Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY




Qays Ducaale. "Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Nashiidka
Todobaadkan

Nashiidka Todobaadkan waxaa lagu magacaabaa Illahay Baa Nagu Filan goor walba Maqal+
Sidee Uqaabilnaa Ramadaan
Sida qoran marka bishan la' arko, waxaa laga doonayaa qofwalba oo Maqal+
Cabdulaahi Yuusuf


Oo Dunida Gaadhsiiyay In Uusan Nabad Doonayn.

Posted: 12.11.06 01:00 AM

Cabdulaahi Yuusuf Oo Ku Xidhay Heshiis Lala Galo Islaamiyiinta Ka Bixidda Goobaha Ay Ka Taliyaan

Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, ayaa ku hadlay maanta isaga oo jooga Xarunta Dalka Yemen ee Sanca, in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galao Islaamiyiiinta Soomaaliya, si nabad buuxda loogaga dhaliyo Soomaaliya. Si ay tani u suura gasho waa in ay dib ogaga laabtaan dhamaan goobaha ay ka taliyaan imika.

Yuusuf ayaa yidhi waqti uu la hadlayay Cali Salix madaxwaynaha dalka Yemen "Ma garan karno waxa ay ku heshiiyeen Islaamiyiinta iyo Madaxa Baarlamaanka. Waxaanse shaki ku jirin in heshiiskani uu yahay mid aysan dowladaydu ogolayn"

Booqashadan Yuusuf ayaa ka dambaysay kadib markii uu Saalax goostay in uu ka qayb qaato sidii loo heshiisiin lahaa Islaamiyiinta iyo dowladda Yuusuf-ka tabarta daran. Saalix waxaa uu horay oga qayb qaatay wadahadalo lagu heshiisiinayay Yuusuf iyo Shariif-ka Baarlamaanka, oo goor sii horaysay fooda isdaray, iyadoo heshiiskii kama dambaysta ahaa lagu saxiixay Magaaladda Cadan.

Sidoo kale waxaa heshiiska uu la galay Godoomiyaha Baarlamaanka Islaamiyiinta gaashaanka ku dhuftay ruux u hadlay Dowladda Yuusuf-ka tabarta daran, Afhayeenku waxa uu ku tilmaamay heshiiskaa in uu yahay dhinaca dowladda Yusuf mid aan waxba ka jirin, Islamarkaana aysan aqbali doonin.

Heshiiska Muqdisho.

Islaamiyiinta ayaa ay wada gaareen heshiis Koox ka socotay Baarlamaanka Soomaaliya, kuwan oo uu hogaaminayay Shariif Xassan Madaxa Baarlamaanka kadib markii uu booqasho ku tagay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho horaantii Todobaadkan, heshiiskan ayaa xoogiisa lagu tilmaamay sidii losoo celin lahaa wadahadaladii Kharduum ee burburay kolhore. Sida lagu dhawaaqay waxay kaloo labada dhinac heshiis ku gaareen joojinta dirir kasta oo laga yaabo in ay ka dhex dhacdo laba dhinac, iyo u hub uruursi dhaqdhaqaaq ciidan oo dhibaato hor leh keeni kara.

Islaamiyiinta ayaa iyagu gacanta ku dhigay inta badan dhulka Soomaaliya, Koonfurta, Goboladda dhexe iyo weliba meelo kale oo aan weli si rasmi ah loogaga dhawaaqin, arintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay Islaamiyiintu xoog kaga qabsadeen Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho dagaal oogayaal uu Maraykanku taageeri jiray, dagaalkan oo afar bilood socday ayaa ay ugu dambayntii Islaamiyiintu hanteen inta badan Soomaaliya.

Diblomaasiyiin u dhuun daloola Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay wadahadalladda uu imika Shariif Aadam ka wado Muqdisho ay yihiiin dariiqadda ugu hagaagsan ee nabad lagu gaari garo, ama lagu soo af-jari karo umuurta sida ugu badan la isaga soo horjeeda, tan oo sababi karta dagaal aan waxba la isu reeban oo ay suuragal tahay in uu dhaco ilbiriqsi kasta oo ina soo haya, ciidamaddan oo sida lawada ogsoonyahay ay u dhexeyso oo keliya dhowr kiloomitir.

Jawaabta Islaamiyiinta oo
Judhiiba Soo Baxday.

Afhayeen u hadlay Islaamiyiinta Shiikh Cabdiraxman Mudey ayaa ku tuhmay in Dowladda Yuusuf-ka tabarta daran loo meeriyay warkaa kasoo yeeray waa sida uu hadalka u yidhiye "Go'aankan ma ahan mid ay Dowladdu iskeed u gaadhay, waxaanu ognahay in ay ka dambeeyaan aragtiyo shisheeye, waayo waxaan oganahay in aysan Xukuumaddu go'aan nafsadeeda u qaadan karin".

Waxa uu intaa ku daray "Waxaynu ku qasbanaan doonaa in aan wadahadalo la galno dad mas'uuliyad qaadi kara, islamarkaana aan kala noqono aqoonsiga aan aqoonsanay dowladda, waayo ma mudna in aanu siino aqoonsi intaa le'eg, iyagii oo habayaraatee aysan jirin meel ay u socdaan" Waxaa kaloo uu xusay in "Islaamiyiintu u yeedhi doonaan tiradda ugu badan ee Baarlamaanka oo cadadkoodu dhanyahay 275, si aysan u awoodin kuwa kale joojinta wadahadaladda imika ka socda Muqdisho".

Dulimaadyo La Xayiray

Iyagga oo tilmaamaya dhibaatadda sii kordhaysa ee Soomaalida iyo Kenya u dhexeysa, ayay dowladda dalkaasi joojisay dhamaan dulimaadyadii aadi jiray Soomaaliya habeenimadii Jimcaha, kuwan oo shuruud lagaga dhigay in ay soo wargeliyaan waaxda duulimaadka ka hor safarka Laba Todobaad.

Arintan ayaa sidoo kale loo aanaynayaa in ay ka dambayso kadib markii Diyaarad uu leeyahay nin Soomaali ah oo ka ganacsada Jaadka, ay diyaaradiisu soo qaaday todobaadkii hore qaar ka tirsan Islaamiyiinta oo ku socday Muqdisho, diyaaradan ayaa lagu qasbay in ay caga dhigato Nairobi, halkaas oo ay ciidamadda dalkaa iyo kuwa ajanabi ahiba ku sugayeen.

Islaamiyiinta Soomaaliya oo arintan aad oga carooday ayay sababtay in ay joojiyaan dhamaan xidhiidhkii ganacsi ee ay la lahaayeen ninkaa isaga ah, Isga oo ka jawaabaya taana uu ninkan ganacsadaha ahi jawaab oga dhigay tan imika timi, oo qayb ka ah hadii aan aniguba waayay cid kale yeeysan ka faa'iidaysan.

Ciidamadda Itoobiya Ee
Gudaha Soomaaliya

Ragg badan oo Khubaro xagga Amaanka ah ayaa ku tilmaamay dhowr iyo tobonka kun ee ciidamdan Itoobiyaanka ee lasoo dhoobay gudaha Soomaaliya, kuwan oo ay Islaamiyiinta Soomaaliya ku dhawaaqeen in Jihaad loo dhanyahay lala galo, inta ay ka guurayaan dhulka Soomaaliya, ay tahay dhibaatadda ka imanaysa mid aysan ka badbaadi doonin dhamaan dowladaha Jarka la ah Soomaaliya.

Islaamiyiinita iyo Dowladda Yuusuf-ka tabarta daran ayaa goor sii horaysay dhowr is waydaarsaday tuhun oranayay in ay jebiyeen heshiisyadii lagu soo gaaray Kharduum, kan oo inta ugu muhimsan ay sheegaysay in aan awood ciidan waxba lagu xalin, islamarkaana aan la isu adeegsan.

Digniinta Maraykanka

Maraykanka oo weligiiba wax la waday Itoobiya, isaga oo dhoowr jeer oo hore soo saaray digniino sheegayay in hadii Islaamiyiinta Soomaaliya iyo Ereteria ay weeraraan Itoobiya, uusan gacmaha ka laaban doonin Maraykanku, umuurtu maanta sidii ka duwan, oo waxa uu Maraykanku ugu baaqayaa in aysan Itoobiya dagaal fool ka fool ah la gelin Islamaiyiinta, isaga oo umuurtan sabab oga dhigay cabsida uu ka qabo in hadii ay Itoobiya dagaalkan gasho ay suuragal tahay in ay qudheedu ku burburto, oo markaa iyadda iyo Soomaaliya ay u ekaadan kuwo isku daw maray.

Sargaal sare oo u hadlay Maraykanka ayaa ku tilmaamay dagaal waqtigan ka dhaca carigaa uu sababi karo, geeskii afrika oo olola, iyo dagaal si dhan uwada saameeya Itoobiya, Ererteria iyo weliba Kenya.

Hubaynta Islaamiyiinta

Wararka ka imanaya kormeerayaasha Hubka iyo Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Soomaaliya maalinba maalinta ka dambaysa ay kusoo qulqulayaan Islaamiyiin mayal adag, iyo noocyadda kala duwan ee hubka, arimahan ayay sheegaysa qolyahani in ay Soomaaliya kasoo galayaan, Suuria, Iraan, Liibiya, Suudan, Masar, Ereteria, Jabuti, iyo Sacuudiga oo si gooni ah loogu eedeeyay in uu Islaamiyiinta u diray, hub noocwalba leh, dharka meleteriga, dhakhtaro si wanaagsan u tababaran.

Nin isaguna khabiir ah oo kooxdaa ka tirsan, ayaa sheegay in Islaamiyiinta Soomaaliya ay si wanaagsan isugu diyaariyeen dagaal kasta oo ay la gaalaan Itoobiyaanka iyo Soomaalida ay wataan, waxaana weliba jira buu yidhi in Islaamiyiintu ay heshiis hoosaad kula jiraan dhamaan wadamadaa, kuwan oo ay kuwada balameen in hadii uu dagaalku bilowdo ay wax walba oo Musaacado ah lasoo gaari doonaan.

Voy + NAgency

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxwaynaha Tabarta Daran iyo Jaalkiisa
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Gumaysigii Oo
Digay

Mario Oo Talyaani ah ayaa. Akhri+
Jihaad Somalia
Lagaga Dhawaaqay - Sheekh Shariif. Akhri+
Difaaca Dalka
iyo Diinta

Waa Waajib Muqadas Ah - Prof. Cadow Maqal+
Soomaalidu Way Ka Daaleen
Dagaal-Ogayaasha dilooday - Sh.Shariif Maqal+.
Kooxda Maamulka
Hargaysa

Oo Kufriga Hibo Loo siiyay Akhri+ .
Culimo iyo Caamaba
W/G Maxaa ka Haysta SL-nimadda Akhti+.
Kooxda Maamulka Hargaysa
Oo Cabsi Wayn Ka Muujisay Maqal+
Hiiraale Dagaal
Ooge

Aan Mudnayn In Uu Soo Laabto Maqal+
Ciidamo Beeleed
Qabsaday

Kuwan oo ay wehliyeen Itoobiyaan Maqal+.


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.