Xeseen Maxamed Caydiid oo isagu uqaabilsan kooxda Baydhabo Arimaha Dibadda, ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn wararka sheegaya in Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran ay ka guuri doonto Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, Arimahan ayaa yimi kadib markii Islaamiyiinta Soomaaliya ay u jirsadeen Magaaladda in ka yar 7Km oo keliya.
Inna Caydiid ayaa ku dooday isaga oo jooga Baydhabo islamarkaana u waramayay Jariidada Carbeed ee Sharq Al-Awsad “Madaxwayne Cacdulaahi Yuusuf waxaan usoo jeediyay aragtida aan ka qabo baydhabo oo ah in aan meel kale oo Soomaaliya ka mid ah oga guurno, meelahaas oo runtii aan doorbidayo in ay dhanka amaanka ka hagaagsanyihiin Baydhabo, si aysan dhibaato usoo gaadhin, isaga ama 72qof ee kooxdu ka koobantahay, islamarkaana amnigooda loo sugo, arintan Cabdulaahi Yuusuf wuu iska soo taagay.
Caydiid ayaa misana sii adkeeyay oo yidhi “Hadii Baydhabo al isku galo in Cabdulaahi Yuusuf uu noqon doono qofka u dambeeya ee ka xidhxidhta Baydhabo, waxaanu haysanaa awood aan isku hortaagi karno in ay Islaamiyiintu soo galaan gudaha Baydhabo, waxa aan weliba sida goonida ah xooga u saarayo ayaa ah Guriga Dowladda” Inna caydiid oo u muuqday ruux wax uu sheegayaa ay dhab ka yihiin ayaa tilmaamay in sababta ay Islaamiyiintu cidwalba oga guulaysanayaan ay tahay, iyadda oo ay ka dhinac dagaalamayaan ragg Carbeed iyo weliba Maraykan, kuwan oo geyigoodii oga yimi in ay gadhgaadhaan Islaamiyiinta.
“Qolyahan aan shegayaa waxa ay khatar ku yihiin amniga Soomaaliya, kan Geeska Afrika iyo weliba deriska oo imika iyagu ku sugan cabsidii ugu badnayd ee ay abid la kulmaan, sababta Islaamiyiinta kusoo xoogaysayna Geeska Afrikadda Bari Guud ahaan, gaar ahaanna Soomaaliya” ayuu yidhi Caydiid.
Hadaba waraysigan oo aad u dheeraa ayaa u dhacay sidan.
S1 – Ma umalaynaysaa in uu dagaal ka dhex qarxi doono Dowladdaada iyo Islaamiyiinta Soomaaliya oo iyagu kulaalaya imika Magaaladda Baydhabo dusheeda, adiga oo la socda in ay burbureen wadahadalii la filayay in heshiis loo dhanyahay lagu gaaro?
J1 - Horta wadahadaladda si dhan uma aysan burburin oo wax un rajjo ahi waa ay jiraan, waxaan filayaa in Islaamiyiinta iyo dhexdhexaadiyayaasha Madasha ay codsadeen waqti dheeri ah oo la siiyo si ay oga soo fiirsadaan go’aanka la filayo in ay qaataan, Islaamiyiintu waa qayb ka tirsan dadkeena, waxaanan isku dayayna in aan ku dhamayno dhibaatadda noo dhaxaysa wadahadal aan la galno iyagga, waqti baanu siinaynaa, waxaan u ogolaanaynaa in aan ka qayb gelino dowladda imika jirta, bal aan sugno oo fiirino waxa kasoo baxa wadahaladda goor dhow un dib loo bilaabi doono.
S2 – Madaxaad samaynaysaan hadii ay soo weeraraan fadhiisinka dowladdiina?
J2 – Baydhabo waan difaacaynaa, oo taasi shaki kuma jiro, soo celcelisna uma baahna, hasayeeshee dagaal ku degdegi mayno, waana arin nagu adag annaga oo aynaan doonaynin, waxaan intii aan awoodno isku dayaynaa in aan ka fogaano daadinta dhiigga sokeeye, mana doonayno in aan walaalaheen kula dagaalanno Xarunta Soomaaliya Muqdisho.
S3 - Sidee Islaamiyiinta isaga celin kartaan adinkoo lawada ogsoonyahay in ay dhibaato idinka haysato helidda hub aad isku difaacdaan, marka lagaba soo tago adinkii oo aan haysan ragg idiin dagaalama?
J3 – Cunaqabtayntii hubka ee qaramadda midoobay ay Soomaaliya kusoo rogtay sanadkii 90kii weli waa way saarantahay, arintan weeye tan dhibaatadda wayn nagu haysa, halka Islaamiyiintu ay soo geliyaan hub noocyo kala duwan leh dalka maalin kasta. Sidaas oo ay tahay hadana waxaan u sheegaya in hadii ay nasoo weeraraan aan jawaab kulu ka bixin doono gardaradaa, waxaanu kaloo ognahay in hadii ay Islaamiyiintu nasoo weeraraan uu shacabka Soomaaliyeed la dagaalami doono, waayo shacabku aad buu u ayidsanyahay dowladdeena.
S4 – Maxaad ug umalaynaysaa in ay Islaamiyiintu soo kala horjeeda?
J4 – Waa ay kala qaybsan yihiin, aan kuu sheego ee dhagaysoarin aan ogaanay goor dhawayd, waxaa cad in uu jiro dhinac aad ugu fogaaday Diinta oo ka tirsan Islaamiyiinta Soomaaliya, waxaad ogtahay haweeneydii Baadariyadda ahayd ee lagu dili jiray Muqdisho todobaadyo ka hor, waa hagaag, Islaamiyiintu way soo qabteen kuwii falkaa gaystay, waxaase wax laga xumaada ah in lasii daayay dembiilayaashii sababta culays ka yimi dhaliinyaradda Diinta ku fogaaday, kuwan oo ka tirsan islaamiyiinta halkaa ka taliya.
S5 – Ma jirtaa in Kenya iyo Itoobiya ay ciidamo usoo dirayaan Baydhabo si ay u ilaaliyaan dowladiina, sababta Islaamiyiinta dul fadhiya Baydhabo oo cabsi wayn idinku haya?
J5 – Kenya iyo Itoobiya waxay samayn doonaan waxa ay ku jirabto Ilaalinta danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya, waxay ilaalinayaan xuduudaha oo keliya, annaguna waxaan ku leenahay dad Soomaaliyeed oo badan Kenya iyo Itoobiya, ma hayo wax cadaynaya ama qorshe ay imika ku doonayaan in ay kula dagaalamaan Islaamiyiinta Soomaaliya.
S6 – Waxaa jira warar sheegaya in aad heshiisyo iyo ballamo sir ah la gasheen Kenya iyo Itoobiya si ay idiinkaga ilaaliyaan Islaamiyiinta Soomaaliya, arimahani sow kuwa xaqiiqa ah ma ahan?
J6 – Maya imika looma baahna in aan galno heshiisyo iyo balamo nooca aad ka sheekaynayso ah, wax jira ma ahan, wana ku tiri ku teen, wax walba oo heshiis ah oo la gelayo waa in uu Baarlamaanku saxiixaa, mana jiri karto heshiisyo sir ah oo Itoobiya iyo Kenya lala geli karo.
Annagu waxaan difaacaynaa maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, mana doonayno in aan dagaal hor leh hurino, bal u fiirso iyagaa dagaal u durbaan tumaya maalin walba, annaguna waxaan ku baaqaynaa in si nabad ah loo wada noolaado, hadii aan dib kuu xusuusiyo waad ogayd waxaan erinay afartii Wasiir, kuwii uu maraykanku gadhgaadhi jiray, iyagoo sheeganaya in ay la dagaalmayaan Argagixisadda, waana kuwii la dagaalameen Islaamiyiinta Muqdisho markii ugu horaysay.
Waxaan u safarnay Kharduum iyadoo ay dowladaydu nabad doon tahay, hada oo ay hada tahayna waxaan doonaynaa in aan aragno carigii oo nadab ah, islamarkaana Islaamiyiinta oo Ixtiraama wixii lagu soo heshiisayay.
S7 - Sida inta badan la sheego waxaad oga sii digtay Cabdulaahi Yuusuf in la damacsanyahay in la dilo! Arintaa maxaa ka jira.
J7 - Waxaan horay ogaga sii digay waa taa oo waa ay dhacday, waxay isku dayeen in ay dilaan, nasiib darase waxaa ku dhintay walaalkii, darawalkiisii, imika wuu gartay halka arintu iska qaban la'dahay. Anigu waxaan u damaanad qaadi karaa Cabdulaahi Yuusuf in uu ku badbaadayo Muqdisho ama Gaalkacyo, laakiin Baydhabo ma ahan meel Aamin ah oo la isku halayn karo.
S8 - Cabdulaahi Yuusuf waxay umuuqataa in uu iska dhaga tiray dadaalkaagii! Maxaa Xigga?
J8 - Haa Sidaas bay umuuqataa! Waayo waxaad ogtahay in isaga iyo Aabahay Gen.Caydiid ay isku dabeecad yihiin, isagu maalintii dhawayd markii uu ka badbaaday dilkii lala damacsanaa waa uu diiday in la geelo Cisbitaalka, oo waxa uu u diray halkaa oo keliya raggi la socday ee ku dhaawacmay shilkii, sidan Aabahay baa hada ka hor sameeyey.
Waxaan filayaa xataa hadii ay Islaamiyiintu soo weeraraan Baydhabo in uusan meelna oga socon, ama ugu yaraan uu noqon doono ruuxa ugu dambeeya ee halkaa kasoo baxa.
S9 - Ma Jirtaa in ay Jawaasiis Maraykan ah joogaan Baydhabo, oo ay adinka idinla shaqaynayaan?
J9 - Maya waxba kama jiraan in uu Sirdoonka Maraykanku nala joogo, wax xidhiidh ah oo naga dhexeeyaana ma jiraan, waayo hay'adihii dowladda weli sidii aan donaynay uma hirgelin, markii hore way jirtay in ay xidhiidh lahaayeen, dagaal oogayaashii Muqdisho ka talin jiray! iyo kooxdii la magac baxday "La Dagaalanka Argagixisadda", waxaa hada nala jooga oo keliya koox ka socota dalka Egland, oo u yimi in ay wax ka ogaadaan sababtii dhalisay shirqoolka iyo cidii ka dambaysay.
S10 - Sidee u aragtaa booqashadii qarsoodiga ahayd ee uu Sheekh Xassan Daahir Aweys, Madaxa Islaamiyiinta Soomaaliya ku tagay Qaahira?
J10 - Waan la soconaa arintaa, waanan ku faraxsanahay, waayo waxaan ognahay in ay Masaaridu siinayaan talo wanagasan xasan Daahir, waxaanan filaynaa in ay booqashadiisa kasoo baxaan wax wanaagsan.
Dhanka kale Masar waa dalka keliya ee ak baabi'in kara cabsida wayn ee ay qabaan Itoobiya, Kenya iyo Yemen, ee Islaamnimadda kasoo muuqatay maanta Soomaaliya.
S11 - Sidee u aragtaa Sheekh Xasan Daahir Aweys, Makuula muuqdaa nin Nabad dhalin kara?
J11 - Adiguba waad ogtahay in uu Sheekh Xasan Daahir yahay Abtigay dhanka hooyo, waxaanan qabaa walaashii isaga la dhalatay, waa nin horay ciidanka oga tirsanaan jiray, waana nin adag oo waxa uu samaynayo ay dhab ka tahay, waxaan aaminsanahay intaa marka la isku daro in uu nin nabadeed yahay.
S12 - Ma Umalaynaysaa in ay dowladiinu sii jirayso?
J12 - Annagu waxaan nahay dowlad dib u heshiisiineed, waxaanan doonayanaa in aan sidaa ku shaqayno, waxaan haysanaa oo keliya 6000 oo Askari, welina wax mushahar ah oo ay qaateen ma jiraan, Jaamacadda Carbeed wax dhaqaale ah oo ay nasiisay ma jiraan, waxaana dhibaato wayn ay imika naga haysataa sidii aan u hubayn lahayn ciidamadeena.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |