Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Gudoomiyaha Baarlamaanka


Oo Booqan Doona Axadda Magaaladda Muqdisho.

Posted: 03.11.06 01:29 PM

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soo kala
hor-jeeda oo Booqan Doono Muqdisho

Waxa uu goor dhawayd ku dhawaaqay Shariif Xasan Sheekh Adam oo ah madaxa Baarlamaanka Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran in uu tagayo Muqdisho Xarunta Dalka Soomaaliya isagii oo kelidii ah, ujeedada socdaalkan ayuu ku tilmaamay mid uu ku doonayo in waanwaan lala galo Islaamiyiinta Soomaaliya oo iyagu imika Soomaaliya ku xoog roon, arintan ayaa kusoo beegantay maalmo yar un ka dib markii ay burbureen wadahadalo la filayay in ay dhexmaraan Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Dowladda Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa ku waramay mar uu la hadlayay warbaahinta isaga oo jooga Nairobi "Waxaan ku dadaalayaa in la gaaro heshiis nabadeed Islaamiyiinta Soomaaliya fasaxa todobaadka imika socda gudihiisa, isaga oo tilmaamay habayaraatee in uusan kala tashin arintan Cabudlaahi Yuusuf.

Shariif Xasan oo ah ninka ugu dhow Islaamiyiinta marka laga hadlayo Doladda Baydhabo, ayaa ku dhiiraday in uu ukicitimi doono Axadda soo socota Magaaladda Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa ku celceliyay goortii uu la hadlayay Warbaahinta "Madaama aan ahay Madaxa Baarlamaanka waxaa waajib igu ah kadib burburkii wadahadalada Kharduum, in aan soo nooleeyo wadahadaladda Soomaalida dhexdooda ah, aniga oo taa ka duulaya waxaan hogaamin doonaa wafdi baarlamaanka ka socda, si aan ola fadhiisano Islaamiyiinta Soomaaliya, umuurtan oo dhan waxaan oga golleeyahay in lag afogaado dagaal iyo dhiig sokeeye oo daata xiligan".

Dowladda Baydhabo
Oo Loo Baqayo

Dadka indha indheeya Siyaadda Soomaaliya ayay umuuqata in ku dhiirashadda Shariif-ka Safarka Muqdisho ay ka dhigantahay burbur aan la filayn oo ka dhan ah Barlamaanka aan awooda badnayn ee imikaba soo kala hor-jeeda, iyo Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran oo ay usoo hoyatay mashaqo ak xeel dheer tii uu kolkii hote la ildarraa, marka taa lala akhriyo Madashii Kharduum oo la filayay 30kii Oktobar oo lagu kala tagay.

Umuurtan is wada huwan ayaa umuuqata mid aan kedis ku ahayn labada dhinac oo waa halka ay Soomaalidu tiraahdo "Nabar aad filaysay Naxdin Ma Leh" Waayo Islaamiyiinta qudhooda ayaa diiday in ay fadhiistan miiska wadahadaladda, iyaga oo taa sabab oga dhigay ciidamadda Zenawiga Itoobiya oo meelo badan oo Soomaaliya ah xoog ku haysta, halka Koxda Yuusuf ay codsadeen in ay dib oga laabtaan dhulalkii ay qabsadeen Islaamiyiintu heshiiskii Kharduum ka dib, Dhulalkan oo ay Islaamiyiintu sheegeen in dad-waynaha deegaanadaasi u yeedheen, howlgaladan ayaa sida lawada ogsoonyahay aan dhiig ku daadan.

Digniinta Maraykanka Oo
Kasoo Hormartay Itoobiya

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ku tilmaamay digniintii kasoo yeedhay Maraykanka ee ay ahayd in ay Islaamiyiintu doonayaan in ay weeraro ismiidaamin ah ku qaadan Bar Timaameedyo dhaca gudaha dalalka Itoobiya iyo Kenya in aysan habayaraatee wax ka jiraa jirin, oo ay tahay been Maraykanka qudhiisu soo dhoodhoobay.

Sheekh Roobow oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi "Waanu ognahay Maraykanka iyo xulufadiisu ma jecla Islaamiyiinta meelkasta oo ay ka joogaan dunida, hadaladda noocan oo kale ahna waa kuwo ay ka dhaxleen sahyuuniyadda Caalamiga ah, Annagu am weerari doono dowladaha deriska ah inta aan iyaga nabad buxda ka helayso oo aysan soo faragelin arimaha Soomaaliya"

Horay ayay u baahiyeen safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Itoobiya, in ay jiri doonaan weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan labadaa dal, kuwan oo sida uu sheegay Maraykanku ay soo qaadi doonaan qaar ku jira gudaha Soomaaliya (kuwan oo loola jeeday Islaamiyiinta Soomaaliya), Nin u hadlay Arimaha dibadda ee Maraykanka oo isagu sheegay jirintaanka umuurtan oo laga codsaday in uu warar dheeraad ah ka bixiyo qaabka iyo sida lagu ogaaday ayaa isagu ka dhaga adaygay faahfaahinta arintan.

Dabkii Oo Bilowoday

Islaamiyiinta ayaa tijaabiyay sawaariiq cusub oo aan horay Soomaaliya loogu arag, waxaana weli socda xoogaga Islaamiyiinta oo kusii qulqulaya jiida hore ee dagaalka meel u jidha daynuunaay 5Km oo keliya.

Dad deeganka ah oo ku sugan Buur hakaba ayaa iyagu sheegaya in boqoleeyo boqolaal oo Xoogaga Islaamiyiinta ahi ay kusii siqayaan xagaa iyo Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaas oo ay dab rid sawaaqiiq aan hoar loo arag ka sameeyeen habeenimadii xalay.

Ninka hogaaminaya Xoogaga Islaamiyiinta Mursan Xaji ayaa sheegay in dagaalyahanadiisa ay xoojiyeen goobaha ay ka joogaan Gobolka Bay, iyaga oo aaga oo dhan dhufaysyo ka qotay, Mursal ayaa ku celceliyay waxaan dagaal adag kula jirnaa Cadowga Illahay oo la filayo in aan goor dhow ka saarno Ciida Soomaaliya Ee Muqadaska ah.

Waxaa ay Islaamiyiintu saf balaadhan ugu fadhiyaan inta u dhaxaysa Muday iyo Daynuunaay oo ku gadhida dhul dhan ilaa iyo 20Km, Cabsida laga qabo dagaal degdeg u qarxa ayaa ay in badan oo ka mid ah dadkii deegaankaa ka baxsadeen aagagaa loo malaynayo in fooda la is-dari doono.

Sh.Shariif Oo Itoobiya
U Digay

Sheekh Shariif Madaxa Golaha Fulinta Islaamiyiinta ayaa sheegay in Daandaansiga Itoobiya ay wax badan ka sheekayn doonto waxa ay ka hesho, waxa ay gudaha Soomaaliya soo geliyeen buu yidhi 12.000 oo Askari si ay qas iyo jawahwareer oga abuuraan Gudaha Soomaaliya, waxaa iyana xusid mudan in goor sii horaysay lagu qabtay Magaaladda Muqdisho qaar ka tirsan sirdoonka Itoobiya.

Isaga oo la hadlayay Sheekhu kumaan kun oo ka tirsan Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya ayuu yidhi "Ma sUgayno intaa in ka badan si ay Itoobiya Uqabsato dhulkeena Hooyo", ciidamadan ayaa bilaabay maalmihii ugu dambeeyey in ay ku soo biiraan Islaamiyiinta Soomaaliya.

Magaaladda Jilib ayaa iyadna laga soo sheegayaa Mudaaharaad ka dhan ah Itoobiya kuwan oo ay dadku ku hadaaqayeen Doonimayno Itoobiay, Itoobiya waa in aan la dagaalanaa Iwm, dadka isugu soo baxay dibad baxan ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo 3000 oo qof sida uu ku waramay goob joogu.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Baarlamaanka
Somalia Somalia

Archives
Somalia

Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
  1. Tuhunka USA Ee Ereteria Akhri+

  2. Zenawi Oo Qirtay In Ciidan Akhri+
  3. Madoobe Dembiile Gumaad Maqal+
  4. C. Yuusuf Iyo Itoobiya Akhri+
  5. Diinsoor Oo La Qabsaday Akhri+
  6. Soomaaliya & Ajnabi. Maqal+
  7. Muxuu Ka Cabaaday? Akhri+
  8. Yaa Nacaybka Ku Beeray? Akhri+
  9. Ciidamo La Qabtay.Maqal+
  10. Buurhakaba iyo Huwanta! Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaamiyiinta Soomaaliya. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.