Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa ku balanqaaday hadii ay Maraykanka iyo xulufadiisu ansixiyaan ka qaadida Soomaaliya cunaqabatayntii hubka ee la saaray 91kii kadib burburkii dowladdii Soomaaliya, ay iyaguna ku marti gelin doonaa Soomaaliya dhamaan Islaamiyiinta jihaad-doonka ah ee dunida.
Qorshahan oo maraykanku wato ayaa isagu inta la ogsoonyahay banaynaya soo gelinta Soomaaliya hub iyo ciidamo ajnabi ah, siyaabo badan oo kala duwan ayay u arkaan khubaradda Qaramadda midoobay marka laga hadlayo go'aankan uu imika Maraykanku doonayo in la ogolaado waqti ka mid ah Caawa oo Arbaca ah,
Inta badan goobjoogayaasha ayaa go'aankani waxa uu ola muuqdaa Maraykankii oo doonaya in uu ka aar goosto dhaawicii iyo dhagxumadii ay Soomaalidu u gaysteen 93sagaashankii Waqtigaa oo Maraykanku Soomaaliya xoog ku galay.
Jihaad-Doonka Oo Janno
Loo Sheegay.
Sh.Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha Cadde" oo ah mas'uul sare oo ka tirsan Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa la dhawaaqay waqti lagu dibad baxayay Maraykanka oo yidhi "Hadii qaramadda midoobay ay qaado cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, waxaanu Soomaaliay ugu yeedhi doonaa dhamaan Islaamiyiinta Jihaad-doonka ah ee DUnida ku dhaqan, waxayna ka dagaalami doonaan dhinacayaga"
Sh.Siyaad oo aad u qiiraysnaa ayaa ku dhiiraday "Sida ugu dhaqsaha badan baan u hirgelindoonaa arintan, oo keliya waxaanu sugaynaa inta lagaga dhawaaqo cunaqabatayntii Soomaaliya ee hubka oo lalaalo, waxaanan hubaa in dhamaan Islaamiyiinta dunidu ay usoo sarakici doonaan ajiibida martigelintaa".
Go'aankan lagu doonayo in lagu qaado qayb ka mid ah cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ayaa dhanka kale looga golleeyahay sidii ciidamadda Itoobiya ay u banaysan lahayeen dagaal ay la galaan Soomaalida tabarta daran ee Soomaaliya.
Xukuumadda naflacaariga ah ee Cabdulaahi Yuusuf-ka aan awooda lahayn ayaa iyadna uqaylo dhaansatay saxiibada aan la isku hubin (Ciidamadda Itoobiya), kuwan oo ay maciin biday.
Qaylo Walatay Judhiiba.
Wararka ka imanay goobaha ay sida wayn u joogaan ciidamadda Itoobiyaanka ee gudaha Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaanadda miyi iyo magaalaba ay geysteen dhibaatooyin aan xad lahayn sida.
- Qalashadda Xoolaha Reer-guuraaga
- Kufasashadda Gabdhaha Soomaalida, Arintan oo salka ku haysa dardaarankii Xayle Salaase ee "Kufsada gabdhaha Soomaalida waxay dhalaan meel idinka tagi maayaane"
- Bililiqadda iyo boobka hantida Magaalooyinkii ay soo galeen Iwm.
Arimahan ayay dad badan oo Soomaalida ahu aaminsanyihiin in ay mas'uul ka yihiin dagaal oogayaasha wadanka xooga ku haysta ee jecel Tigreega tiradda yar ee gumaysiga cadi u cabiidiyo Itoobiya.
Dhacdooyinkan oo ay taariikhdu xusi doonto, ka horna dadkii dadkaa dhalay ay xisaab ola fadhiyaan ayaa la odhan karaa waxaa mas'uuliyadeeda si gooni ah u leh, Cabdulaahi Yuusuf, Geedi, Cadde Muuse, Cabdiqaybdiid iyo in kale oo uu xiligu sheegi xusi doono.
Muqdisho Oo Ka Biyo Diiday Gumaysi
Hor Leh oo Lagu Bahdili doono.
Dibad bax xoogan ayaa saaka ka dhacay Xarunta Soomaaliya Muqdisho, kan oo uujeedada laga leeyahay lagu sheegay joogitaanka ciidamadda Itoobiyaanka oo gobolo badan oo Soomaaliya ah lagu soo dhaaweeyey.
Sida ay kusoo waramayaan goob joogu waxaa saaka aroortii lagu arkayay meelahaa lagu dibadbaxayay, haween Soomaaliyeed oo xijaaban, kuwan oo wata qorayga loo yaqaan AK47, arintan ayaa lagu tilmaamay in ay astaan u tahay in dagaaladan imika lala galayo codowga Soomaaliya ee Itoobiya mid loo dhanyahay.
Gaalkacyo Oo Laga
Qaxay.
Maalmahanba waxaa Magaaladda Xarunta u ah Gobolada Mudug ee Gaalkacyo ka soconayay qax ay Islaamiyiintu intooda badan ka cararayeen Magaaladda, Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii uu Cadde Muuse oga baxay heshiis la sheegay in ay wada saxiixdeen Islaamiyiinta iyo Cadde, islamarkaana uu Cadde Muuse iyo kooxdiisa ay kusoo dhaweeyeen cadowga Soomaaliya Itoobiya gudaha Magaaladda Gaalkacyo.
Wararka ka imanaya Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in ay Magaaladda oo dhan hareereeyeen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwan oo jidgooyooyin dhigay labada koontarool ee magaaladda laga soo galo iyo Cusbitaalka Magaaladda.
Dadka ku nool Gobolka ayaa argagax ku sugan tan iyo intii ay ciidamadda uu Cadde Musse iyo kooxdiisu hogaaminayeen soo gaareen Magaaladda Gaalkacyo, waxaa iyadna xusid mudan in dib loo xusuusto wixii ay ciidamadda Itoobiyaanku ku dhigeen haweenkii Gobolka Gedo labadii todobaad ee ay haysteen carigaa.
Islaamiyiinta Oo Cadowga Madaafiic
Ugu Jawaabay.
Ciidamadda Itoobiya ee la soo tubay xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa saaka aroortii werar madaafiicda cidhka ah kusoo qaaday Magaaladda Bandiiradley, halkaa oo fadhiisan u ah Xoogaga Islaamiyiinta oo iyagu ka taliya inta badan dhulka Soomaaliya.
Sh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Golaha Fulinta ayaa yidhi isaga oo la hadlayay boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwan oo dibad bax ka samaynayay caasimadda Muqdisho "Waxaa imika igu soo dhacaya warar sheegaya in cadowga Soomaaliya ee Itoobiya uu weerar kusoo qaaday Bandiiradley(oo u jirta Xarunta Soomaaliya 630Km). isaga oo sii wada hadalkiisa ayuu misana yidhi "Taangiyadda Cadowgu waxa ay isku dayayaan in ay hareereeyaan Bandiiradley, imikana waxa ay u jiraan 10Km oo kleiya".
Afhayeen u hadlay madaxa xoogaga Islaamiyiinta ee gobolka Mudug ayaa isaguna sheegay in "Islaamiyiinta Soomaaliya iyo cadowgu ay isdhaafsadeen madaafiicda goobka, waxaa xagooda naga soo gaaray 12Madfac, annaguna intaas oo kale ayaan u dirnay".
Maxamed Axmed Jumcaale oo ku sugan goobta ayaa sugay in dagaal aan sidaa u buudhnayd uu ka dhacay saaka aroortii beel u jirta Bandiiradley 10Km, arintan ayuu ku tilmaamay Jumcaale in ay astaan u tahay Dagaalkii Oo Bilowday, walow aysin wax dhaawac iyo dhimasho ah aan lagu sheegin goobaha madaafiicda la isla dhacay.
Bandiiradley Goob
Dagaal.
Bandiiradley ayaa u gacangashay 12/11/2006 Islaamiyiinta Soomaaliya oo inta badan ka taliya dhulka Soomaalida, magaaladan oo ay gacanta ku hayeen Ciidamo isugu jira kuwa Cabdiqaybdiid, Cadde Muuse iyo Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwan oo markii dambe si xun loo dhabar jebiyay, isla xiligaa waxaa laga qabtay gaashaanbuurtaa ciidamo Soomaali ah iyo qalab kuwa Meleteriga ah.
Islamaalmahaa waxaa loo celiyay gaashaanbuurta isu soo bahaysatay la dagaalanka Islaamiyiinta koox dhaliinyaro Soomaaliyeed ah, kuwan oo markii dambe u sheegay xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugan jiida hore ee dagaalka in lasoo qalday, oo loosoo sheegay in ay la dagaalamayaan cadow, qaar isla xiligaa kusoo laabtay badhihii ay goortoo hore ka duuleen oo kuwaa lasoo daayay ah, ayaa sheegay in ay u gacan galeen dhaliinyaro reer Puntland, halkii goortii hore lagu soo dagaal geliyay in ay qabiil soo duulay la dagaalamayaan.
Maraykankii Oo Argoosi
Doonaya.
Todobaadkan ayuu Maraykanku si aan inabba caadi ahayn u muujiyay doonistiisa ku jeeda sidii cunaqabataynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, iyadda oo uu ku tilmaamay ujeeda ka dambaysa taa sidii ciidamo ka tirsan gobolka iyo hubkooda loogu soo daabuli lahaa Soomaaliya.
Diblomaasiyiin dhowr ah oo aan jeclaysan in la xusida magacooda, ayaa ku waramay in aan weli si dhan la isugu raacin, waxaa ay inta badan dadka Indhadheeya Siyaasadda Soomaaliya ay sheegayaan in u jeedada go'aankan ay tahay oo keliya sidii loo debcin lahaa cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, tan oo saarnayd marka laga soo bilaabo sagaashameeyadii.
Isla qoraalkan uu doonayo Maraykanku in uu horgeeyo qaramadda midoobay ayaa ay sheegayaan goobjoogayaashu in uu qayb ka yahay sidii loo sharciyeyn lahaa joogitaanka cadowga Soomaaliya "Itoobiya" gudaha Soomaaliya.
Safiirka Maraykanka ee Qaramadd Midoobaby John B, ayaa yidhi mar waxlaga waydiiyay waxa uu ka ogyahay codsiga uu dalkiisu doonayo in uu horgeeyo Qaramadda Midoobay "Waxaanu weli ku guda jirnaa baadigoobka waxa ay umuurahani ku intahoon doonaan, weli wax sugan ma hayno, waxaan imika doorbidayaa in aanan ka hadlin, laakiin beri iyo wixii ka dambeeya waxaan filayaa in ay noosoo bixi doonaan wax mudan in la sheego".
Digniino Cusub Oo Soo
Baxaya.
Waxaa beryahanba soo baxayay digniino ka dhan ah Colaadda Zenawi-ga Itoobiya uu ka wado Soomaaliya, digniinahan ayaa intooda badan ka imanyay goob-joogayasha marka taa lala akhriyo, Ururka dowliga ah Dhibaatooyinka, warbixin uu ururku soo saaray todobaadkan ayuu ku sheegay in qorshaha Maraykanka uu ku doonayo in cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya uu yahay mid dhibaato wayn salka ku wata, marka lagaba soo tago dahana gaaban ee uu Maraykanku eegayo.
Waxaa kaloo ay kooxdani ka digeen ciidamo ka socda Afrika oo la geeyo Soomaaliya, hadii aan la helin ogolaasha dhamaan dhinacyadda isku haya gudaha Soomaaliya. waxa ay dhiri geliyeen intii loo diri lahaa hub iyo ciidan Soomaaliya in lagu cadaadiyo dhamaan kooxaha isku haya dalka in ay nabadda aqbalaan islamarkaana ay isi soo horfadhiistaan shuruud la'aan.
Jawaabta Maraykanka.
Nin u hadlay Arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in aysan habayaraatee aqbalayn digniinta kooxda, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi "waxaanu arimaha Soomaaliya kala xidhiidhaynaa dalal dhowr ah oo si gaar ah ay arimaha Soomaaliya u quseeyaan, kuwan oo la filayo in ay wax badan ka qaban doonaan umuurahaa cakiran".
Isaga oo hadalkiisa sii wada ayuu misana yidhi "Maslaxadeenu waa in aan aragnaa geeska afrika oo ay danteenii ka hirgashay", waxaanu carigaa ka leenahay buu yidhi dano uu ku tilmaamay in ay hagaagsanyihiin.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |