Cabdulaahi Yuusuf Madaxwaynaha tabarta daran, ayaa arimo farabadan ka hadlay mar uu la hadlayay idaacadda Carbeed ee la iska arko Al-Jazeera, arimahan oo si toos ah iyo si dad banba u taabanayay xaaladda maanta ka jirta Soomaaliya.
Madaxa Baarlamaanka Soo
Kala Horjeeda.
Isaga oo ka hadlayay Shariff Xasan ayuu yidhi "Howsha uu ku talaabsaday Gudoomiyaha baarlamaanka ma ahan mid annaga na khusaysa, waayo waxa uu galay howlihii dowladdayda, waxa uu saxiixay heshiisyo cid la oga aysan jirin habayaraatee, arintan ayaan dib oga wada hadli doonaa, hadii uu goosto heshiiyadda uu soo saxiisay in uu keeno golaha dowladda".
Islaamiyiinta Oo Ka Taliya Inta
Badan Soomaaliya.
Mar wax laga waydiiyay, mar hadii Islaamiyiinta Soomaaliya dhulkii Soomaaliya intiisa badnayd ay gacanta ku hayaan, adinkuna aad in yar un ka talisaan sow ma hagaagsanaan lahayn in aad taladda inta badan iyagga siisaan?
Cadbulaahi Yuusuf oo aad oga carooday su'aashan ayaa yidhi "Adinku hadaad tihiin Al-Jazeera, waxaad si aan haboonayn dacaayad ugu samaysaan Islaamiyiinta Soomaaliya, markaas baad waydiisaan dadka su'aaalahan oo kale.
Waxaan oga jawaabayaa su'aashaadan, Dowladaydu waxa ay ka talisaa Shan iyo Toban Gobol, halka ay Islaamiyiintu ka taliyaan Xuduuda 7Gobol oo keliya,arintuna sidan masii ahaan doonto, heshiis waan doonayaa, sadex jeer oo horena waan lagu khasaaray wadahadaladii la bilaabay, sidaan aaminsanahay waxay umuurtu ku dambayn doontaa in shanta la isula tago"
Muqdisho Oo Argagixiso
Lagu Sheegay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi "Muqdisho waa run Iyagaa haysta, laakiin waxaan oran karaa Argagixisadda ka talisa Muqdisho, waan ka qaadi doonaa, waxaanan ku celi doonaa sidii ay Soomaali oo dhan ugu dhaxaysay".
Soomaaliya waxaa la sheegaa in ay joogaan Ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa deriska, si ay idiinkaga wardiyeeyaan Islaamiyiinta oo 7Km oo keliya ay idiin dhexeyso?
Waa Runtaa oo waa ay joogaan dad ajaanib ah Soomaaliya, gaar ahaan Ereteria iyo dhaliinyaro Argagixiso ah oo iyagu ak yimi dunida carabta, marka lagu daro kuwa iyagga soo dhaweeyey ee ka kala yimi Soomaaliya oo dhan, waxaan oran karaa marka la isu geeyo ciidankaa tiradiisa waa 80%, ciidamadda ay haystaan Islaamiyiintu.
Dil La Sheegay In Loo Yaboohay Oo
Welwel Ku Reebay.
Waxaa marqaati u ah joogitaankooda Soomaaliya, waraaqaha aan helnay, kuwan oo uu ku saxiixanyahay Madaxa Islaamiyiinta Xassan Daahir Aweys, waxay doonayeen dilkayga, iyo dilka koox dhan oo ka tirsan dowladayda, iyagu ma doonayaan Diin keliya, waxay doonayan in ay xukunka qabsadaan oo ay sidaa ku hantaan dalka, waxa ay ka sheegayaan idaacadaha iyo television-adda wax jira ma ahan.
Waxaan qudhiina Al-Jazeera idinku dhaliilayaa in aad qayb ka tihiin dacayadda loo samaynayo in ay doonayaan in ay Soomaaliya isu soo celiyaan, oo ay yihiin dad diin doon ah, maya, waxaan leeyahay maya, iyagu sidaa ma ahan, iyagu waa daalimiin.
Waxaa misana la waydiiyay miyaadan u malaynaynin marka aad sidan u hadasho in ay keeni karto in ay adkaato wadahadalo kale oo aad yeelataan?
Annaga ma ahan kuwa xiray dhamaan albaabadii wadahaladda, iyaga weeye kuwa sharta iyo dhibaatadda wada, islamarkaana aan doonaynin in xal laga gaaro arimaha Soomaaliya.
Dagaal Loo Durbaan Tumayo.
Hadii wadahadaladda soo socda lagu heshiin waayo, maxaad samayn doontaan? dagaal in aad qaadanse ma laga yaabaa?
Annagu dagaal dooni mayno, hadiise nala soo weeraro waan is difaaci doonaa, waxaan doonaynaa oo kale in ay Islaamiyiintu ku laabtaan halkii ay goortii hore ka yimaadeen, si nabad loogaga helo Soomaaliya.
Al-Jazeerana waxaan leeyahay dhinac hala jirsanina, ugu yaraan waxaan idinka filaynaa in aad noqotaan dhexdhexaad, waxaan kaloo idinka codsanayaa in aad joojisaan Cameerooyinkan aad la ordaysaan markii Islaamiyiintu meel Soomaaliya ka mid ah ay qabsadaan, Waanad Mahadsantihiin.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |