Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Lunsashadda Hantida


Dadwaynaha Puntland Oo Iska Noqotay Wax Caadi Ah.

Posted: 05.11.06 12:29 PM

"Aaniga iyo gaagaab ayaa u leexin doona dhaqaalihii aan qaadan jirnay garoonka Bosaso, si aan shirkadaas wax ula qaybsano dhisaysa garoonka magaalada Bosaso" CADDE MUUSE,.

Voy. Tan iyo goortii la amaamuday waxa ay ugu yeedheen Dowladd Goboleedka Puntland, tanno goortii horeba qayb ka ahayd qorshahii cadowga Soomaaliya ee qaybi oo xukun, ayaa waxa soo muuqanayay falal marka aad si dhab ah ugu fiirsato suura-gelinayay damaca waalan ee Gumaysiga.

Waxaa ugu horayntaba gacanta ku dhigay maamulka Carigaa oo waagi hore la odhan jiray Gobolaadda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya, ka hor intii uusan is-gaashaanbuuraysiga qabiilku ka hirgelin carigaa, oo aan lasoo xadhayn Sool iyo Sanaag, sawirkan oo aad marwalba ka dheehan karto Soomaalidii oo qayb qayb loo kala xidhxidhayo.

Meelo badan hadaad akhrido qowlka Illaah waxaad aragtaa iyadii oo si dhan loola hadlayo qowmiyaddo kala duwan oo aag un wada degga sida kuwii Rabbigu ku yidhi "Miyuusan Idinku Jidhin Ruux Wanaagsan".

Waxaa iyadna dhici karta in Akhyaar badan oo Soomaalida carigaa ku nooli is-waydiiyeen "Meeye Dadkii Dalkan iyo Dadkan Hogaamin Lahaa", adinka oo doondoonaya wax un caqli iyo cilmi leh oo garta dowga dhabta ah ee ay tahay in aan qaadno marka aan u jeesano ka talinta aayaha dalka iyo dadkeena, oo markaa aan u awoodi lahayn in ay helaan nolol wacan oo wanaagsan oo uu cadowgeenu ka gacan maranyahay!

Ayaa Leh Hogaaminta
Dalka & Dadka.

Waxaa kaloo iyadna is-waydiin mudan, oo laga yaaba in ay horay qaarkiin isu waydiiyeen, Maxaa dadka iyo dalka kuwii ugu liitay ee Caqli iyo Cilmiba ka madhnaa awoodsiiyay in ay hogaamiyaan Ummadda geyigaa ku dhaqan, oo ay maalin walba iyo tan xigta ola soo heshiinayaan cadowga dalka iyo dadkeena. Waxaad xusuusataan goor sii horaysay in waxa loogu yeeray Dowlad Goboleedka Puntland koox ka socota ay Itoobiya kula soo heshiiyeen in Qaadka oo Kooxda Gobolka haysata ay si wayn u quutaan kaga badalan doonaan Khayraadka dalka sida Aargoosatadda, Kaluunka, Beeyadda & Cusbadda.

Dadka sidan u dhaqmaya ayaan habayaraatee lagu tilmaami karin Xilkas, ama dad dalka iyo dadka dan ka leh, Siday dooniba ha noqotee Cada Muuse Madaxa Kooxdaa iyo kuwa sida ugu dhow ay hantida qaranka u wada lunsadaan Gaagaab, Aloore iyo kuwa kale oo aan ilaa iyo imika la shaacin ayaa ay beryahan dambe dhalacayn xoog lihi kaga imanaysay Bulashadda Gobolka, arintan ayaa ka dambaysay kadib markii uu Cadda Muuse Madaxa Kooxdan meel fagaare ah ka qirtay in isaga iyo ninka ay wadayga yihiin Gaagaab ay imika u weecin doonaan wixii ay dhici jireen dhismaha dalka, waaba hadii ay dhacdee.

Libaaxii Alamtara
Soo Dhaaf.

Hadal haynta arintani waxa ay ku ekayd oo keliya hantida kasoo xaroota illaha dhaqaalaha ee Gobolka, imika umuurtu taa waa ay dhaafsiisantahay, oo waxa ay sheegayaan wararka ka imanaya goobaha ay xasaradani ka oogantahay in Kooxdaasi ay intaa ku filaan la'dahay oo ay imika usoo dhigteen in ay bal ka wardoonaan Khayraadka dhulka ku jira, sida shidaalka, macdanta iwm.

Dadka gobolka ku dhaqan waxay weli iswaydiinayaan dhaqaalaha kasoo xarooda wadanka oo ay qudhooduba ogyihiin in aysan jirin meel ay dadwaynaha wax kasoo gaaraan, Marka dhan walba laga eego, Dhismaha Wadooyinka, mushaharka Shaqaalaaha oo la bixiyo, agoontoo la gargaaro iwm. Sidaa awgeed dad badan baa imika leh waxaa lasoo gaaray watigii la xisaabtami lahaa oo si dhab ah loo wada hadli lahaa, hadii markaa la doonayo in aysan wax dhibaato ahi dhicin, ama la raadinayo sidii loogaga badbaadi lahaa in lakala tago oo aan dib la isugu soo laaban.

Cabsaida Laga Qabo
Burbur.

Marka lagaba soo tago qolyahay qabyaaladda iyo is-bahabahaysiga lagu soo jiiday, waxaa imika cabsi wayn laga qabaa Gobladii Wuqooyi Bari oo sida tusbax go'ay u kala daata! Waayo? Goor sii horaysay ayay ahayd markii dekadda Magaalada Booosaaso ay mudo xidhnayd, iyadda oo aan ilaa iyo imika la garanayn sababta ay arintaasi u dhacday, marka laga reebo Siyaasadda kooxda carigaa ka talisa ee dhaqaale kororsiga ahayd, waqtigaa dad badan oo gobolka u dhashay ayaa hadal hayay in uu gobolku leeyahay xeeb balaaran oo ku dhararsan inta badan Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya, tan oo fududayn kartay in wixii is-baha-xigaba ay dekad macmal ah aagoodaa ka samaystaan.

Qaabka imika uu carigaa ku socdo ayaa sidaa ah, bal dib u xasuuso markii qowlaysatadu ku heshiin waayeen Dekadii Caalamig ahayd ee Muqdisho, maxaa xigay, sow goortaa ma aysan furmic Ceel Macaan, Marka iyo marsooyin kale oo farabadan, kuwan oo kuligood macmal ay duruuftu keentay ahayd, dad maata u badan ayaa qaba intii madaxyawayntu keligood noolaan lahaayeen armay ku haboonaan lahayd in kuligeedba la waayo.

Sidan ayay door
bidayeen.

Waayo? Waxay arkayeen in dantoodii gaarka ahayd ay ka hormariyeen kooxda uu madaxa u yahay Cadde Muuse ee ka taliya geyigaa tii guud, kuwan oo hada un bilaabay qirashada falalkii xaaraanta ahaa ee ay danta dadka iyo dalkaba ku bahdili jireen.

Dad kale oo badan oo reer Puntland ah ayaa qaba in dadka carigaa ku dhaqani ay nabadda jecelyihiin, sidaa awgeed in kuwan hantida dadka lunsanaya aysan fajac wayn ku ahayn, oo waxay leeyihiin halka Soomaaliya meelaha qaar Isbaarooyinka la dhigtay, kuwan Illahay hantidii guud buu nagaga jeediyay, hadaysan tan ay imika haystaan jiri lahayn ama aan ku qabsan lahayn, sow iyaguna sida kuwa kale Isbaaro dariiqyadda ma dhigteen, halkooda u daaya ha inooga mashquulsanaadaane.

Taa waxaaba meel fadhiiso yiri, markii ay dadku arkeen dhiibatadda meesha taala, oo ay damceen in ay kor isaga laalaan, ay cadde iyo kooxda uu madaxa u yahay bilaabeen cadaadis hor leh iyo isku dayga ka duwida indhaha dadka waxa socda, waxa ay bilaabeen olole ay ku magaacaabeen la dagaalanka kuwa kasoo horjeeda danta Puntland, oo waxa ay leeyihiin Islaamiyiin baa duulaan nagu ah.

Islaamiyiinta Laga
Cabsaday.

Waxaa wax lala yaaba ah in maanta Cadde iyo kuwa ku eedaysan Lunsashadda Hantida Dadka ay ku andacoonayaan waxaa dulaan nagu ah Islaamiyiinta, iyagga oo kasoo saaray wax ay ugu yeereen wareegto. Warqadan oo soo baxday maanta ayaa lagu dhigay sidan - laga bilaabo Maanta oo ah 5/11/06 "idaacadaha,wargeysyada iyo qalabka kale ee warbaahinta tallaabo sharci ah oo adag ayaa laga qaadi doonaa,haddii ay si toos ah iyo si dadbanba u dhiirri-geliyaan kuwa maxaakimta sheegta" sow la yaab ma ahan sida imika xaaladu usocoto!

Ma dhabbaa in Kooxda Cadde Muuse ay Islaamiyiintu qatar ku yihiin, su'aashan jawaabteedu waa maya, waayo Islaamiyiinta Soomaaliya kuwii ugu Cilmiga badnaa baa jooga Goboladda Wuqooyi Bari, Islamarkaana udhashay gobolka, Cadde iyo Kooxdiisu ma aysan fadhiyeen maalin keliya hadii uu kuwaasi damiirkoodu hagaagsanyahay! Sida qoran Cilmigu wax badan ma sheego, waxaa ka muhimsan oo Rabbiguna sida ugu badan ku amaanay Qowlkiisa kuwa sida wanaagsan ugu dhaqma waxa ay barteen ama Illahay siiyay ee aqoon ah.

Fadhi Aan Ujeedadiisa
La Gadhan.

Horaantii July ee sanadkan waxa uu Af-Qurac isugu yeeray Rag uu ka mid ahaa Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax, ujeedada fadhigan ilaa iyo imika lama garan, wixii laga wada hadlay qudheeda ayaan si dhab ah loo ogayn, waxaase goob joogu ku waramay in Ragaa Islaamiyiinta ah iyo Kooxda Cadde ay kawada hadleen sidii la isaga caabin lahaa waxa ay ugu yeereen Islaamiyiin la sheegay waqtigaa in ay kasoo duulayeen Magaaladda Xarunta u ah Soomaaliya Ee Muqdisho.

Gabagabadii fadhigan war la gadhsiiyay Idaacadda Gumaysiga ee ku hadasha Afka Soomaaliga, ayaa lagu sheegay in waqtigan xaadirka ah dadka G/W/ Bari aysan diyaar u ahayn Islaamiyiin oga yimaada Muqdisho, Waqtigaa waxa ay Islaamiyiinta Gobolku ku hadleen in uu Maamul u dhisanyaahay. Waxaa hadaba halkan iswaydiin mudan Laba Arimood

  1. Muxuu yahay waxa keliay ee ka dhexeen kara Islaamiyiinta G/W/Bari iyo Kooxda Maamulka Haysata?
  2. Maxay tahay waxa ay ka cabsanayaan Kooxda Cadde Muuse ee ka taliya Gobolka?

Su'aalahan markaad fiidhiso mid baad moodaa in ay mudan tahay in aan dib u eegno. Muxuu yahay waxa keliya ee ka dhexayn kara Islaamiyiinta G/W/Bari iyo Kooxda ka taliya Gobolka? Koley hadaad fiidhiso umuurtan sida loo dhigay, waxa ka dhexeeya waad garan kartaa oo waa is-bahabahaysiga markii ugu horaysayba lagu dhisay waxa ay ugu yeedheen "Puntland".

Af Jooga Looma
Adeego.

Waxaa dhici kartaa qaar badan oo Soomaalida Gobolka ah in ay u haystaan in Islaamiyiinta Gobolka iyo Koooxda Cadde Muuse ay kala yihiin Koox Maafiya ah iyo Dad Hor-Illaahay daacad u ah, oo qaabka ay kooxda Cadde Muuse wax ku wadaan ka biyo diidan! Hadii xaalku sida yahay Islaamiyiinta Gobolkay ahayd in laga maqlo.

Dhanka kale waxay iskaba laali lahaayeen kuwan ay u arkaan in aysan danta dalka iyo dadka faa'iido ugu jirin, goortaasay sida asaagood iska xorayn lahaayeen kuwa isticmaarku meesha dhigtay, ee dal iyo diin wixii ay lahaayeen dadka Gobolka hoos geeyey Gumaysiga madoow, jeer ay qaaligii raqiis kusoo iibsadaan, caafimaadkii, noloshii wacnayd iyo barwaaqadiina sun(Laanta Cagaaran Oo Maraykankaba Laga Mamnuucay) soo siistaan.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Kooxda Khasnajiga Nin-ka Kooxda Ku Cusub
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
Maraykanka
& Ereteria!

"Tuhunka Maraykanka
Ee Ereteria OoAkhri+
Zenawi-ga
Itoobiya

Oo Qirtay Ciidanka
Gudaha Jooga Akhri+
Cali Madoobe
Dembiile
Gumaad, Oo Mudan In Maxkamad Lasoo Maqal+ Yuusuf &
itoobiya

Iyo Isagii Oo Jooga Itoobiya Akhri+
Diinsoor
Oo Xoog Lagu Qabsaday Kadib Markii.. Akhri+
Soomaaliya Iyo Ciidamadda
Ajnabiga Ah Ee Dalka Lasoo Geliyey. Maqal+
Muxuu Ka Cabaaday
Gumaysiga
Madoow Ee Ka Dilaacay Geeska? Akhri+
Ummaddu Waa Israbtaaye
Yaa Nacaybkan Waalan Ku Beeray? Akhri+
Ciidamo Itoobiyaan
Ah Oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka. Maqal+
Buurhakaba Iyo
Huwan-ta
Soomaali & Itoobiyaan Isugu Jira Ay Akhri+

Qaab Dhismeedka Maamulka
Islaamiyiinta. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.