Golaha Amaanka Oo Ogolaaday Ciidamo Afrikaan Ah Oo Soomaaliya La Geeyo
Golaha Amaanka ayaa ogolaaday in Soomaaliya la geeyo ciidamo Nabad Ilaalineed oo afrika ka yimaada, sababta ayaa lagu sheegay xoojinta iyo in laga qayb qaato sidii ay kooxda Baydhabo ee awooda daran isugu balaarin lahayeen Soomaaliya.
Go'aankan oo si dhan loo wada ogolaaday, ayaa lagu laalay dhamaan cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo 1992kii, ujeedada ka dambaysay arimahan is wada huwan oo dhan ayaa la isla gartay in ay qayb ka yihiin Dunidii oo maanta Soomaaliya ka walwalsan xaladaha ka jira oo ah in ay Illahay garatay, islamarkaana ay dhaliinyaradeedii usoo jeesteen sidii ay dalkooda iyo diintooda u saacidi lahaayeen.
Qaramadda Midoobay ayaa indhawaytaba sheegayay in cunaqabtayntan ay ku xadgudbeen dalal badan oo dunida ah, tanina ay keentay waa sida ay u sheegeene in Islaamiyiintu qabsadaan inta badan dhulka Soomaaliya, iyagga oo imikana hamigooda ugu badani yahay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhamaan dhulyowga af-ka Soomaaliga lagaga hadlo.
Maxaa Kala Gaadhi Doona
Maraykanka ayaa soo amaamuday wax uu ku tilmaamay caadifadda uu la hayo Soomaaliya xiligan kala guurka ah, oo ay umuuqato inay cidwaliba danteedii garatay, waxaa iyaguna aan habayaraatee iswaydiin maxaa kala gaadhi doona ciidamadda loo wado Soomaaliya iyo Islaamiyiinta baraarugsan oo dowr wayn ka ciyaadhay meel marinta go'aankan Sadexda Dal ee Xubnaha ka ah Golaha Amaanka Kongo, Gana iyo Tanzania.
Go'aankan la ansaxiyay imika ayaa ogolaanaya in Soomaaliya la geeyo 8000 oo askari, kuwan oo uu hagi doono Urur Goboleedka IGAD. Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa isla Go'aankan lagu faray in ay joojiyaan rajadda ay ka qabaan in ay Soomaaliya oo dhan isku balaadhiyaan, iyo in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadaladda si wax walba loogu dhameeyo wada xaajood.
Islaamiyiinta Oo Ka Digay Qabsashadda Soomaaliya
Isniintii ayay Soomaalidu intoodii badnayd dibadda usoo bexeen iyaga oo ka biyo diidan Hubka iyo Ciidamadda uu doonayo Maraykanku in uu kusoo daabulo gudaha Dalka Soomaaliya, iyo ciidamo Tigre ah oo indhawaytaba lagu arkayay goobaha ay ka taliyaan ragga sida wayn daacadda ugu ah Zenawi-ga Itoobiya, sida Goboladda Wuqooyi Bari(Puntland), Wuqooyi Galbeed(Somaliland) iyo Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo oo iyadu fadhiisin u ah Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran.
Go'aankan Oo La Dhaleeceeyey
Go'aankan ayaa ay si ba'an u dhaleeceeyey qaar ka mid ah hay'ado aan dowli ahayn, iyaga oo Maraykanka ku eedeeyey in uu ujanjeero dhinaca kooxda Baydhabo, Maraykankuna aad buu qudhiisu u difaacay go'aankan oo ilaa iyo imika aan la ogayn danta uu ka leeyahay, walow isagu uu ku tilmaamay in joogitaanka Ciidamaddan ay qayb ka noqon karto is-hortaaga dhibaato baahda oo ka dhacda Gobolka Geeska Afrika oo dhan.
Islamiyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka digay in Soomaaliya la keeno ciidamo Ajnabi ah, arintan ayayna ahayd sababtii ay u burbureen wadahadalii u dambeeyey ee Islaamiyiinta iyo kooxda cabdulaahi Yuusuf-ka dagaalka adag ugu jira sugitaanka jiritaankooda ee gudaha Soomaaliya.
Cali Geedi Oo Islaamiyiinta U Yaboohay Dagaal Xoogan Oo Lagu Hoobto. Maqal+
Sheegashadda Kooxda Baydhabo Qabsashadda Diinsoor Iyo Dagaal Lawada Saadaaliyay
Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran ayaa ay kasoo baxayaan warar sheegaya in ay gacanta ku dhigeen Magaaladda Diinsoor oo u jirta xarunta gobolka Bay ee Baydhabo 120Km, Diisoor waxa ay Istiraatiiji ugu tahay dagaaladda imika ka socda carigaa. Todobaad ka hor ayay Islaamiyiinta Soomaaliya u gacan gashay, wararka ka imanay agoobta imika ayaa sheegay in ay Islaamiyiintu kusii siqayaan Qansaxdheere iyo Ufuroow.
Nin u hadlay kooxda bayshabo ayaa isagu sheegtay in ay Magaaladda Diinsoor gacanta u gashay dagaal qadhaadh oo aagaa ka dhacay, kan oo ay la galeen Islaamiyiinta Soomaaliya, waxa kaloo uu ku waramay in dagaalkani uu khasaaro ba'an soo gaadhsiiyay labada dhinacba, walow ay Islaamiyiintu khasaaro badnaayeen, waxaa kaloo jidhay halkaa waa sida uu sheegataye ragg Islaamiyiin ah oo ay dagaalkaa ku qafaasheen.
Islaamiyiinta Oo Been Abuur
Ku Tilmaamay.
Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa wararkaa kasoo yeeray kooxda Baydhabo ku tilmaamay wax aan jidhin, islamarkaana ay iyagu gacanta ku hayaan Diinsoor, wax dagaalo ah oo aagagaa ka dhacay oo aan ognahay ma jiraan ayuu yidhi Nin Islaamiyiinta oga hadlay Magaaladda Diinsoor.
Kadib goortii ay Islaamiyiintu gacanta ku dhigeen Magaaladda Diinsoor ayay kooxda Baydhabo balan ku qaadeen in ay soo ceshan doonaan Magaaladda oo ay qirteen in ay Islaamiyiinta u hoyatay, walow aan ilaa iyo imika wax fal ah oo ku jeeda taa aan laga arag.
Abaal La Isku Ulayn Doono.
Waxaa kaloo isla todobaadkan jiray warar sheegayay in Ciidamadda Itoobiyaanka oo iska mushaaxayay beryahanaba gudaha Dalka Soomaaliya ay u balan qaadeen in ay kooxda Baydhabo u qaban doonaan Diinsoor iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya. waaba hadii ay dhacdo e "Ayaa Yidhi Nin Baa Abaal Loo Geli Lagu Ulayn Doono"
Cali Geedi oo arimahan ka hadlaya yaa yidhi "Dagaal ka fursan mayno oo waa uu dhici doonaa, Aad baan ugu kalsoonahay in uu derisku nasaacideyn doono gaar ahaan Itoobiya", Isaga oo ka hadlayay Xarunta Itoobiya ee Adisabab, islamarkaana wakiil ka ah Zenawi-ag Itoobiya ayuu mar kale yidhi "Xaaladda Soomaaliya imika waxay u dhaxaysa Nabad iyo Dagaal, annaguna waxaan ku raacsanahay Itoobiya sida ay doonayso, dagaal in aan la galno Islaamiyiintana waa ay naga go'antahay, dariiqadda keliya ee aan dagaal oga baaqsan karnaa waxaa weeye in ay Annaga nasoo raacaan"
Geedi waxaa kaloo uu tilmaamay sida loo diyaariyay ciidamadda la doonayo in ay weerarka ku qaadan Soomaaliya, oo uu sheegay in qaybo badan oo Soomaaliya ah laga soo gelin doono, imikana waxay diyaar u yihiin in ay shaqo fiican ka qabtaan Soomaaliya ayuu hadalkisii kusoo ebyey.
Cabsi Laga Qabo Dhimasho.
Iyadoo laga duulayo in aan loosoo dhicin kooxda Baydhabo ayaa ay qaateen talaabooyin ay ku tilmaameen in ay amnigooda ku sugayaan, waxaa laga mamnuucay in ay soo galaan Baydhabo dhamaan gawaadhidda yaryar ee ka imanaya Xarunta Soomaaliya Muqdisho.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa ay Ciidamadda Itoobiyaanku ku laayeen dad Soomaali ah meel ujirta gudaha Magaaladda Baydhabo in ka yar 9Km, halkaa oo ay rasaas nooca culus ah ooda oga rogeen dad socota ahaa oo iyagu ka yimi Muqdisho oo iyadu dhacda 250Km.
Wax ka yar sadex bilood ayay ahayd markii uu Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran uu ka badbaaday dil la doonayay in lagaga takhaluso, kadib markii gawaadhi bam lagasoo buuxshay laga horkeenay gaadhi uu saarnaa, Qaraxan ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kuu ugu yaabka badnaa inta la ogyahay Soomaaliya.
Dhamaan Umuurtan ayaa lagu tuhmay Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaguna waxa ay sheegeen in aysan falalkan ka suuroobin marka laga reebo Askarta fara dhaaftay ee uu Cabdulaahi Yuusuf-ka tabrta darani kasoo buuxiyay gudaha dalka Soomaaliya, kuwan oo qudhooda damcay in ay ka takhalusaan marar badan oo hore, arintan ayaad oogaan kartaa oo keliya hadii aad dib u akhrido Colaadda 500 oo qarni jirka ah e u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Voy + NAgency
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |