Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Haantaawilifka Baydhabo


& Digniin Kama Dambays Lagu Sheegay Oo Loo Jeediyay Gudoomiyaha.

Posted: 11.05.06 12:29 AM

Kala Qaybsanaanta Baydhabo, Iyo Digniin Shariifka Loo Jeediyay.

Dowladda Baydhabo ayaa ku wargelisay Shariff Xassan gudoomiyaha Baarlamaanka Muranku ka taagananyahay, in uu dib oga eegto safar la filayo saacadaha soo socda in uu ku tegi doono, isaga oo aan cidna kala tashan Magaaladda Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya, socdaalkan oo uu ku doonayo in uu la fadhiisto Islaamiyiinta Soomaaliya oo iyagu geyiga Soomaali intiisa badan gacanta ku haya.

Warbixin ay soo saareen kooxda baydhabo ayaa shariif Xasan si adag loogu sheegay in ay tahay in uu la tashto ragga Baydhabo u qaabilsan wadahadalo kasta oo ay suuragal tahay in lala galo Islaamiyiinta, Arimahan ayaa lagu tilmaamay Dowladda Baydhabo in ay doonayso in qowl midaysan lagu tago meel kasta oo kulan sidan oo kale ahi ka dhacayo, Shariif Xasan ayaa isagu sii sheegay in uu tegi doono Magaaladda Muqdisho maalinta Axadda oo imika saacado yar un ay naga xigaan.

Shariifkii Oo Dhiiraday.

Shariif Xassan ayaa dhiiraday oo yidhi "Waxaan la kulmaynaa aniga iyo ninkasta oo ka tirsan Baarlamaanka oo danaynaya hogaamiyayaasha Islaamiyiinta Soomaaliya, si aan u joojino iska hor-imaad lagu hoobto oo dhici kaca waqti walba oo ina soo aadan". Arintan ayaa timi kadib markii ay wadahadaladii u dhexeeyey Islaamiyiinta iyo kooxda baydhabo burbureen Isniintii lasoo dhaafay.

Gudoomiyhu waxa uu si aan qarsoodi ahayn u sheegay in uusan la tashan shaqsi kale oo ka tirsan Dowladda Baydhabo, dad badan oo siyaasadda Soomaaliya u dhuun daloola ayaa qaba in xalka uu doonayo imika ay ku tahay dharbaaxo xoogan kooxda ay ku wada jiraaan dowladda, tan oo ay suuragal tahay hadii ay dhici waydo sida uu doonayo gudoomiyuhu in ay qudhiisa salfato, oo uu kasoo laaban waayo Muqdisho amaba uu xubin ka noqto xoogaga Islaamiyiinta oo iyagu ka amni iyo nolol roon fadhiisinka Kooxdiisa, Baydhabo ayaa si gooni ah uu oga dayriyay Xuseen Caydiid oo isagu u qaablisan kooxda Arimaha Gudaha mar lagu waraystay Jariidada Sharq Al-Awasd.

Hadaba wadahadaladii todobaadkii lasoo dhaafay burburay ayaa ay Islaamiyiintu diideen in ay la fadhiistaan Dowladda Baydhabo iyaga oo sabab oga dhigay Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay xoog ku haystaan meelo badan oo Dhulka Soomaaliya ah, halka wafdiga Baydhabo uu ku dooday in ay Islaamiyiintu qabsadeen magaalooyin badan heshiiskii ka dib, tanina ay ka dhigantahay iyagii oo jebiyay wixii lagu heshiiyay, sida lawada ogsoonyahay dhaman dhulalka ay gaareen Islaamiyiinta ayaa iyagu ahaa kuwa aysan dhiig ku daadan, oo markaa dadka degan carigaa ay ugu baaqeen Islaamiyiinta imaanshaha goobahaa si ay u nabadeeyaan.

Dagaalkii Oo Bilowday.

Tilmaamaha bixinaya in uu dagaalkii bilowday ayay ku sheegeen Koxda Baydhabo dhimashadda laba askarta kooxda ah, halka ay afar kalena dhaawacmeen sababta Bambo lagu aasay meel u dhow Magaaladda Baydhabo Sabtidii, Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa isagu ku tuhmay in falalkan ay gaysteen Islaamiyiinta Soomaaliya.

Shilka Ciidamadan ayaa ka dhacay meel 8Km U jirta Baydhabo, goortaa oo ay ka yimaadeen xarun ay ku lahaayeen Manaas oo iyadu 30Km kaga beegan koonfur Galbeed Magaaladda Baydhabo. Illa iyo imika kama soo bixin wax warar ah oo ku saabsan sida shilku uu udhacay, iyo sababta keentay qaraxa bamkan khasaarahaa gaystay.

Xoogaga Islaamiyiintu waxa ay saf balaadhan ugu fadhiyaan inta u dhaxaysa Muuday iyo Daynuunaay oo ku fadhida dhul dhan ilaa iyo 20Km, Cabsida laga qabo dagaal degdeg u qarxa ayaa ay in badan oo ka mid ah dadkii deegaankaa ka baxsadeen aagagaa loo malaynayo in fooda la is-dari doono.

Isla todobaadkan sida ay ku warameen goob joogu waxa ay Ciidamadda Itoobiyaanka ee fadhigoodu yahay Baydhabo baareen maalintii Jimcihii aqaladda Magaaladda, iyaga oo raadinaya ragg culima ah, kuwan oo la sheegay in ay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Islaamiyiinta Soomaaliya, Sheekh shariif ayaa horay u sheegay in ilaa iyo 12.000 oo askari ugu yaraan ay kooxda Byadhabo soo geliyeen gudaha Soomaaliya si ay ugu qabtaan Dalka.

Ayaa Yidhi Ninbaa Loo Geli Abaal
Lagu Ulayn Doono.

Hadaba sida muuqanaysa imika waxaa si wayn u qasan arimaha Soomaaliya, iyo iyadii oo qayb dhulkoodii ah xoog lagu haysto. Isla todobaadkan Cali Cabdoo Wasiirka Warfaafinta Ereteria ayaa isagu ku eedeeyey Itoobiya in ay doonayso qabsashadda dhulka Soomaaliya, iyadda oo ujeeda taa ka dambaysa ay tahay bakhtiinta xoogaaga Nabadda ah ee imika kasoo muuqday Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay hadal ku tiri ku teen ahaa oo Zenawi-ga Itoobiya uu siiyay warbaahinta, waxa uu yidhi "Ereteria waxay soo abaabulaysaa ciidan iyo jabhado gooni goosad ah, kuwan oo doonaya in ay Itoobiya burburiyaan", Cali Cabdoo waxa uu kaloo tilmaamay in Itoobiya aysan lahayn maanta awood ay ku aado Soomaaliya, balse kan dabada ka wada ee ku tirtirsiinaya dhaqdhaqaaqan, islamarkaana doonaya in ay ku daganto iyadii oo isaga wakiil ka ah waa Maraykanka, oo waxaad moodaa maanta in Itoobiya uu wakiil oga dhigtay Geeska Afrika.

Waxaa marar badan oo hore si balaadhan loo shaaciyay in Itoobiya ay qiratay in ay Ciidan keeda ah u dirtay Soomaaliya, iyadda oo sheegtay in ay ujeedadu tahay sidi ay u gadhgaadhi lahayd Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, Isla maalmahaa ayuu Maraykankuna u diray Digniin mid walba oo ka mid ah Ereteria iyo Islaamiyiinta Soomaaliya in hadii ay weerar ka dhan ah Itoobiya qaadan uusan qudhiisu faraha ka laaban doonin.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Inna Caydiid - Wasiirka Arimaha Gudaha
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
Maraykanka
& Ereteria!

"Tuhunka Maraykanka
Ee Ereteria OoAkhri+
Zenawi-ga
Itoobiya

Oo Qirtay Ciidanka
Gudaha Jooga Akhri+
Cali Madoobe
Dembiile
Gumaad, Oo Mudan In Maxkamad Lasoo Maqal+ Yuusuf &
itoobiya

Iyo Isagii Oo Jooga Itoobiya Akhri+
Diinsoor
Oo Xoog Lagu Qabsaday Kadib Markii.. Akhri+
Soomaaliya Iyo Ciidamadda
Ajnabiga Ah Ee Dalka Lasoo Geliyey. Maqal+
Muxuu Ka Cabaaday
Gumaysiga
Madoow Ee Ka Dilaacay Geeska? Akhri+
Ummaddu Waa Israbtaaye
Yaa Nacaybkan Waalan Ku Beeray? Akhri+
Ciidamo Itoobiyaan
Ah Oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka. Maqal+
Buurhakaba Iyo
Huwan-ta
Soomaali & Itoobiyaan Isugu Jira Ay Akhri+

Qaab Dhismeedka Maamulka
Islaamiyiinta. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.