Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Dr. Omar O Rabeh. "Soomaaliyeey yaan la quusan, Guusha Muslimiinta ayaa ugu dambynta leh, Hadii cidi dhumaysana gumaysiga iyo dadkiisa ayaa dhumi, Qashinku wuu iska tegi doonaa, Illahay baa sidan Muslimka xaqiiqadda ah U yaboohay" Dr. Omar O Rabeh. Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Gaashaanbuurtu Wayjabayaan


Wayna Carari Doonaan, kadibna Jahanamo Ayaa Lagu Guri Doonaa.

Posted: 09.12.06 04:29 PM

Dagaal Mar Kale Ka Bilowday Meel Baydhabo
U Jirta 45Km Oo Keliya.

Dagaalo shanta la isula tagay ayaa laga soo sheegayaa meelo badan oo koonfurta Soomaaliya ah, kuwan oo dhaawac iyo dhimashaba gaystay, dagaaladan ayaa shalay iyo maantaba socday, kadib markii ciidamadda Tigree-ga ay weerer ku soo qaadeen xarumaha Islaamiyiinta, oo iyagu dhaca meel u jirta xarunta gobolka Bay ee Byadhabo 45Km oo keliya.

Warfidiyeen ku sugan goobaha dirirtu ka soconayso ayaa sheegay in goobtaa lagu arkay 15qof oo mayd ah iyo 18Dhaacac ah, wakaaladda wararka ee AP oo goobjooga xiganaysa ayaa tidhi "Waxay goob joogu arkeen dad ku dhintay melahaa dagaaladu ka dhaceen, kuwan oo markii dambe loo qaaday xagaa iyo baydhabo"

Dagaaladan oo hubka noociisa culculus la isu adeegsaday ayaa ka bilowday tuuladda Maadooy oo dhinaca ku haysa Safarnoolays, kuwan oo dhamaantooda dhaca meel u jirta 45Km Koonfurta Baydhabo.

Laba Hogaamiye oo sarsare oo labaduba ka tirsan Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Ismaaciil Idow iyo Sh. Maxamed Ibrahim Bilaal ayaa sheegay in dagaalku imika uu ku simanyahay goobahaa lasoo tilmaamay, islamarkaana ay Baydhabo u jiraan oo keliya 45Km, dagaalka ayay ku sheegeen in uu bilwoday kadib markii ay tigreedu soo weerareen fadhiisimadda Islaamiyiinta ee SafarNolays.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa iyadna soo xigatay goob joogayaal sheegay in ay arkeen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwan oo dib oga soo gurtay Islaamiyiinta ayaa soo gaaray duleedka magaaladda Baydhabo Maanta, iyaga oo wata 20Gaari oo kuwa ciidamada gura ah, iyo gawaari yaryar oo ay madaafiicda goobtu ku xidhanyihiin.

Kooxdii Oo Soo Kala Horjeesatay.

Kooxdii dagaalka kasoo qaaday Baydhabo ayaa ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo, oo laga helayo qaraabadda Barre Hiiraale in uu khilaaf wayni soo kala dhexgalay isaga iyo ninka hogaamiyana Ciidamadda Tugreega ah Abache, Abache ayaa ku edeeyey Hiiraale in isaga iyo ciidankiisu ay ka cabsanayaan Islaamiyiinta, halka Hiiraale uu sheegay in Abache uusan ahayn hogaamiye geesi ah.

Waxa uu warku intaa ku darayaa in markii uu dagaalku bilowday sacad kadib uu ku handaday Abache hiiraale in uu dagaalka isaga baxayo hadii uusan hiiraale nimanka si wanaagsan isaga celin, siday dooniba ha noqotee wararkii ugu dambeeyey ee ka yimi Baydhabo ayaa sheegaya in uu saacadaha soosocda kusoo beegan yahay Baydhabo mas'uul sare oo Tigree ah, kan oo qorshihiisu yahay xalinta khilaafka imika taagan.

Islaamiyiinta Oo Sugaya In Baydhabo Lagu Casuumo

Mas'uul sare oo u hadlay Islaamiiyiinta ayaa isaguna sheegay in ay gaari doonaan waqti walba oo dadka Baydhabo ay u yeertaan, islamarkaana aysan cidna oga haybaysan doonin gaadhitaanka halkaa. walow ay islaamiyiintu si cad u sheegeen in aysan doonaynin in ay qabsadaan Baydhabo hadii aysan duruuftu u yeedhan oo aan lagu qasbin.

Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa iyagu ka taliya inta badan dhulka Soomaalida, arintan oo aad oga caraysiisay keligii taliye Zenawi, oo waagii hore koox dagaal oogayaal ah ay u joogeen Soomaalia, kuwan oo uu soo siin jiray hubka si ay ugu dabarjaraan Ummadda Soomaaliyeed, falalkan ayuu oga gollahaa in uu ku ebyo dagaalkii Shanta Boqol ee Sano, marba hadii uu uhelay Soomaalida wax gumaada isaga oo aysan cidina oga dhiman.

Ashahaado La Dirirkii Qaar Baa Harsan

Ragii howsha noocaas ah Zenawi u hayay fadliga Illaahay Islaamiyiintaa cagta mariyay, walow ay jiraan meelo badan oo Soomaaliya ah oo ay ku harsanyihiin sida Goboladda Wuqooyi Bari(Puntland) iyo Wuqooyi Glabeed(Somaliland), kuwan oo maalin walba si cad ola jahra dhibaatadda ay ku hayaan shacabka goboladda, islamarkaana dhunsada hanti wixii ay dadkaasi lahaayeen, marka laga reebo inta ay Tigreega laaluushka u siiyaan.

Dad badan oo Soomaalida goboladaa ah ayaa lahaa iyagana waqtigooday sugi, waxaanad moodaa in ay bilaabatayba kadib markii salaadii jimcaha ee shalay ay kooxda Cadde Muuse ka codsadeen qaar ka mid ah khadiibyadda Magaaladda Boosaaso in ay tusaan waxa ay doonayaan in ay dadka u sheegaan, arintan oo ka caraysiisay dadkii Muslimiinta ahaa ee isugu yimi masaajidaa, tanina ay dhalisay dagaal xabad la isu adeegsaday.

Maxaa Xigga?

Maxaa xiga? Aan u dayno waqtigaa sheegi doona hadii Eebbe Yidhaahdo.

Voy + NAgency
___________

Akhri Wararkan Kale

  1. Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka! Akhri+
  2. Cabsi Laga Qabo Dagaal! Akhri+
  3. Digniinta Maraykanka Akhri+
  4. Ragg La Badbaadshay Akhri+
  5. Pland/Sland Oo La Qaban Doono Akhri+
  6. Baydhabo Oo Go'doonsan Akhri+
  7. Qabsashadda Baydhabo Akhri+

Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Gabadh Doonaysa Inay Dalkeeda Iyo Diinteeda U dhimato.
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Sh.Cali Warsame Oo Abaalgud Ka Codsaday S/Land-ta. Akhri+
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Itoobiya Ciidamadeda Ha Kala Baxdo Maqal+
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Guusha Som. Minnesota. Akhri+
Haantaawilifka Baydhabo Akhri+
Gudoomiyaha Bar. & Muqdisho. Akhri+
Islaamiyiinta Oo La Dhaleeceeyey Akhri+
Eedeynta Dowladda Baydhabo. Akhri+
Burburka Madasha Kharduum. Akhri+
Kooxda Baydhabo Oo Isdiidan. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.