Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY




Qays Ducaale. "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
"Cadowgeenii Jubooyinka


Intiisii Ugu Dambaysay Baan Ka Takhalusnay" Sh. Xasan Turki

Posted: 15.11.06 04:45 PM

Sheekh Xasan Cabdulle Xirsi "Turki" Oo La
Hadlay Qalabka Warbaahinta Gobolka.

Voy.Sheekh Xasan Cabdulle Xirsi Amiirka Goboladda Jubooyinka oo ku sugan Magaaladda Dhooblay ayaa maanta la hadlay qalabka Warbaahinta, Warbaahinta sida badan u xaglisa cadowga Soomaaliya ayaa beryahanba waxa ay isugu bishaaraynayeen geerida Sheekha, iyaga oo arintan oga dhigayay marqaati in aan in dahwaytaba la maqal warkiisa.

Sheekha oo uu hadalkiisuu aad u dheeraa ayaa ugu horayntaba ku tilmaamay Guusha ugu muhimsan ee ay ilaa iyo imika soo hoyeen in ay tahay;

  1. Sugida Amaanka
  2. Furida Xarumihii Cadaaladda, tan oo ku tilmaamay in ay ahayd tii u horaysay ee mudo 16Sanadood ah ay arkaan Dadwayanaha Soomaaliyeed.
  3. Dib u noolaynta Saldhigyaddii lagu qaadi jiray dacwooyinka.
  4. Xidhiidh Hagaagsan oo ay la samaysteen Jiraanka sida Dalka Kenya.

"Cadawga intii ugu dambaysay baan ka takhalusnay oo aan ka dulqaadnay Ummadda Muslimka ah ee Jubooyinka ku nool, maanta cid laga cabsanayaa ma jirto oo dadku waa xor" ayuu yidhi Sheekh Turki.

Joojinta Qaadka &
Sigaarka.

Mar wax laga waydiiyay Sheekh Turki sababta looga joojiyay Qaadka iyo Sigaarka Goboladda Jubooyibka oo Xarunta Soomaaliya Muqdisho ay oga sii socdaan waxa lagu tilmaami karo ayuu yidhi "Islaamiyiintu meel ay joogaanba waxaa ka go'an in ay joojiyaan Qaadka iyo Sigaarka, annaguna iyagga un baan wax la qabnaa, hadiise hadda Muqdisho si gooni ah loo tilmaamo waa meel wayn oo aysan wax walib maalin ku dhamaan karin, laakiin meelo kale oo badan oo laga joojiyay baa jira sida Ceelbuur"

Sheekhu waxa uu sheegay oo kale in "Muqdisho qudheeda goor dhow la joojin doono, oo waxa ay u baahantahay in ciidan badan iyo dhaqaale badan lagu bixiyo, sidaa awgeedna hada diyaar garowgeedii lagu jiro taa, waxaan oran lahaa waqti un haloo daayo".

Diyaaradd La Sheegay In
La Afduubay.

Waxaa kaloo wax laga waydiiyay Sheekh Turki diyaarad goor sii horaysay ku dagtay Nairobi, tan oo ay dad badani tilmaamayaan in loola jeeday shirqool, iyadoo goortii hore loo malaynayay in uu qudhiisu Sheekh Turki Saarnaa Isla Diyaaradaa.

Sheekhu waxa uu taa kaga jawaabay "Arintaa waan ka fogaa, oo Kismaayo ma joogin, shirqool in ay ahayd way dhici kartaa, waxaase la hubaa in dad badani ay isku dayeen in dhibaato loo gaysto Islaamiyiintii saarnaa diyaaradda, qolyaha Baydhabo ayaa isku dayay in ay dhibaato ugu gaystaan, walow dad badan oo Soomaali ah, sida Cabdi Afeey oo runtii arintaa si Soomaalinimo badani ku jirto u gurmaday, wayna ku mahadsanyihiin"

Xagee Xigta.

Goboladda Jubiiyinka oo nabad badan lagu sheegay imika, ayaa iyadna la waydiiyay Sheekha sida ay arintan ugu suuragashay iyo bal talaabadda xigta waxa ay noqon doonto, ama halka ay wujhadda saari doonaan, walow ay jirto meelo badan oo aysan gaarin nabadda goobahaa lagu haysto.

Sheekhu waxa uu ku jawaabay "Dadku maanta meel walba waa ay kacsanyihiin, dadku waxay doonayaanna cid celin kartaa ma jirto, siyaasadeenu waxaa weeye in aan meel degan la weerarin, walow aan anigu mar walba qabay mid taa ka duwan, hadii aan idhaahdo Puntland iyo Somaliland waala weerarayaa, macnaheedu ma ahan in aan u jeedo shacabka, ee waxaan u jeedaa kooxaha ka taliya goboladaa ee Jawaasiista Isticmaarka u ah , labada shacabba waa dad sharaf leh, waxa hada Muqdisho iyo Joobiyinka hogaaminayana waa isla wiilashoodii, waxan marwalba u jeeday kooxaha maamulka ee Carigaa"

Puntland Oo La
Amaanay.

Sheekhu isaga oo si gooni ah oga hadlaya Puntland ayuu yidhi "Waad u jeedaan Qabaa'il badan oo reer Puntland ah ayaa qaatay Islaamka in ay isku xukumaan, waxaan mar walba ka hadlayay ma ahayn dadka Labadaa Gobol, Islaamiyintuna cid walba oo u yeerata un bay u gadhgaadhi doontaa, sidaas weeye mabda'a saxa ah ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isaguna beryahan joogay Magaaladda Muqdisho , halkaas oo heshiis ay ku kala saxiixdeen isaga iyo Islaamiyiinta Soomaaliya, heshiiskaa waxaa gaashaanka ku dhuftay oo wax kama jiraan ku tlmaamay Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, ma filaysay in ay sidaa arintu u dhici doonto Sheekh Xassan Turki ayaa misana la waydiiyay su'aashan.

Sheekhu waxa uu ku dhiiraday in uu ku tilmaamo Sharif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka soo kala horjeeda in uu yahay ninka ugu macquulsan ugana dhow xagga Soomaalinimadda ragga Baydhabo, kooxda Baydhabo waxay u shaqaynayaan Cadowga Illahay iyo kan Ummadda Soomaaliyeed, dad madax banaanna ma ahan, Soomaalina laguma magacaabi karo, waayo waxaa wardiye ka haya Amxaaradda. Shariif-kuse wuu ku mahadsan yahay isku daygaa hagaagaan ee ku talaabsaday.

Itoobiya Naf-Lacaari
Tabar daran.

Mar si toos ah wax loogaga waydiiyey, bal hadii uu war u hayo ciidamadda Itoobiyaanka ee lagu sheegay Soomaaliya iyo inkale ayuu Sheekhu yidhi "Waa la hubaa in ay joogaan Soomaaliya, oo shaki kuma jiro, laakiin waa laga awod roonyahay, laba jeer bay Buur-hakaba yimaadeen oo dib oga laabteen. Maanta Itoobiya iyadaa yaaban, laakiin waa hubaal in uu ciidankeedu joogo Soomaaliya gaar ahaan Baydhabo, ciidamo wax tar ahna ma ahan, waana kuwo Iinshaa Allah laga adkaan doono"

Su'aashii ugu dabmaysay ee sheekha la waydiiyay ayaa ahayd, dad badan oo Soomaali ah, oo dalkii kasoo qaxay baa dibadda jooga, kuwan oo isugu jira dad waxbartay iyo kuwa dhaqaale leh intaba, maxaad kuwaa iyagga kula talin lahayd?

Jaaliyaddaha Dibadda Oo Soo
Noqosho Loogu Baaqay.

Sheekhu waxa uu yidhi "Waxaan kula talin lahaa Dhulkii Soomaaliya gacanta Soomaalida ayuu dib ugu soo laabatay, dadka kawadirta ah waa in ay yimaadaan oo ay qayb hagaagsan ka qaataan, waa lakala gaadhi la'yahay dhulkii oo wax ka shaqeeya ayuu u baahanyahay.

Waxaa lasoo gaadhay waqtigii ay usoo noqon lahaayeen dhulkooii hooyo, waana in ay qayb ka qaataan dhulka horumarintiisa, ninwalbana waxa uu qaban karo ka qabto, waxaa u hagaasgan in ay isticmaarka isaga soo tagaan, oo ay dhulkooda yimaadaan, meel u dhaanta malahan oo ay si wanaagsan ugu noolaan karaan, sidaasaan kula talin lahaa"

Voy + NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Qariidada Soomaaliya
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Gumaysigii Oo
Digay

Mario Oo Talyaani ah ayaa. Akhri+
Jihaad Somalia
Lagaga Dhawaaqay - Sheekh Shariif. Akhri+
Difaaca Dalka
iyo Diinta

Waa Waajib Muqadas Ah - Prof. Cadow Maqal+
Soomaalidu Way Ka Daaleen
Dagaal-Ogayaasha dilooday - Sh.Shariif Maqal+.
Kooxda Maamulka
Hargaysa

Oo Kufriga Hibo Loo siiyay Akhri+ .
Culimo iyo Caamaba
W/G Maxaa ka Haysta SL-nimadda Akhti+.
Kooxda Maamulka Hargaysa
Oo Cabsi Wayn Ka Muujisay Maqal+
Hiiraale Dagaal
Ooge

Aan Mudnayn In Uu Soo Laabto Maqal+
Ciidamo Beeleed
Qabsaday

Kuwan oo ay wehliyeen Itoobiyaan Maqal+.


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.