Dagaal Qadhaadh Oo Dhexmaray Cadde,
Qaybdiid, Tigreega Iyo Islaamiyiinta.
Dagaal xooggan ayaa dhex maray Axaddii Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Isbahaysi ka
koobnaa Kooxda Cadde Muuse, Cabdi qaybdiid (Oo Muqdisho Laga soo Eryay) iyo Tigreega oo dhawaanahanba aagagaa joogay, dagaalkan oo sida ay goob joogayaashu ku waramayaan aad u qadhaadhaa ayaa ay Islaamiyiintu ku qabsadeen Bandiiradlay oo 700km kaga beegan Xarunta Soomaaliya Ee Muqdisho wuqooyiga.
Dagaalkan oo aan si rasmi ah loo ogayn xogta dhibaatadda uu gaystay ayaa ay ilaa iyo imika ku nafwaayeen 13, 8 isugu jira Kooxda Cadde,Qaybdiid iyo Tigreega, halka ay Islaamiyiintu shan ruux ku waayeen halkaa, dhaawaca ayaa isaguna toboneeyo gaaraya.
Af-Hayeenka Islaamiyiinta
Ee Mudug.
Af-hayeen u hadlay Islaamiyiinta Maxmaed Maxamuud "Cagawayne" ayaa sheegay in xoogaga Islaamiga ahi ay gacanta ku dhigeen Bandiiradley iyo dhamaan tuulooyinka yaryar ee u dhowdhow Magaaladda, Cagga wayne oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi Isaga oo taa ka hadlaya "Horay ayaanu usocon doonaa iyo dhanka Magaaladda Gaalakacyo iyo Puntland oo ragg badan oo Islaamiyiin ah, oo aanu isku mabda'a nahay ku suganyihiin".
Wararka ka imanaya suxufiyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ay Islaamiyiintu gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan Ciidamadda Cadde Muuse, Cabdi Qaybdiid iyo weliba Tigreegii usoo gurmaday, Waxaa kaloo ay Islaamiyiintu gacanta ku dhigeen laba taangi oo kuwii tigreega ah, iyo hub noocyadda kala duwan ah.
Qalabkan ayay sheegeen in Islaamiyiintu ay tusi doonaan cidwalba oo danaynaysa, si markaa bay yidhaahdeen loo xaqiijiyo Tigreega tiradda yar ee dhex wareegaya Soomaaliaya.
Huwanta Cadde Muuse, Qaybdiid
iyo Tigreega.
Dhanka kale waxa ay kooxda Cabdi Qaybdiid qirteen in ay ciidamadooda isaga tageen goobihi dagaalka, Afhayeen u hadlay kooxda Qaybdiid oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee Fransiiska ayaa yidhi "Waxaanu oga tagnay saaka goobaha dagaalka dib ugarasho xeelad dagaal", Ninkan u hadlay kooxdaa ayaa isagu diiday in uu qirto in dagaalkaa lagaga itaal roonaaday.
Waxaa xusid mudan in Cabdi Qaybdiid uu xubin ka ahaa kooxdii Ashaado la dirir ee laga soo eryey Magaaladda Muqdisho horaantii June ee 2006dii, kooxdan ayaa lagaga itaal roonaaday dagaal ay la galeen Islaamiyiinta Soomaaliya, oo iyagu imika gacanta ku haya inita badan dhulka Soomaaliya. Cabdi Qaybdiid ayaa isagu indhawaytaba taageero ka helayay Cadde Muuse iyo Tigreega tiradda yar ee ka taliya Itoobiya.
Voy + NAgency
___________
Akhri Wararkan Kale
-
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka!
Akhri+
-
Cabsi Laga Qabo Dagaal!
Akhri+
-
Digniinta Maraykanka
Akhri+
-
Ragg La Badbaadshay
Akhri+
-
Pland/Sland Oo La Qaban Doono
Akhri+
-
Baydhabo Oo Go'doonsan
Akhri+
-
Qabsashadda Baydhabo
Akhri+
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |