Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY




Qays Ducaale. "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Jawaabta Itoobiyaanka


Ay Ka Bixiyeen Ciidamadii Lagaga Laayay Bardaale.

Posted: 20.11.06 04:30 PM

Jawaabta Itoobiya

Voy.Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa maanta ka hadashay dhibaatadii loo gaystay ciidamo Itoobiyaan ah oo weerar lagu qaaday shalay gelinkii hore, kuwan oo goortaa ku sugnaa Magaaladda Bardaale oo iyadu dhacda meel u jirta 85Km Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo.

Qoraal ay wasaaradu saaka kasoo saartay arimahaa ayay u dhigtay sidan "Dhibaatadda Lasoo gudboonaatay ciidamadda Itoobiya ayaa timi kadib markii Gaari raashin u siday ciidamadda Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya ay ku qaraxday Miino dhulka lagu aasay. Ma uusan jirin wax isku dhac ah oo dhexmaray ciidamadeena iyo kuwa Gobolka"

Marar badan oo hore ayuu beeniyay Zenawiga Itoobiya in ay joogaan gudaha Soomaaliya ciidamo ay Itoobiya leedahay, sidoo kale ayay dowladda baydhabana beenisay marar badan, halak ay waqtiyo kale oo badanna sheegteen in ciidamadda Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobolka Bay ujeedadoodu tahay difaaca dowladda tabar daradda la ildaran.

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Lagu Laayay
Gudaha Dalka Soomaaliya

Voy.Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in 6Askarta Itoobiya ah la laayay, halka 20 kalena la dhaawacay, kadib markii ay Islamaiyiinta Soomaaliya weerar la beegsadeen kolanyo ciidamadda Itoobiya ah oo marayay meel u dhow Magaaladda Baydhabo. Waa markii ugu horaysay ee ay Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Ciidamadda Itoobiya iska hor imanayaan, kuwan oo caado ka dhigtay in ay iska soo galaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Waxaa ay wararku intaa ku darayaan in halkaa lagu burburiyay laba gaari oo kuwa ciidamadda gura ah, kadib markii lagu qarxiyay Bambooyinka meelaha fogfog laga hago, arintan ayaa ay goob joogu ku waramayaan in qarxinta Bambooyinkaa lala beegsaday ka hor intii aysan Islaamiyiintu rasaasta ooda oga roggin kolonyadaa Ciidanka ah. Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in labada gaari ee la burburiyay ay sideen 80 ka mid ah Ciidamadda Itoobiyaanka, kuwan oo ku jeeday Baydhabo Oo Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho u jirta 250Km oo xagga Wuqooyiga ah.

Islaamiyiinta Oo Ka Hadlay
Dhacdada.

Sida uu u xaqiijiyay warbaahinta Nin Mas'uul ah oo u hadlay Islaamiyiinta Cabdiraxman Cali Mudey, dagaalku waxa uu ka dhacay Bardaale oo 85Km u jirta Baydhabo, waxaana halkaa lagu gubay 6 Gaari oo kuwa ciidamadda gura ah, qaar badan oo ka tirsan ciidamadda Itoobiyaankana waa lagu laayay. Afhayeenka ayaa gashaanka ku dhuftay in ay Islaamiyiintu ka dambeeyeen dhibaatadda loo gaystay Itoobiyaanka.

Mudeey waxa uu intaa ku daray "Dadka Gobolku ma ogola in ay joogaan Ciidamadda Itoobiya Magaaladooda, sidaa awgeedna waxay goosteen in ay kala hortgaan dagaal qaawan cid walba oo kusoo xadgudubta Dhulka Soomaaliya"

Sidoo kale Nin U hadalay Dowladda Tabarta daran ayaa isaguna sheegay in weerar ba'an lagu qaaday ciidamadda Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya gudaheeda, walow uu diiday in uu bixiyo warar dheeraad ah oo ku jeeda sida ay wax u dheceen.

Dowlahada Deriska Ah.

Dhanka Siyaasadda, Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran ayaa si xooggan u difaacay Joogitaanka ciidamadda Itoobiya ee Soomaaliya, mar uu ka hadlayay Barnaamij gaar ah oo laga sii daayay Idaacadda Carbeed ee la iska arko ee Al-Jazeera ayuu yidhi "Itoobiya xaq bay u leedahay in ay ka samayso wax walba oo ay doonayso gudaha Soomaaliya inta ay joogaan Kooxaha Argagixisadda ah dhulka Soomaaliya".

Mar wax laga waydiiyay Madaxwaynaha cidhiidhiga ku jira, bal in uu doonayo in uu wadahadalo la furo Islaamiyiinta Soomaaliya oo iyagu gacanta ku haya inta badan dhulka Soomaaliya ayuu yidhi "Arintaa waan doonayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhacdo, laakiin marnaba ma suuroobi doonto in aan la fadhiisto koox uu ku jiro Madaxa Golaha Shuurada Xassan Daahir Aweys-ka xubinta ka ah Ururka Al-qaacida".

Ereteria Oo Laga
Qayliyay.

C.Yuusuf waxa uu ku tuhmay Ereteria in ay siiso hub iyo tababaro Islaamiyiinta Soomaaliya, isaga oo ku celceliyay in aysan jirin wax shuruud ah oo uu ku xidhayo wadahadalo hor leh oo uu la furo Islaamiyiinta marka laga reebo in ay ka laabtaan meelihii ay xooga ku qabsadeen.

Wuxuu markale ku celiyay In ay Islaamiyiintu doonayeen in ay ka takhalusaan isaga Septembartii lasoo dhaafay, waqtigaas oo ku sugnaa Baydhabo. Dhacdadan ayuu ku tilmaamaay in ay si toos ah oga dambeeyeen Ururka Al-qaacida iyo Xasan Daahir Aweys isaga oo arintan ka hadlayana waxa uu yiri "Waxay donayeen in ay i dilaan aniga iyo dhowr kale oo ka tirsan Dowladda".

Markhaatiga Maraykanka.

Sida uu ku waramay safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya waxaa jira marqaatiyo cadcad oo muujinaya in hubku si aan caadi ahayn uu u galo gudaha Soomaaliya, iyo in dhamaan dalalka lagu sheegay in ay ka qayb qaataan howlahan ay tahay wax jira oo cadaymo loo hayo.

Cali Cabduh Wasiirka warfaafinta ee Ereteria ayaa ku tilmaamay hadalada kasoo yeedhay Safiirka kuwo ku tiri ku teen ah, oo habayaraatee wax ka jiraa aysan jirin, waxa uuna ku tilaamay in ay tahay wax lagu qoslo.

Voy + NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Hogaamiyaha Tabarta Daran
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Yaa Nacaybkan Ku Beeray? Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Bu'aale Oo La Qabsaday Akhri+
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
Digniinta Maraykanka Ma Saacidi Akhri+
Ragga Baydhabo Oo La Badbaadshay Akhri+
Puntland & Somaliland Oo La Qaban Doono Waqti Dhow Akhri+
Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
Qabsashadda Baydhabo Akhri+


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.