Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY


Qays Ducaale. "Maansadan waxaan ku magacaabay Cusri Dhib dabadii baa dheef la helaa, bal nalla eega" Qays Ducaale. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Soomaalida Minnesota


Oo Jiritaankooda Si Wayn U Muujiyay Doorashooyinkan Xiliga Dhexe..

Posted: 08.11.06 12:29 PM

Dimoqoraadiyiinta Maraykanka Oo Qabsaday
Sida Uu Dhanyahay Congress-ka.

Xisbiga Dimoqoraadiga ayaa kasoo hoyay guulo waawayn tartankii doorashooyinka xiligan dhexe ee Maraykanka, waxaa ay si dhan ugu guulaysteen hogaaminta Congress-ka, iyo kan senadka oo weli aan la shaacin inkasta oo hadii ay helaan goboladda aan weli la tirin sadex ka mid ah ay yeelan doonaan hogaaminta sanadka qudhiisa.

Waxa uu xisbiga dimoqoraadigu ka helay 231 Kursi Congress-ka, tirdan oo dheer tii laga doonayay in ay ku hantaan hogaanminta golaha29 Kursi, halka uu xisbiga Jamhuurigu oo haysan jiray Congress-ka uu helay 204, waxaa isaguna halkaa kaga dhumay 28Kursi.

Golaha odayadda waxa ay dimiqoradiyiintu heleen 48, halka xisbiga jamhuuriga helay 48, arintan ayaa umuuqata in ay tahay mid barbar dhac ah ilaa iyo imika, wixii soo kordhana waxaad ku arki doontaan warbxinadeena soo socda ee ku aadan doorashooyinka Maraykanka ee xiliga dhexe.

Goboladda Muhim-ka ah

Xisbiga Jamhuurigu waxa uu doorashooyinkan dhexe ku waayay, marka laga hadlayo Golaha odayadda Gobolo aad muhim u ahaa sida Pennsylvania, New York iyo Ohio.

New York waxaa kusoo baxay Hilary Clinton oo number xoog badan kaga qaaday ninkii la tartamayay ee John Spencer. Sidoo kale ayaa Xisbiga Dimoqoraadigu ay kusoo bexeen gobolo kale oo farabadan oo aan looga fadhiyin ama inta la xasuusto taariikhda dhow ay gacanta ku hayn jireen Xibiga Jamhuuriga.

Keith Ellison Oo Muslim ah
Oo Soo Muuqday.

Waxa ay fajac iyo filan waa ku noqotay dadka Gobolka Minnesota in uu kusoo baxay doorashooyinkan xiliga dhexe Keith Ellison, oo isagu nin Muslim ah Islaamarkaana kasoo jaeeda beesha madow ee gobolka Minnesota, Keith Ellison waxaa la tartamayay sadex qof oo kale, waxa uu ku guulaystay in uu dhamaantood kasoo dhex baxo, oo uu halkaa ku hantiyo kursigaa.

Musharaxiinta,

  1. Keith Ellison*
  2. Alan Fine
  3. Tammy Lee
  4. Jay Pond

Codadka

  1. *123,148 - 56%
  2. *46,879 - 21%

Guulaystay

  1. Keith Ellison
    123,148 - 56%

Sababta Guusha Keith Ellison.

Bilowgii tartantanka waxa uu Keith Ellison ku baaqay in uu qayb wayn ka qaadan doono, sidii dhaliinyaradda dagaalka beenta ah la geliyay uu ogaga soo saari lahaa, islamarkaana uu aqaladooda iyo halkii ay tageen kolkii hore kusoo celin doono, iyagii oo bad qaba.

Waxaa iyadna arintan barbar socday Soomaalida gobolkan Minnesota oo aan tiro yar ahayn, sida ay u tilmaaman qolyaha tirakoobka ee Gobolku, in ay siiyeen Keith Ellison codkoodii oo dhan, Soomaalida ayaa sida ay u dhanyihiin marka ay arimahan doorashadda oo kale yimaadaan, ay u badantahay in ay dhinac isu raacaan, waxaana la odhan karaa waa sababta ugu wayn ee uu guusha ku helay Keith Ellison, Oo ay Soomaalida meelo badan qaraabo ka yihiin sida midabka iyo Diinta, oo laba arimood oo muhim ah dalkan Maraykanka.

Soomaalida Oo Si Sahlan
loo Bedeli karo.

Waxaan suuragal ahayn oo aysan marnaba dhici karin in la qariyo jiritaanka Soomaalida ee Gobolka Minnesota, walow asan jirin awood midaysan, oo waxaa la odhan karaa hadii ay taa jiri lahayd waxay awoodi kari lahaayeen, in ay wax badan ka qabtaan meelo badan oo dalkan ah iyo weliba halkii aan ka nimi ee Soomaaliya.

Marwalba waxaa caadi ah, hadii uusan qofka tartamaya Soomaali ahayn in ay suuragal tahay in uu helo codkooda oo midaysan, halka dhanka kalese hadii uu qofkaasi Soomaali yahay ay adagtahay in uu laba qof codkooda isu keeno sababo dhowr ah awgood.

  1. Waxaa dhacday mar iyo ka badan in magaca Soomaalida loogu qaraabto si aan sax ahayn ama aan waafaqsanayn qawaaniinta u dhigan wadankan, waana tan ug ubadan ee keentay in aysan si degdeg ah oo fudud isu aaminin Soomaalida Gobolka.
  2. Marar badan waxaad aragtaa qaar dano gaar ahaaneed ku qunsanaya dantii guud, waana tan ugu badan ee aad argo hadii aad soo si dhab ah u dhex xusho Soomaalida Gobolka.
  3. Qabyaaladda qudheeda ayaa iyadna qayb wayn ka ah dhaqanka Soomaalida meel walbaba ha jogaane, oo waxa aad sida badan maqashaa iyagii oo ku leh, "Oodi siday isu xigto ayay isu xoqdaa", qofka Soomaaliga ah waxay u badantahay inta uu is-bahabahaysi kugu taro in uusan mabda'a kale oo jira dunida oo uu aaminsanyahay kugu tarin.

Tuusaale Doorashadda
Ku Saabsan.

Waxaa dhacday xiligii doorashadda laba maalmood ka hor in Nin dhaliinyaradda gobolka ah uu lasoo heshiiyay nin Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, islamarkaana tartan kula jira Keith Ellison, Soomaalidu waxay intooda badan isku afgarteen shirar badan oo la qabtay ka dib, in loo codooye Ninkan oo Muslim ah, Soomaalidana ay isku midab yihiin.

Heshiiskaa kadib waxa uu ninkaa dhaliinyaradda ahi la kulmay odayadda Minneapolis oo iyagu u badan xaafadda ay doorashadu ka dhacaysay, waxa uu u sheegay ninkan Muslimka ahi hadii uu tago aqalka cad in uu u codayn doono Islaamiyiinta Soomaaliya ee Fadhigoodi Muqdisho yahay, halkaasna ay ku guulaysan doonaan Islaamiyiintu in ay Soomaaliya u taliyaan.

Arintani waxa ay welwel iyo walbahaar ku noqotay Odayadii, waxayna go’aan ku gaareen shir lagu qabtay xaafadda ka dib in ay kala noqdaan taageeradii ay u hayeen Keith Ellison. Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa qaar dhaliinyarradda ahi maqleen waxa lagu shubay odayadda, kadibn aay isku dayeen in ay ka qanciyaan wixii lagu shubay odayaddaa

Ugu dambayntii waa lagu guulaystay in dhinac loo wada dhaqaaajiyo bulshawaynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Miinesota, gaar ahaan Magaaladda Minneapolis iyo xaafadda isku-raran ee ay Soomaalidu deganyihiin.

Markii Ugu Horaysay
Taariikhda Maraykanka.

Waxaa iyadna xusid mudan in taariikhda Maraykanka, bal tan goblku haba joogtee, ay tahay markii ugu horaysay ee ruux Muslim ah, Islamarkaana kasoo jeeda Dadka Madow ee Minnesota intuu isu soo taago doorashooyinka wadankan misana guul kasoo hoyo.

Arintan golka Minnesota oo keliya ma ahan, ee waxaa jiray nin kale oo isaguna dadka Madow ah, oo ku gulaystay in uu usoo dhiciyo Xisbiga Dimoqoradiga kursiga Gobolka Maryland. Arintan ayaa ay goob joogayaashu ku waramayaan in ay tahay markii ugu horaysay imika oo la arko madowgii oo dib usoo labakacaya gobolkaa 25kii sano ee ugu dambeeyey.

Baaqii Bush Oo
Shaqayn Waayay.

Bush ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Maraykanka ah in ay doortaan Xisbiga Jamhuuriga oo hada haysta xooga labadda golle, si maraa buu yidhi looga baaqsado iska-hor imaad xagga wada shaqaynta ah, hadii markaa uu xisbiga Dimoqoraadigu ku guulaysto doorashooyinkan xiliga dhexe.

Madaxwayne Bush ayaa ku tilmaamay in Xisbiga Dimoqoraadiga oo guulasytaa ay ka dhigantahay iyadii oo Dadka noloshoodu heerka dhexe tahay canshuur aysan qaadi karin la saaro, iyo Argagixisadii oo hesha madhin ay oga gudbaan halka xaalku marayo imika.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Gabadh Soomaali Ah Oo Minneapolis Dhex Maraysa. Keith Ellison.
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Dagaalku Joogsanmaayo!" Warbixin La Xidhiidha Taariikhda Somalia & Itobiya" Akhri+
Maraykanka
& Ereteria!

"Tuhunka Maraykanka
Ee Ereteria OoAkhri+
Zenawi-ga
Itoobiya

Oo Qirtay Ciidanka
Gudaha Jooga Akhri+
Cali Madoobe
Dembiile
Gumaad, Oo Mudan In Maxkamad Lasoo Maqal+ Yuusuf &
itoobiya

Iyo Isagii Oo Jooga Itoobiya Akhri+
Diinsoor
Oo Xoog Lagu Qabsaday Kadib Markii.. Akhri+
Soomaaliya Iyo Ciidamadda
Ajnabiga Ah Ee Dalka Lasoo Geliyey. Maqal+
Muxuu Ka Cabaaday
Gumaysiga
Madoow Ee Ka Dilaacay Geeska? Akhri+
Ummaddu Waa Israbtaaye
Yaa Nacaybkan Waalan Ku Beeray? Akhri+
Ciidamo Itoobiyaan
Ah Oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka. Maqal+
Buurhakaba Iyo
Huwan-ta
Soomaali & Itoobiyaan Isugu Jira Ay Akhri+

Qaab Dhismeedka Maamulka
Islaamiyiinta. Akhri+
Jantuuskan Daawo+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.