"Heshiis anagu ma ogin Puntland Ka
Dhacay"! Con. Carays.
Voy. Indhawaytaba Puntland waxaa loogu kala qaybsanaa dhowr siyaabood, kuwan oo aad oran karto waa gar hadii aad intooda badan si dhab ah ugu fiirsato, adigoo xeerinaya arimo badan oo hal-abuurka dhibaataddanba lahaa markii hore, hadii aan bal isu qaadno in aan wax un ka tilmaano qaabka loogu kala qaybsan yahay waxaad oran kartaa sidan;
- Xaq Udirir Qolyaha isku haya Puntland ayaa la odhan karaa mid waliba waxa uu isu haystaa in uu yahay xaq u dirir, ha ugu badnaadaan kuwa iyagu majaraha dalka Xoogga ku haysta, ee hantida qaranka boobaya sidii in ay isleeyihiin kuwa dhalan doona yeysan idin kusoo gaarin.
Waxaa ka raaridan in ay iyagu leeyihiin dalka iyo dadka wixii dhaqaaqaba, oo markaa ay tahay in iyagga un loo dhabar adaygo cududa aan wax caabin karaa jirin ee ay habeen iyo maalin ku goodinayaan, waa sida ay iyagu u haytaanne.
Tusaale; Cadde Muuse oo quman oo qiray Ashaadadii, islamarkaana goostay in uu la dhawaaqo Islaamka, ayaa Col.Carays oo wax un ay mideeyaan isaga iyo Cadde Muuse goodi iyo baqo gelin gees ula booday, Cadde isagii oo aan dhanabba eegin ayuu isu sii qaaday Idaacadda Gaaladda ee Afka Soomaaliga ku hadasha wuxuu yidhi "Waxaa Lagu Heshiiyay In Aan Waxa Jira Waxba Laga Bedelin, Waayo Muslim Baynu Ahayn Weligeen"
Horaa Loo Yidhi.
"Labadii xaqdaro iyo boobka xoolaha Qaranka ku heshiiya xaqay ku diriraan", hadaad xusuusataan maalmo yar un ka hor ayuu Cadde la qayliyay "Aaniga iyo gaagaab ayaa u leexin doona dhaqaalihii aan qaadan jirnay garoonka Bosaso", waaba hadii ay dhacdo e, "ayaa yidhi nin baa loo geli abaal lagu ulayn doono", tan imika taagan iyo Puntland,marka tagtadii lala akhriyo waxaa halkaa kasoo baxaya in ay Dirir iyo Dagaal hore leh dhiiqi doonto.
- Ismoog isma oga oo, waxay haystaan kitaabkii Illaahay, walow ay maanta marti oga yihiin Hogaamiyaha sii liicaya Cadde Muuse, oo waxa ay ka baryayaan in uu kitaabka ku dhaqo, waa halkii horay loo yidhi "Meel Aad Madaxeeda Tahay, Majaheeda La Iskama Dhigo", Ilaa iyo imika inta ay ka hadleen Ragga Diinta ee Kooxda Cadde la fadhiistay imikaba Puntland way ka jiraan, sida
- In qofkii qof dila la dilo
- Qofkii ilig qof kale ka bixiya, isagana ilig laga bixiyo iwm.
Labadda Qaybood ee hore waxaa in badanna ka muhimsan qaybtan sadexaad inkasta oo aysan awood badani jirin xagooda.
- Dadwaynaha Gobolka ayay ahayd in inta ay qabyaaladda iyo is-bahabahaysiga ka gudbaan doonaan maxaa dan u ah, waana iyagga keliya kuwa sida tooska ah oga faa'iidaya hadii maanta loo kaco in la isku xukumo diinta Islaamka.
Tusaale; Dadkii reer Muqdisho maxaa haystay? Waa laga yaabaa in ay qaar yiraahdaan meeshaasi meel nolol ka jidho ma aysan ahayn! Halkanse waxaan haysanaa nolol wanaagsan! Inta og xaaladda dhabta ah ee (Puntland) ayaan u daayay in ay ka waramaan arintaa.
"Hadii Aysan Dekaddu Jiri Lahayn Sow
Dariiqa Isbaaro Ma Dhigteen"
Sheeko Gaaban Waxaan dhowr qof ku saarnayn PL-da Magaaladda GAROOWE, Buskii baa aad noola boodbooday sababta daqriiqa oo xumaa awgeed, nin dhaliinyaraddii gaariga saarnayd ka mid ah baa yidhi intuu wadihii gaadhiga kor ugu dhawaaqay "Gaariga tartiib u wad", wadahii baa isaga oo xanaaqsan u jawaabay "lacagtii dowladda Puntland baa naga dhamaysay ee iyagga u sheeg".
Iyadoo halkaa ay sheekadu marayso oo aan laba yaabanahay Canshuurta iyo umuurta laga sheekaynayo, ayaa Islaan xagga dambe fadhiday kor u qaylisay oo waxa ay tidhi "War Madaxdeena Noo Daaya, Kuwa Muqdisho Dariiqay Isbaaro dhigteen, kuweenuna Dekada ayay Isbaaro u dhigteen, Ilaahoow adaa mahadsan hadii aysan Dekadda jiri lahayn sow dariiqa Isbaaro ma dhigteen" Dadkii Buska saarnaa oo dhan baa hal mar wada qoslay.
Maxaa La Doonayay
Su'ashan baad moodaa in ay muhim tahay marka xaalku halkaa marayo! Wax sidaa u adag ma aysan ahayn, walow ruux Mansab haysta ay adagtahay in uu aqbalo sida uu doonayo Islaamku. Sidii la doonayay waxay ahayd
- In Shareecadda Islaamka si Baahsan oo sugan loogaga dhawaaqo dhamaan goboladda bahbaha la isugu soo dumay ee imika loo yaqaan (Puntland), waxaa Illahay mahadii ah in intooda badan ayba ku dhawaaqeen in ay qaateen Mad'da Islaamnimadda iyo in shareecadda la isku maamulo.
- In Cadda Muuse iyo kooxdiisa laga fogeeyo, islamarkaana laga qaado furayaasha xafiisyadda ay xooga ku haystaan iyaga oo aan xataa Boorsooyinkooda kala soo bixin. kadibna ay iyagu doortaan meesha ay doonayaan in ay tagaan.
- In Hogaaminta wadanka looga dambeeyo dadka Aqoonta u leh, gaar ahaan Akhyaarta sida wanaagsan u bartay Diinta iyo Aduunkaba, si looga saaro dhibaatadda maanta ay ku sugantahay Soomaaliya.
- In lakala diro ciidamadda Is-bahabahaysiga lagu dhisay ee Jooga (Puntland), Islamarkaana la howlgeliyo dhaliinyarrada xoogga ah ee kala garanaya macnaha Qaran iyo Qabiil.
- In la buriyo heshiiskii Cadde Muuse iyo Kooxdiisu lasoo galeen Itoobiya ee dhigayay in Khayraadka dalka lagu soo bedesho Mandooriye, kan oo la saxeexay badhtamiha bishii May, 2004tii. Heshiiskan oo Ujeedooyin badan laga lahaa, haba ugu horayso sidii loo sumayn lahaa dhaliinyaradda gobolka islamarkaana loo iloowsiin lahaa wixii ay xaqa u lahaayeen.
Siday dooniba ha noqotee umuurtan oo dhan waxay umuuqataa mid la iska dhaga tiray, hadii marka xaalka sidaa loo dhigo waxay dhali way iska cadahay, oo waxaa aynu ka dhursugnaa nimanka tuutaha Isku jafay markii ay Magac Islaam maqleen, dad badan oo Ah-lul Cilmi ah baa iyaguna lahaa, mar haday sidaa u rimantahay alaylehe waxay leedahay sansaan in ay Dirir iyo Dagaal hore leh dhiiqi doonto.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |