Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Dowladda Baydhabo


Oo Lagu Eedeeyey In Ay Mas'uul Ka Yihiin Burburka Wadahaladdii Kharduum!

Posted: 01.11.06 12:29 AM

Wadahadalii Kharduum Oo Dib Loo Dhigay & Islaamiyiinta Oo Arintan ku Edeeyey Kenya & Itoobiya.

Waxaa dib loo dhigay wadahadaladii Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Dowladda Cabdulaahi Yuusuf ee Itoobiyaanku taageero waqti aan la garanayn, tan oo sabab looga dhigay arimo badan oo marka ugu horaysaba ay tahay in laga wada hadlo inta aan gogosha madasha la isugu tegin.

Wax is arag fool ka fool ah oo dhexmaray ilaa iyo hada labadda dhinac ma jiraan, tan oo sida muuqata dharbaaxo xoogan ku ah dhiexdhexaadiyayaasha, kuwan oo tan iyo bilowgiiba ku baaqayay in dhamaan dhinacyadda soo kala horjeeda ee Soomaaliya ay ixtiraamaan wixii horay loogu heshiiyay, Islamarkaana ay caradda iyo weji gabaxa xad u yeelaan.

Islaamiyiintu waxa ay dhowr jeer oo kala duduwan carabaabeen in ay doonayaan wadahadalo dhex mara iyaga iyo dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka taagta daran, is-hor fadhiisigan oo lagu xalin lahaa "Umuur waaywaayn" waa sida ay u yidhaahdeenne, marka tan lala akhriyo diblomaasiyadda fara-dhaaftay ee lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo aragtiyadda labada dhinac.

Ninka u qaabilsan Islaamiyiinta wadahadalan Ibraahim Xassan Cadow ayaa sheegay in "ay jiraan umuurro sal-balaaran, kuwan oo ay lama huraan tahay in xal waaro loo helo, waxaannu aragnaa in ay muhim tahay in wadahadaladan dib loo dhigo"

Dhinaca kale Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka Itoobiyaanku Taageero ayaa ku eedeeysay Islaamiyiinta in ay doonayaan soo celinta arimo horay loogaga hadlay, Nin u hadlay kooxdaa ayaa yidhi "Islaamiyiintu daacad kama aha wadahadalan, mana doonayaan in Arimaha Soomaaliya laga gaaro xal waara".

Wadatashiyo Xoogan
Oo Soconaya

Arimahan oo sidaa muuqata tan iyo Isniintii ku sii siqayay khilaf fara-dhaafay, ayaa ay dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ahina xaawilayeen in ay ku qanciyaan mar un ogolaashaha ka qayb qaadashadda dhamaan dhinacyadda ay qusayso arintan, si loo badbaadsho wadahadalan islamarkaana ay unoqdaan kuwa mira dhala.

Isticmaarkii Oo Shaadh
Kale Soo Xidhay

Ninka uqaabilsan Talyaaniga arimaha Soomaaliya Mario ayaa isaguna ku hadlay in Bulshawaynta dunida ay kulmi doonaan goor dhow, si ay oga wada hadlaan arimaha Soomaaliya, sida ay ku waramayaan goob joogayaashu waxa uu goortaa ujeeday in dhexdhexaadiyayaasha madasha Kharduun ay siiyaan waqti dheeri ah, si ay labada dhinacba dib ogaga eegtaan mowqifkooda ku jeeda arimaha horyaalla.

Wadatashiyaddan waxaa kawada qayb qaadanaya ergooyin ka kala socda Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta oo iyadu dhexdhexaadinaysa Madasha, Qarammadda Midoobay, IGAD, iyo kooxda xidhiidhka Soomaaliya oo uu Maraykanku Sameeyey.

Diblomaasiyiin-ta qaar ayaa ku taliyey shalay in Sudan ay Shir-gudoonka noqoto. Nin Dibloomasi ah oo Reer Galbeed ah ayaa la dhawaqay "Fikradu waxaa weeye in Sudan ay ku fadhiso kursigii Jaamacadda Carbta, Magaca IGAD-na ay ku gudoomiso Madasha, Ujeedadeena ugu wayn waxaa weeye in labada dhinac ay wadahadalo dhab ah galaan, waayo hadii ay tani dhici waydo waxaa ay umuuqataa in lagu kala tegi doono, arintuna ay halkaa ku dhamaan doonto".

Diblomaasi kale ayaa isaguna sheegay in Islaamiyiintu ay ogolaadeen Shir-gudoonka Suudan, hasayeeshee Wafdiga dowladda dibadda laga aqoonsanyahay arintaasu waa ay ka biyo diideen.

Damaca Deriska Ee
Soomaaliya.

Islaamiyiintu sida ay sheegeen waxa ay doonayaan inta aan la gaarinba wadahadalo ay la galaan koxoda baydhabo in ay tahay in laga saaro ciidamadda cadowga koowaad ee Soomaalida "Itoobiya", iyo in aysan Kenya noqon Shir-gudoonka Madasha, Xukuumadda Nairobi ayaa ay iyadna Islaamiyiintu ku eedeeyeen in ay u durbaan tumayaan Ciidamo Ajnabo ah oo lasoo geliyo Soomaaliya.

Waxa uu ku adkaystay Maxamed Cali Ibraahim ku xigaha Arimaha dibadda ee Islaamiyiinta waqti uu u waramaya warbaahinta "In ay arin fog tahay rajadda Kenya ee noqoshadda Shir-gudoonka Madasha, isaga oo ku tilmaamay Kenya in ay gadhgaadhayso cadowga Soomaaliya, islamarkaana ay olole ugu jidho sidii Ciidamo Ajnabi ah loo gayn lahaa Soomaaliya"

Ibraahim waxa uu Nairobi ku tuhmay in ay qudheedu leedahay danno gaar ah, kuwan oo ay doonayso in ay ku baabi'iso Soomaaliya islamarkaana ay ku kala qaybiso, waxa uu si wayn u adkeeyey sida ay Islaamiyiintu oga go'antahay in Soomaali-wayn oo nabad ahi ay iman doonto mar un, sida ay daacad oga yihiin ka qayb galka wadahadaladan imika la isugu yimi iyo iyagii oo doonaya ugu horayntaba in danta dadwayanaha la eego, waanu doonaynaa buu yidhi in ay wadahadaladan kasoo baxaan dowlad danta dalka ka shaqaysa oo loo dhanyahay.

Dowladda Dibadda Laga
Aqoonsanyahay.

Kooxda Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran waxa ay ku doodayaan in dibadda laga aqoonsanyahay, islamarkaana ay xaq sharci ah u leeyihiin in uu Dalka hogaamiyo, inkasta oo uu ku yadhyahay indhaha dadwayanaha Soomaaliya iyo dalkoodaba, islamarkaana marka loo eego awooda Islaamiyiinta uusan haysan awood la dhaqtami karta.

Waxaa iyadna xusid mudan in Kenya oo imika hogaaminaysa Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban Todobo Dowladood oo dhamantood dhaca Afrikadda Bari, lagu soo amaamuday Aqalkeeda dowladda Cabdulaahi Yuusuf, arintan oo ay iska kaashadeen Itoobiya iyo Kenya sanadii 2004tii. Xukuumadda Nairobi ayaa imika dadaal xoogan ugu jirta sidii Ciidamo shisheeye loogu soo daabuli lahaa Soomaaliya.

Dagaal Oogayaal
Arxan Daran

Hadaba wareega sadexaad ee wada-hadalan oo ay hogaaminayso Jaamacadda Carbeed, ayaa qayb ka ah dadaalka xoogan ee ay beesha caalamku ugu jirto, sidii Soomaaliya Nabad iyo kala dambayn loogu soo dabaali lahaa. Soomaaliya ayaa ay majaraha u hayeen dagaal Oogayaal arxan daran tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya sanadkii 1990kii.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Dastuurka Macmalka ah Madaxa Arimaha Dibadda Ee Islaamiyiinta
Somalia Somalia

Archives
Somalia

Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
  1. Tuhunka USA Ee Ereteria Akhri+

  2. Zenawi Oo Qirtay In Ciidan Akhri+
  3. Madoobe Dembiile Gumaad Maqal+
  4. C. Yuusuf Iyo Itoobiya Akhri+
  5. Diinsoor Oo La Qabsaday Akhri+
  6. Soomaaliya & Ajnabi. Maqal+
  7. Muxuu Ka Cabaaday? Akhri+
  8. Yaa Nacaybka Ku Beeray? Akhri+
  9. Ciidamo La Qabtay.Maqal+
  10. Buurhakaba iyo Huwanta! Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaamiyiinta Soomaaliya. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.