Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY




Qays Ducaale. "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
"Dhulwaynihii Soomaaliya


Soo Celintiisu Waa Lama Huraan" Sh.Aweys

Posted: 18.11.06 04:00 PM

Sheekh Xassan Daahir Aways, Oo Codsaday Dhulwaynihii Soomaaliya

Dhulwaynihii Soomaalia oo gumaysigii cadaa ee Soomaaliya xooga ku qabsaday uu ukala qaybiyay Shanta qaybood ayuu Madaxa Golaha Shuuradda Sh.Xassan Daahir Aweys codsaday in dib loogu soo celiyo Soomalida, Dhulkan oo ay kala haystaan Kenya iyo Itoobiya.

Sheekh Aweys ayaa sheegay waqti uu la hadlayay Idaacaha Maxaliga ah, in Islaamiyiinta Soomaaliya ay ka go'antahay soo celinta dhamaan Dhulka ka maqan Soomaaliya, islamarkaana ay kusoo rogi doonaan ku xukumidda Shareecadda Islaamka, dhulalkan lasoo cilinayo ayuu sheekhu sidoo kale ku dhawaaqay in lagu miday doono Magaca "Somali Wayn".

"Marnaba kama gaabin doono, sidoo kale kama lexejeclaysan doono Soomaalida ku jira Gumaysiga Itoobiya iyo Kenya in ay wax la qabsadaan. oo ay la noolaadaan walaalahoodii hore ee Soomaaliya, iyagga oo nala wadaagi doona dhamaan wax walba oo khayraad ah oo aan haysano" Ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir.

Waa markii ugu horaysay ee ay Islaamiyiinta Soomaaliya doonayaan in ay wax ka qabtaan gudaha xad beenaadka Isticmaarku ku kala googooyay dhulka Soomaalida tan iyo intii ay gacanta ku dhigeen xarunta Dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa iyana xusid mudan in Islaamiyiintu ay gacanta ku hayaan inta badan dhulka Soomaaliya, tan iyo June-tii lasoo dhaafay ee sanadkan 2006da.

Aqoonyahanadda Diinta
Ee Soomaaliya.

Ragga Diinta ee Soomaaliya ayaa xiligan kala guurka ah u muuqda in ay ukala bexeen laba qaybood.

  1. Qaybta Koowaad Waxa ay doonayaan in Soomaaliya ay noqoto meel wanaagsan oo ay dunida Muslimka ah oo dhami ay kusoo hirtaan, dadkeeda iyo dalkeedana wax u qabtaan, Aqoonyahanadan waxaa ka mid ah Sh. Xassan Daahir,Sh. Jaamac Cabdisalaan, Sh. Shariff, Sh. Xasan Turki iyo ragg kale oo badan oo muhim u ah dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee imika socda.
  2. Qaybta Labaad Ilaa iyo imika waxa ay doonayan cid sheegi kartaa ma jirto, inta badan waxa ay joogaan Goboladda W/Bari Soomaaliya (Puntland), W/Galbeed(Somaliland) iyo meelaha aysan Islaamiyiintu ka talin, Raggan ayaa iyagu sida ugu badan ugu dhow kooxo Maamuleeyadda ay ku hoos noolyihiin, halkii ay ahayd in ay Islaamiyiinta kalsoonidooda siiyaan.

Cadde Muuse Oo La Fadhiistay Qaar
Ka Tirsan Ragga Diinta.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, waxa uu Madaxa kooxda Maamulka Puntland Cadde Muuse la shiray qaar ka tirsan Ragga Diinta, ilaa iyo imika lama oga waxa dhabta ah ee kasoo baxay shirkaa, walow ay bogaga Internet-ka ee ku hadla Magaca dadka goboladdaa ay sheegayaan in ay raggii diinta iyo Kooxda caddaha sii liicaya isku afgarteen.

  1. In Puntland ay tahay Muqadas
  2. In si wada jir ah ay Ragga Diinta iyo Kooxda uu horjoogaha u yahay Cadde Muuse u difaacaan Puntland.
  3. In la magacaabo gudi talo bixin, iyo sidii loo sixi lahaa kooxda Cadde Muuse.
  4. Ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka sida ku cad dastuurka Puntland(Dastuur-ka Puntland waxaa dijiyay Inna Abshir Walde iyo Laba Nin Oo Maraykan Ah)

Dad badan oo gobolka u dhashay baa lahaa, arintan ayaa lagu tilmaami karaa Nasiib daro wayn, mar hadii raggi laga filayay in ay dhiiri geliyaan ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka, iyo in ay qudhoodu u taliyaan Dalka iyo Dadka ay maanta Marti oga noqdeen raggi shalay jiqayay dhiiga dadka, ee intay barqo cad lasoo hor istaageen dadka u sheegay in ay lunsadeen dhaqaale ciidaa ka badan, xishood la'aan, iyadoo aysan jiriin cid ay oga cabsanayaan dhunsashadda hantida qaranka.

Qaadkii Oo La Joojiyay.

Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran ayaa dhaleecayn dusha kaga tuurtay Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyey qaadkii oo laga mamnuucay Muqdisho iyo Meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah.

Nin u hadlay kooxda ayaa ku dhiiraday in uu yiri "Shacabka Muqdisho waxay qayb wayn ka qaateen la dagaalankii Kooxdii Muqdisho, waxayna maanta ka mudnaayeen Islaamiyiinta in ay si ka wanaagsan sidaa ola dhaqmaan"

Nin isaguna u hadlay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa yiri "Hadii kooxda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta ay shacabka Soomaaliyeed dan u hayaan ma aysan soo dhawayeen dagaal oogayashii usoo baxsaday Baydhabo" Waxaa uu intaa ku daray in "Qaadku uu u daranayahay caafimaadka, islamarkaana uu sabab u yahay saboolnimadda baahday ee Soomaaliya".

Voy + NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Sh.Aweys Madaxa Islaamiyiinta Soomaaliya
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Yaa Nacaybkan Ku Beeray? Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Bu'aale Oo La Qabsaday Akhri+
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
Digniinta Maraykanka Ma Saacidi Akhri+
Ragga Baydhabo Oo La Badbaadshay Akhri+
Puntland & Somaliland Oo La Qaban Doono Waqti Dhow Akhri+
Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
Qabsashadda Baydhabo Akhri+


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.