Wadahadalo Qarsoodi Ah Oo Udhexeeya Marayka iyo Islaamiyiinta Soomaaliya.
Indhawaytaba waxaa jidhay in Askar Mariiniska Maraykanka ka tirsan lagu qabtay dagaal ay la galeen Islaamiyiinta Soomaaliya ee imika
fadhiisinkoodu yahay Koonfurta Soomaaliya, Askartan ayaa warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay tiradoodu tahay toban Askari, kuwan oo
la sheegay mar dambe in uu mid ka dhintay sababta xanuun awgii.
Wadahdalan ayaa ay Maraykanku meel ay u maraan la'aayeen iyo cid la xidhiidhisa Islaamiyiinta ciidamadani ay gacantooda ku jidho, dhowr
jeer oo hore ayay isku dayeen Maraykanku in ay la xidhiidhaan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagu la sheego in uu yahay nin ay aad isugu dhow
yihiin Islaamiyiinta Soomaalida, waxbase kama aysan soo naasa cadaan.
Hadaba wakaaladda wararka ee Yemen SABA ayaa sheegtay in uu beryahanba socday kulamo sadexgeesood ah, kuwan oo ay si dhan oga wada
qaybqaadanayeen Islaamiyiinta, Maraykanka iyo Dowladda Yemen oo iyadu dhexdhexaadinaysay kulmadan, Illaa iyo imika ma jidho war cad oo laga
soo saaray wadahadalan, ama xataa go'aan la isla meel dhigay, walow ay goor hore tahay marka loo eego in ay wax kasoo baxaan wadahadaladan oo
kale.
Islaamiyiinta oo sheegay in ay gacanta ku hayaan 10kan nin ayaa iyaga qudhooda aad moodaa in ay ka biyo diidanyihiin in ay 10Askari hor
keenaan ama usoo bandhigaan warbaahinta Caalamka, Arimahan oo sabab looga dhigay in ay qayb ka tahay heshis bilow ah oo ay la gaadheen
Maraykanka, heshiiskan oo ay qayb ahaan qorayay in uu Maraykanku ka joojiyo Soomaalida Duqaynta Cidhka, iyaguna aysan usoo bandhigin Askartaa
Qalbka Warbaahinta.
Maraykankii Oo Jahawareeray.
Dadka Umuuraha Soomaaliya u dhuun daloola intooda badan ayaa qaba in Siyaadda Maraykanka ee Soomaaliya oo Jahawareersan, ay si aan macne
badan ku fadhiyin u bunbuuninayso Al-Qaacidada ay marwalba Soomaaliya ku sheegaan, tan oo dhalisay bay yidhaahdeen in Maraykanku isticmaalo
Awood Meletery, isaga oo todoba maalmood oo xidhiidh ah hawada ka duqaynayay dad Ree-Guuraa ah.
Duqayntan ayay dad badani tilmaamayaan in uu Maraykanku ku laayaay in badan 110qof oo Reer-Guuraa ah, halka in badan oo hantidoodii ahna
ilaa iyo maanta aan la ogayn halkii ay ku dambaysay, waxaa kaloo reer-guuraaga aagaga Musiibadu ka dhacday ku nool ayaa hadal hayay
todobaadyadii ugu dambeyey in waxaas oo dhami ay oga daranyihiin Yeey-da Tigre-ega ee dhulka yaacaysa oo aan waxba u reebi, xoolo, qalabkii
ay isticmalayeen iyo gabdhahoodii.
Nin ka tirsan Goloha Duqayda Maraykanka ayaa isagu dhaleecayn kulul usoo jeediyay Maamulka Bush, kan oo uu si cad ugu sheegay in aysan
dowladda Maraykanku lahayn Siyaasad cad oo ku jeeda Soomaaliya, tanina ay ka dhigayso in Kooxda Buush ay siday doonaan U dhaqmaan.
Ninkan ayaa isaga oo umuurtan ka halaya yidhi "Bush waxa uu dagaal ola dhaqaaqay Soomaaliya, iyadii oo aysan jidhin Siyaasad hagaagsan oo
laga fekiray oo ku jeeda Soomaaliya" isaga oo sii wada hadalkiisa ayuu yidhi "Ciidamadda Itoobiyaanka ee aad imika Soomaaliya gelisay waxa ay
ka dhigantahay adigii oo Taayaro bilaa faras ah haysta".
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |