Voy. Si cad oo aan gabasho lahayn ayuu u weeraray Gudoomiyaha Baarlamaanka soo kala horjeeda Sh. Xassan Sh. Aden Zenawiga Itoobiya, waxa uu ku eedeeyay in uu doonayo in aysan Soomaaliay weligeed cagadhigin, arintan ayaa ka dambaysay kadib markii Zenawiga Itoobiya uu usoo diray ciidamo gaaraya 15.000 oo askaro oo Tigre-ega uu kasoo jeeda ah.
Gudoomiyuhu wuxuu Zenawi ugu yeedhay in uu ciidamadiisa sida ugu dhaqasaha badan oga qaato Soomaaliya bilaa shuruud. Islamarkaana fursad la siiyo wadahaladda la filayo in ay wada galaan Islaamiyiinta iyo dowladda cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, kuwan oo lagu qaban doono xarunta dalka Suudan ee Kharduum.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Ciidamadda Tigreega ee Soomaaliya jooga ay sida ay doonaan u mushaaxaan dariiqyadda iyagoo nadab qaba, "Zenawiga Itoobiya hubka ayuu Soomaalida isugu dhiibi jiray maanta wax ka qaata markii uu waayaayna isagii baa soo galay gudaha Soomaaliya oo doonaya dadka in uu baabi'iyo" ayuu yidhi gudoomiyuhu.
Gudoomiyaha oo aad u caraysnaa ayaa dunida u sheegay in "Hadii uu maant adagaal ka qarxo Soomaaliya uu gaari doono dhamaan dalalka dersika ah, mas'uuliyadda dagaalkaas waxaa yeelan doona Itoobiya iyo Zenawiga u taliya".
Shariff Adan waxaa kaloo uu gaashaanka ku dhuftay warqad qoraal ah oo la sheegay in Maraykanku usoo gudbiyey Golaha Amaanka, qoraalkan oo lagu codsanayay in ciidamo deriska ah la geeyo Soomaaliya, iyo in cunaqabataynta hubka lala laalo, arintan ayuu Shariifku ku tilmaamay in ay tahay mid nabadda Soomaaliya dhibaato wayn u gaysan doonta.
Shariifka ayaa sidoo kale waxa xusay in arimaha Soomaaliya aan marnaba awood ciidan lagu xaliyi karin, waxaanu ka digaynaa buu yidhi markale in golaha amaanku uu ogolaado in cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya, waayo waa mid lagu banaysanayo kusoo daabulida gudaha dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ugu dambayntii waxa uu gudoomiyuhu ku baaqay in miiska wada hadaladda la isugu soo laabto, si buu yidhi arimaha Soomaaliya ee cakiran nabad loogu dhameeyo.
Kooxda Baydhabo Oo Uu Rajo
Geliyey Baaqa Bush.
Kooxda ayaa aad usoo dhaweeyey barnaamijka Bush-ka sii socda uu usoo gudbiyay Golaha Amaanka, kan oo la filayo in maalinta Isniinta ah la horgeeyo golaha, ujeeda ka dambyasa barnaamijkan ayaa lagu sheegay in loola jeedo tabantaabo lala doonayo kooxda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, kooxdu tan iyo intii loosoo daabulay gudaha Soomaaliya waxa ay halgan adag ugu jireen sidii ay u sugu lahaayeen jiritaankooda.
Cali J. Jengeli oo ka tirsan Kooxda ayaa ku hadlay "Ujeedadeenu waa ay cadahay, annagu waxaan nahay kuwa keliya ee doonaya in ay arkaan hadaladan oo fal loo bedelay, waayo dan baa noogu jidha".
Waxyaabaha ugu mudan in la xuso ee ku jira Barnaamijkan ayaa ka mid ah.
- In la isgarab taago kooxda Baydhabo
- In laga qaado cunqabataynta hubka oo Soomaaliya lagu soo rogay 14kii sano ee ugu dambeeyey.
- In lagu taageero Hub, Tababaro iyo Ciidamo laga keeno dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Ereteria.
- In ay joojiyaan Islaamiyiinta Soomaaliya isbalaarinta iyo rajadda ay ka qabaan in dhulwaynihii Soomaaliya oo dhan ay gacanta kusoo dhigaan.
- In ay Islaamiyiintu iska fogeeyaan kuwa sida tooska ah xidhiidhka ola leh Argagixisadda ee iyagga ka tirsan.
Nin u hadlay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa isagu ku tilmaamay umuurtan uu Maraykanku iska maamulanayo in aysan ahayn mid isaga u taala, gaar ahaan in Soomaaliya ciidamo ajnabi ah loosoo diro, waxa uu si cad ugu sheegay dhamaan dunida oo dhan in Ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya oo Ajnabi ah ay la dagaalami doonaan, waxa ay dooniba ha ku qaadatee.
Ereteria Oo Ka Digtay
Haantaawilif.
Dowladda Ereteria ayaa ka digtay haantaawilif si dhan u samaaye dhulwaynaha Soomaaliya, hadii uu golaha Amaanku uu ku raaco codsiga Maraykanka ee ku jeeda sidii Gudaha Dalka Soomaaliya loogu daabuli lahaa Hub iyo Ciidan ka badan inta uu imika la ciirciirayo.
Ujeedada Maraykanka ayaa goor sii horay lagu sheegay, taakulaynta dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran oo imika qatar ugu jira in laga qaado fadhiisinka aan 20Km dhamayn ee ay ku leeyihiin Baydhabo, xarunta gobolka Bay oo iyadu u jirta xarunta Soomaaliya 280Km.
Islaamiyiinta Soomaaliya ee iyagu ka talaiya inta badan dhulka Soomaaliya ayaa ay ahayd magaaladii ugu dambaysay ee ay qabsadeen Diinsoor 00 110Km u jirta Baydhabo.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Ereteria ayaa loogu baaqay xubnaha golaha amaanka in ay ka reebtoomaan u codaynta go’aan walba oo ka dhan Nabadda iyo Nabadgelyadda gobolka.
Warbixintan oo ay Asmara si toos ah ola hadlaysay xubnaha golaha amaanka ayaa lagu yidhi “faragelin kasta oo ka timaada dibaadda Soomaaliya ayaa si baaxad wayn u haligi doonta, wax walba oo wanaag ah oo laga fili karay Soomaaliya, islamarkaana ay suuragal tahay in ay imika huriso dagaal sokeeye oo hor leh”.
Diinsoor Oo Islaamiyiinta
U Gacan gashay.
Iyadoo ay weli socoto waanwaanta lagu doonayo in ay isku afgartaan Kooxda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran iyo Islaamiyiinta Soomaaliya, ayaa ay dhanka kale Islaamiyiintu sii wadaan qabsashadda gobo ay horay oga taliin jireen kooxda Baydhabo.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Islaamiyiinta Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Maanta Magaaladda Diinsoor oo dhacda 280Km koofur galbeed Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo uusan wax dhiig ahi ku daadan halkaa .
Sh.Cabdirxam Cali Muudey oo u hadlay Islaamiyiinta ayaa sheegay inay Diinsoor gacanta ku dhigeen, waxaanu wadaa imika buu yidhi xeelado dagaal, kuwan oo loogaga sii tilmaan iyo tusaale qaadanayo sidii darsi adag loogu dhigi lahaa cadow walba oo soo damaaciya goobaha aan imika ka talino, arintan oo ay garab socoto sidii aan isugu sii balaariin lahayn dhamaan dhulwaynaha Soomaaliya.
Kooxda baydhabo ayaa iyagu dhaleeceeyey isbalaarinta Islaamitiinta, Madoodbe Noonoow oo u hadlay kooxda ayaa yidhi “Islaamiyiintu waxay kusii jeedaan qabsashadda dhulal cusub, qabsashadda diinsoor waxa ay noqon doontaa mid umuuraha imika socda sii murjisa”.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |