helayo Illo lagu kalsoonaan karo ayaa iyaguna sheegaya, in Ciidamadda Itoobiya ee xooga kusoo galay Soomaaliya ay imika dib ugu laaban doonaan gudaha Itoobiya sababo dhowr ah awgood, culays kaga yimi xagga mucaaradka wadankaa oo ku eedeeyey Zenawi-ga Itoobiya in uu gar-daran yahay hadii uu ugu tago Soomaalida gudaha Soomaaliya, arimahan markii ay soo baxeen kadib waxa ay Geedi iyo Cabdulaahu Yuusuf welwel wayn ka muujiyeen arimahan soo cusboonaday, waxa ay judhiiba warqad u direen Zenawi-ga Itoobiya, warqadan oo ay kaga codsanayaan in aysan arintani marnaba dhicin, hadii ay dhacdana ay noqon doonto mid aan u haboonayn, oo kooxdiisana halkaa lagaga adkaan doono.
Itoobiya tan iyo goor sii horaysayba waxaa kasoo baxayay warar soo kala hor-jeeda kuwan oo ay ku sheegaysay in ay ciidamo u dirtay Soomaaliya, iyo iyagii oo aad maqasho mar kale iyagoo leh Soomaaliya ciidan aan leenahay ma joogaan, waxaase lagu wadaa todobaadkan in ay tegi doonaan koox kormeerayaal ah oo ka socda Qaramadda Midoobay, iyada oo ujeedka kormeerayaashani ay tahay xaqiiqo raadin.
Ereteria oo dagaal qadhaadh la gashay Zenawi-ga Itoobiya sanadihii 1998 iyo 2000, ayaa iyadna ku tilmaantay wax aan waxba ka jirin tuhunka Maraykanka ee ah in ay Islaamiyiinta Hubaynayaan!
Cuna-qabataynta
Baydhabo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa si wayn loogaga dareemayay Xarunta Gobolak Bay ee Baydhabo cuna-qabatayn ay kusoo rogeen islaamiyiinta, iyadoo aysan jirin wax galayay ama kasoo baxayay Magaaladda, sidoo kale ayay dad naftood hurayaal ahi isu diiwaan geliyeen Magaaladda Muqdisho la dagaalanka Cadowga Soomaaliay "Itoobiya".
Ashaahdo La Dirir
Isi Soo Dhiibay.
Isla todobaadkan waxaa tarabtarab isugu soo dhiibayay Islaamiyiinta Kooxdii La Dagaalanka Argagixisada, halka dhinaca koonfurta sidoo kale ay isoo dhiibeen ciidan xooggan oo ka tirsan kuwii Barre Hiiraale.
Voy + NAgency
___________
Akhri Wararkan Kale
-
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka!
Akhri+
-
Cabsi Laga Qabo Dagaal!
Akhri+
-
Digniinta Maraykanka
Akhri+
-
Ragg La Badbaadshay
Akhri+
-
Pland/Sland Oo La Qaban Doono
Akhri+
-
Baydhabo Oo Go'doonsan
Akhri+
-
Qabsashadda Baydhabo
Akhri+
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |