Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Islaamiyiinta Soomaaliya


Oo Lagu Sheegay In Yihiin Dugaag Aan Mudnayn In Lala Fadhiisto.

Posted: 02.11.06 02:29 PM

Dowladda Baydhabo Oo Diiday In Dib Ola Fadhiisato Islaamiyiinta

Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka taagta daran waxa ay ku tilmaantay in wax aan marnaba suuragal ahayn ay tahay wadahadalo dambe oo ay la galaan Islaamiyiinta Oo iyagu inta badan gacanta ku haya Dhulwaynaha Soomaaliya. Waxa ay kooxdu sidoo kale dhinac iska dhigtay uqabashadda waqti wadahadalo kasta oo la filayo in ay la dagaal Islaamiyiinta.

Madashii Kharduum ayaa iyadu noqotay mid lagu kala booday, sidan oo ay ku dhawaaqeen horjoogayaasha Jaamacadda Carabta ee Madashay, Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay ku baaqeen Islaamiyiintu in laga saaro dhamaan ciidamadda xooga ku haysta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, kuwan oo ay dowladda Cabdulaahi Yuusuf-na ay ku doodoon in ay garab ka helayaan.

Isku day xoogan oo ay Diplomaasiyiin fadhiya Kharduum ku doonayeen in aysan marnaba dhicin in lagu kala tago wadahadalan ayaa iyaguna guuldaro ku dhamaaday, kadib markii lagu qancin waayay Dowladda Itoobiyaanku taageero in ay ogolaadaan in iyagii oo Soomaali ah ay soo hor fadhiistaan Islaamiyiinta, Islamarkaana kormeerayaal caalami ah loo diro goobaha lagu sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ahi joogaan.

Baadhida Ciidamadda Lagu
Sheegay Soomaaliya

Dhanka kale Islaamiyiinta ayaa codsaday in dib loo dhigo wadahadalan si markaa si wanaagsan loogu baaro arimaha ay doonayaan in wax laga qabto, kahor inta aananba loo fadhiisan wadahadalo loo dhanyahay, umuurtan soo kala horjeeda oo habayaraatee xal loo waayay kadib ayay dhexdhexaadiyayaashu ku dhawaaqeen in wadahadaladii Kharduum dib loo dhigay Illaa waqti aan la ogayn.

wareega sadexaad ee Wadahadalan ayay ahayd in ay ka furmaan Isniintii lasoo dhaafay Kharduum, xarunta dalka Sudan, walow judhiiba lagu guul-daraystay in ay u dhacaan sidii loogu talagalay, dhowr jeer ayay ku celceliyeen dhexdhexaadiyayaashu in "dhamaan dhinacyadda soo kala horjeeda ee Soomaalida ay ixtiraamaan wixii horay loogu heshiiyay, Islamarkaana ay caradda iyo weji gabaxa xad u yeelaan".

Sida wararku kusoo baxayaan dhexdhexaadiyayaasha iyo goob-joogayaashuba waxa ay ku dadaalayaan sidii ay ugu gadhgaadhi lahaayeen dhinacyadda soo kala horjeeda ee Soomaaliya soo noolaynta Madasha Kharduum sida ugu dhaqsaha badan.

Diblomaasiyiin ku sugan Madasha Kharduum ayaa iyaguna sheegaya in Kooxda Baydhabo ay diideen bilowgiiba codsi ay soo gudbiyeen Islaamiyiinta oo ahaa in Madasha dib loo dhigo Islamarkaana la diro gudi baadha Ciidamadda Itoobiya iyo Ereteria ee lagu sheegay Soomaaliya.

Shuruudaha Islaamiyiinta Ee
Ka Qayb Galka Madasha.

Islaamiyiintu sida ay sheegeen waxa ay doonayaan inta aan la gaarinba wadahadalo ay la galaan koxoda baydhabo in ay tahay in laga saaro ciidamadda cadowga koowaad ee Soomaalida "Itoobiya", iyo in aysan Kenya noqon Shir-gudoonka Madasha, Xukuumadda Nairobi ayaa ay iyadna Islaamiyiintu ku eedeeyeen in ay u durbaan tumayaan Ciidamo Ajnabo ah oo lasoo geliyo Soomaaliya.

Waxa uu ku adkaystay Maxamed Cali Ibraahim ku xigaha Arimaha dibadda ee Islaamiyiinta waqti uu u waramaya warbaahinta "In ay arin fog tahay rajadda Kenya ee noqoshadda Shir-gudoonka Madasha, isaga oo ku tilmaamay Kenya in ay gadhgaadhayso cadowga Soomaaliya, islamarkaana ay olole ugu jidho sidii Ciidamo Ajnabi ah loo gayn lahaa Soomaaliya"

Ibraahim waxa uu Nairobi ku tuhmay in ay qudheedu leedahay danno gaar ah, kuwan oo ay doonayso in ay ku baabi'iso Soomaaliya islamarkaana ay ku kala qaybiso, waxa uu si wayn u adkeeyey sida ay Islaamiyiintu oga go'antahay in Soomaali-wayn oo nabad ahi ay iman doonto mar un, sida ay daacad oga yihiin ka qayb galka wadahadaladan imika la isugu yimi iyo iyagii oo doonaya ugu horayntaba in danta dadwayanaha la eego, waanu doonaynaa buu yidhi in ay wadahadaladan kasoo baxaan dowlad danta dalka ka shaqaysa oo loo dhanyahay.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Dastuurka Macmalka ah Madaxa Arimaha Dibadda Ee Islaamiyiinta
Somalia Somalia

Archives
Somalia

Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
  1. Tuhunka USA Ee Ereteria Akhri+

  2. Zenawi Oo Qirtay In Ciidan Akhri+
  3. Madoobe Dembiile Gumaad Maqal+
  4. C. Yuusuf Iyo Itoobiya Akhri+
  5. Diinsoor Oo La Qabsaday Akhri+
  6. Soomaaliya & Ajnabi. Maqal+
  7. Muxuu Ka Cabaaday? Akhri+
  8. Yaa Nacaybka Ku Beeray? Akhri+
  9. Ciidamo La Qabtay.Maqal+
  10. Buurhakaba iyo Huwanta! Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaamiyiinta Soomaaliya. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.