Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY




Qays Ducaale. "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Soomaaliya Dagaal


Baan La Galaynaa" Zenawi.

Posted: 11.23.06 05:00 PM

Zenawi-ga Itobiya Oo Balan Qaaday In Uu
Weerari Doono Soomaaliya

Zenawi-ga Itoobiya ayaa la dhawaaqay in uu dhameeyey wax walba oo ay u baahnayd weerer lagu ekeeyo Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in uu si heer sare u agaasimay islamarkaana soo gabagabeeyey hub uruursi uu in muda ahba ku guda jiray, Islaamiyiinta Soomaaliya oo ah kuwa keliya ee aan ilaa iyo imika wax gacan saar ah la lahay Isticmaarka Madow ee ka dilaacay geeska Afrikadda Bari ayaa iyaguna ku balan qaday dhakooda in ay ka difaaci doonaan dalka Soomaaliya Gumaystaha isisoo bahaystay.

Zenawi-ga Itoobiya ayaa isaga oo taa ka hadlaya yidhi "Islaamiyiinta Soomaaliya waxa ay khatar muuqata ku yihiin dahana Itoobiya ee Soomaaliya" isaga oo si wada hadalkiisii ayuu yidhi"Arimahan kasoo cusboonaaday geeska Afrikada bari ayaan lagu xalin karin in awood lagu maquuniyo mooyee", marar hore oo sidoo kale waxaa jiray uu ku baaqay dagaal i n lala galo Islaamiyiinta Soomaaliya walow ay baaqyadaasi ku intihoodeen in uusan halkooda kasoo qaadin.

"Hadii arimahan cudud meletery lagu xalin kari waayo, waxaanu ku qasbanahay wax kasta oo kale oo xal noqon kara in aan marno" Ayuu yidhi Zenawi.

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Lagu Laayay
Gudaha Dalka Soomaaliya

Voy.Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in 6Askarta Itoobiya ah la laayay, halka 20 kalena la dhaawacay, kadib markii ay Islamaiyiinta Soomaaliya weerar la beegsadeen kolanyo ciidamadda Itoobiya ah oo marayay meel u dhow Magaaladda Baydhabo. Waa markii ugu horaysay ee ay Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Ciidamadda Itoobiya iska hor imanayaan, kuwan oo caado ka dhigtay in ay iska soo galaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Waxaa ay wararku intaa ku darayaan in halkaa lagu burburiyay laba gaari oo kuwa ciidamadda gura ah, kadib markii lagu qarxiyay Bambooyinka meelaha fogfog laga hago, arintan ayaa ay goob joogu ku waramayaan in qarxinta Bambooyinkaa lala beegsaday ka hor intii aysan Islaamiyiintu rasaasta ooda oga roggin kolonyadaa Ciidanka ah. Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in labada gaari ee la burburiyay ay sideen 80 ka mid ah Ciidamadda Itoobiyaanka, kuwan oo ku jeeday Baydhabo Oo Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho u jirta 250Km oo xagga Wuqooyiga ah.

Itoobiya ayaan iyadu dafirin arintan oo ku tilmaantay in Cidamaadaa iyo Gawaadhida dagaalka ee laga burburiyey ay u sideen raashin ciidamo kuwooda ah oo ku sugan Baydhabo, sidan ayaa lagu sheegay Qoraal ay wasaarada arimaha dibadda kasoo saartay arimahaa "Dhibaatadda Lasoo gudboonaatay ciidamadda Itoobiya ayaa timi kadib markii Gaari raashin u siday ciidamadda Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya ay ku qaraxday Miino dhulka lagu aasay. Ma uusan jirin wax isku dhac ah oo dhexmaray ciidamadeena iyo kuwa Gobolka"

Dhibaatadda Ugu Wayn Ee
Laga Cabsi Qabo.

Cabdiraxman Cali Muudeey oo isagu u hadlay Islaamiyinta ayaa shaaca ka qaaday oo yidhi "Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya oo ka taliya meelo badan oo Soomaaliya ah, waxay diyaar u yihiin in ay difaacaan sharafta iyo karaamadda dalka iyo dadka Soomaaliya, waxaan ugu baaqaynaaa Itoobiya in ay ka digtoonaato dagaal ka dhan ah Soomaaliya oo ay soo qaado xiligan".

"Annagu dhibaato kuma hayno Itoobiya, joogitaanka ciidamadooda Soomaaliya weeye dhibaatadda ugu wayn ee taala imika, tan oo aan xal lahayn inta ay Ciidamadda Itoobiya ka baxayaan Gudaha Dalka Soomaaliya"

Kulamo Gooni Gooni ah Oo Ku
Jeeda Soomaaliya.

Sidoo kale beryahanba waxaa jiray kulamo gooni gooni ah oo ku jeeda arimaha Soomaaliya, kuwan oo xagga dambe ka riixayo Maraykanka, Ujeeda ka dambaysa kulamadan oo uu ugu horeeyo kan Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay sidii xayiraadda hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, tan oo fududayn doonta in Soomaaliya hub sharci ah loo diro, waa sida uu doonayo Maraykankuye.

Maraykanku Muxuu Ka Doonayaa
Soomaaliya.

Ragg khubaro ah oo fadhigoodu yahay Qaramadda Midoobay ayaa ku waramay in Todobaadka soo socda la hordhigi doono Golaha Amaanka mashruuc ujeedada ka dambaysaa ay tahay sidii Soomaaliya cunaqabataynta Hubka loogaga qaadi lahaa, islamarkaana dowladaha Deriska ah, oo ay Itoobiya u horayso loogu ogolaan lahaa in ay cudud meletery ku xaliyaan dhibaatadda maanta taala Soomaaliya.

Ragga soo diyaariyay Warbixinta la hor dhigi doono Golaha Amaanka ayaa xusay in Warbixintan ay xambaarsantahay umuuro badan oo soo kala horjeeda, dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran oo hub loo tahriibiyay, iyo Islaamiyiinta oo la sheegay in ay hub casri ah ka heleen dalal badan oo dunida ah.

Gudiga hadaba loo saaray Arimahan ayaa ka kooban ninka horjoogaha u ah gudiga oo u dhashay Bilgam, iyo dalalka Maraykanka, Kenya iyo Kolombiya oo xubno jogta ah ka ah gudiga howshan loo saaray iin ay ka shaqeeyaan.

Voy + NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Keligii Taliye Zenawi
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Yaa Nacaybkan Ku Beeray? Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Bu'aale Oo La Qabsaday Akhri+
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
Digniinta Maraykanka Ma Saacidi Akhri+
Ragga Baydhabo Oo La Badbaadshay Akhri+
Puntland & Somaliland Oo La Qaban Doono Waqti Dhow Akhri+
Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
Qabsashadda Baydhabo Akhri+


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.