Sh. Cali Warsame Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Ururkii Al-Itixaad
Sida badan waxaad aragtaa Soomaalida oo habayaraatee aysan ukala soocnayn qabyaaladda iyo Diinta, Ururkii Al-Itixaad la odhan jiray ee ka jiray Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1984kii ilaa iyo 1995, ka hor intii uusan u xuubsiiban Al-Ictisaam, ayaa isagu waxa uu ka qabtay Soomaaliya howlo aad muhim u ahaa sida;
- Barashadda diinta.
- Baraarujinta Dhaliinyarradda iyo sidii loo tusi lagaa dhulka ay leeyihiin qiimihiisa iyo Rabbiga ay qabaan waynaantiisa.
Al-Itixaad waxaa ugu hoyantiiba uu ka bilowday Odayadii Diinta akhrin jiray iyo dhaliinyaradii ka hoos qaaday, ee dariiqooda jidkii dheeraa ee dayactirka nolosha iyo Imaanta cuskaday!
Dhowr Sanadood Kadib.
Waxaa sida ugu badan ugu biirayay Itixaadka inta badan dhaliinyaraddii wax ka baran jiray Kuliyadihii waxbarashadda heerka sare ee dalka, Dugsiyadda sare ilaa uu markii dambe iska noqday wax muuqda oo habayaraatee cid qarinkartaa aysan jirin, goortaa kadib ayuu bilowday hadaba dagaalka lagaga soo horjeedo Itixaadka oo runtii Islaamnimo dhab ah doonayay in ay dalka oo dhan ka hirgeliyaan.
Weerarkii ugu horeeyay ee ka dhan ahaa Islaamiyinta ayaa uu bilaabay Wadaad la odhan jiray Maxamed Guuleed, oo isagu ahaa nin la shaqaysan jiray dowladii Siyaad Barre, walow dadku qaar xataa ay sheegaan in uu qayb ka ahaa, dilkii loo gaystay culimadii Soomaaliyeed ee ka hortimi Markii uu Siyaad Barre ku dhawaaqay mabda'a sinaanta Ragga iyo Dumarka.
Isla waqtigaa waxaa la xidhxidhay culimo farabadan oo Soomaaliyeed kuwan oo kuligood qayb ka ahaa Itixaadka, raggas oo ay ka mid ahaayeen.
- Xassan Daahir Aways
- Cabdulqaadir Nuur Faarax
- Cabudlaahi Cali Xaashi
- Abshir Nuur Faarax
- Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
- Cabdicaziiz Faarax
iyo Ragg kale oo farabadan, kuwan oo dhamaantood markii dambe lasii daayay, sababta xidhiidh hoose oo dhex maray ninkii ka talin jiray Sacuudiga Fahad iyo Siyaad Barre, sidaasna ay ku badbaadeen raggaa Islaamiyiinta ah.
Xilgaa kadib waxaa ay dhaliinyaraddii ku dhaqnaa Magaaladda Muqdisho intoodii badnayd qaateen Mabda'a in Islaamka la isku xukumo, waxaa ay barnaamijyo lagu baranayao diinta ka hirgelinyeen Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, hadii maalmo sidaa ay howshu ku socotay, waxaa arintii iska soo taagay, oo ay ku adkaatay in duruus halkaa laga bixiyo Dowladii Siyaad Barre.
Umuurtan oo uu muuqatay mid aan marnaba la joojin karin ayay dowladii Siyaad Barre isku dayday in ay hakiso, galab galbaha ka mid ah ayaa waxaa Jaamacadda casar dheer yimi raggi koofiyad casta ahaa ee Siyaad Barre waardiyayn jiray, oo u sheegeen Maamulka in aysan cidina halkan isugu iman karin galabta, dhaliinyaraddii waa ay iska dhaga tireen, waxayna sii wateen howlahoodii, hadii ay qoraxdii dhacday ayaa dhamaan dhaliinyaro wixii joogay Magaaladda ay isugu yimaadeen Jaamacadda, si ay oga faa'iidaystaan cashar lasii baahiyay in uu halkaa ka bixi doono fiidkii.
Xabbadii Ugu Horaysay
Muqdisho.
Nasiib darro intii aan salaaddaba la tukan ayaa ay koofiyad castii rasaas Ardaydii halkaa isugu timi ooda oga rogeen, taasi waxay ahayd xabadii ugu horaysay ee caasimadda Soomaaliya ka dhacda, waxba uma aysan qaadan aradaydii halkaa isugu timi.
Wax buuqa iyo xabbadu ay walato, waxaa goorti dambe wada hadlay Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo Cabdulaahi Cali Xaashi oo la filayay in ay halkaa cashar diini ah ka jeediyay iyo maamulkii Jaamacadda, Maamulku waxa uu codsaday in Ardaydan ay culimaddan ku kala diraan halkan maadaama ay iyagga oo keliya wax ka maqlayaan, sidi bayna arintaa ku dhamaatay oo lagu soo af-jaray.
Dagaalkii hadii uu dhacay iyo dagaalo badan oo ka dambeeyay, oo weliba kii ugu darnaa uu ka dhacay Goboladda Wuqooyi barii Soomaaliya (Puntland), oo hadaad xusuusataan uu safiirkii Maraykanka ee xiligaa fadhiyay Jabuuti kasoo degay Garoowe, isaga oo ugu tahniyayna Jabahadii halkaa ka talinaysay iyo odayadda dhaqanka sidii ay Islaamiyiinta ugaleen.
Sheekadan oo aad u dheerayd bal Sh. Cali
Warsame Ha Inoo Sii Wado.
Horta masaladaasi waan jeclaa in lay waydiiyo waanan kugu burqanayaa ee I dhagayso, waxaan leeyahay masaladaas ururkii al-itaxaad la odhan jiray anigu abaal weyn ayaan ku leeyahay Somaliland waayo? Wax weyn oo aanay ogayn ayaan u taray. Waanad ogaydeen dagaalkii wadaada iyo reer bariga ka dhex dhacay waxay wadaadadu ku qabsadeen magaalada Laasqoray markay mudo haysteen shir ayaa ka dhacay Gar’adag beelaha Somaliland ayaa isugu yimi.
Warsangeligii Oo La Qabsaday.
Beesha warsangeligu way ka mid ahaayeen ragga nabadda qaadanaya oo wakhtigaas mucaarad may ahayn kolkii xagga nabadgelyada layska waraystay ayey warsangeligu yidhaahdeen waa nala haystaaye maxaa naloogu soo gurman waayey, waxa na haysta wadaado miyeydaan na ogayn in aannu (muxtaliin) nahay markaas markii talada lays waydiiyey ee la yidhi wadaada ma ku duulaa waxa laga badin waayey in la yidhaahdo waar nimankaasi yaa loo dirikaraa intaan dagaal dhicin oo wax ka qabankara?
Wafdi Kooxda Maamulka Hargaysa
Ah Oo U Yimi Sheekha.
Markii la faaleeyey waxa laga qaadi waayey in Sh.Cali oo Burco jooga ay ka danbayn karaan wadaadau oo ay maqlayaan, markaa halkan (gurigan) aad maanta igu waraysanaysaan ayaa todobo nin oo waftiyi oo dawlada ahi iigu yimaadeen waxaanan ka xasuustaa ragaasi; C/laahi Maxamed Ducaale, Maxamed kaahin, Dhagaweyne, todobada nin warsangelina waxbaa kaga jiray waxa laysoo bandhigay in aan arintaasi wax ka qabto waxaan idhi arintaasi waa laysku dayayaa in aan wax ka qabankaro ee I suga, waxaan tagay meeshii ciidanka wadaadu joogeen iyaga oo guulaystay oo C/laahi Yuusuf todoba goor jabiyey oo isu haysta niman aan loo soo dhawaanayn, waxaan ugu badheedhay in aan halkaasi ku kala diro si aan dhiig badani u daadan oo aan dhibaatadu sii socon, iyada oo aanay waxba ku ahayn in ay xabad igu kala jeexaan inamada yar yar ee jibaysan ee aan cidna ka baqayn.
Ragg Islaamiyiinta Sool Ah Oo Ka Qayb
Qaatay Kala Dirka Islaamiyiinta.
Waxaa igu weheliyey laba nin oo kale oo Reer Sool ah oo kala ah: C/laahi Xaashi iyo C/naasir X.Axmed markii arintu in badan rafanaysay labadii nin ayey aniga igaga tageen arintii ilaahayna waa igu guuleeyey in aan ciidamadii intaas leekaa kala diro oo idhaahdo ninwalowba gurigiinii qabo, waayo waxaan ku idhi dal may haysaataan, shacabna ma haysataan, cidkale oo idin saacidaysaana ma jirto oo sidaas guul ku gaadhimaysaan.
Goboladda Wuqooyi Galbeed Way Iga Go'nay In Ay Badbaado Helaan.
Waxaanan uga jeeday dhibtu waxay ka jirtay dhul Somaliland ah, dhawr goor ayaa arintaa laygu sigay oo laygu dili gaadhay, rag mucaarada ayaa wakhtigaa igu yidhi waar ciidankan maad xeebaha bariga keentid anaga ayaa ku taageenaynee, haddii aan ka maqlo sidaasi dad shacabana waan heli lahaa dhulkuna ma xidhnayn usuuliyiin oo dhan meel allaale iyo meeshay joogaan ayaan halkaa kaga xorayn lahaa, xataa haddii laga adkaado iyaga oo sanado badan dagaalamayey oo dhibaato badan geystay ayaa la jebin lahaa .
Ayaa Badbaadshay Goboladda Wuqooyi
Galbeed xiligaa(SLand).
Howsha intaas le'eg waxaan uga jeeday inaan dadka diigiisa kala Badbaadiyo oo fidno dhicin sland-na aanay mushkilad ku noqon, maanta abaalkayga may ahayn in lay yidhaahdo Sh, cali ayaa shir- qool wada , hadaan shirqool wado ciidanka intaas le'eg ee aan is lahaa slnad-ba way ka awood badan yihiin ayaan ku qabsan lahaa , maaha maanta in lay yidhaahdo shiqool ayuu wadaa iyo wax buu soo hogaaminayaa.
Itixaad qolo waliba xaafadoodii
ayaan u kala diray.
intii xafadan(sland) ahaydna waa anigii hubkii ka dhigay ee idhi nin walowba suuqaaga agl.,markaas nin ka fidsno dalka ka badbaadiyey ma dshici kartaa in waxyaabo saqajaana aan maanta ku kaco, ma dhici karto ayaan lee yahay ma aha mid (laa’iqa) iima aha, intii hawshaasi ka danbaysayna waxaan isku dayey inaan dadka dhalinyarad ah ee had iyo goor dareenkoodu kacsan yahay inaan dejiyo , waxaana hadafkayga laga ogaanayaa muxaadaraooyinkayga iyo masaajidadada wana wada duuban yihiin inaaan shabaabka dejin jiray oo tadarufka iyo seef la boodnimada aan ka wcyigelin jiray, waanan ka xumahay in aniga oo xilkaas qabtay in ishaacaad iyo dacaayaad suuqa laygeliyo ama jaraaidka laygu qoro ama xukuumada hadal layga keeno waa nasiib daro.
Maxaa Xigay?
Waa sidaad horay usoo aragteenne Soomaalida iyo Qabyaaladda waxaad moodaa in ay wada dhasheen, dagaaladdaa wadaadku kasoo sheekayay iyo sida uu wax u agaasimay kadib, sanadii 1995tii illaa 1999 waxaa si xoog u wayn usoo if-baxay dhaliinyaro Soomaaliyeed oo iyagu sheegayay in ay ka tirsanaan jireen Ururkii Al-Itixaad, maantana ay isaga tageen sababta in reerkii Soomaaliya ka talin jiray iyo Itixaadkaba ay reer qudha ahaayeen, arintanina ay salka ku hayso waxa ay ugu yeereen "Quudhsiga beelo dhan oo Soomaalida ah, Islaamiyiintooda iyo kuwooda kaleba".
Goortaa kuwan cariga ay sida badan u joogeen, sida Muqdisho iyo goobo kale oo farabadan oo koonfurta iyo Goboladda dhexabba ah, waxaa looga yiqiin "Salafiya Jadiida"
Dhanka kale waxaa jiray dhaliinyarao kale oo isla dadka laga sheekeeyay ah, oo iyagu ka biyo diidanaa umuurtan cawiran ee ay kuwani la yimaadeen, oo waxa ay lahaayeen hadii qofku Illahay towfiiqda seejinayo wax badann oo kalena waa laga maqli doonaa.
Hadii mudo wareer iyo haantaawilifkaa lagu jiray, oo in badanina ay lahaayeen dan ha u gelin iyadda un baa caga dhigan doontee, ayay imika gaadhay arintu halka ay gaadhsiisantahay ee soo if-baxa Islaamiyiin daacad ah, kuwan oo uu hagayo Sh.Xassan Daahir Aways oo aan isagu qorigiisa weligii dhigin.
Voy + NAgency
___________
Akhri Wararkan Kale
-
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka!
Akhri+
-
Cabsi Laga Qabo Dagaal!
Akhri+
-
Digniinta Maraykanka
Akhri+
-
Ragg La Badbaadshay
Akhri+
-
Pland/Sland Oo La Qaban Doono
Akhri+
-
Baydhabo Oo Go'doonsan
Akhri+
-
Qabsashadda Baydhabo
Akhri+
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |