In Dhawaytaba waxaa si aan caadi ahayn usoo ifbaxayay Bahdaladda iyo dhaqan xumadda lagu hayo Culimadda Soomaaliyeed ee u dhashay G/W/Galbeed ee Soomaaliya, kuwan oo Xadhig, Jirdil, Duuflaalin iyo iyadoo mararka qaar ay umuurtu intaa oo dhan intay soo dhaafto naftoodii qaaliga ahayd si rakhiis ah looga takhaluso, Maxay gaysteen? Waa su'aal in la iswaydiiyaa ay mudantahay!
Culimadda lagu xidhxidhay ama lagu jir dilay ama natodii qaaliga ahayd la dhaafiyay ee u dhashay G/W/Galbeed ee Soomaaliyama ma tira yara, Sheekh Cabdulaahi Makaawi baa ugu dambeeyey, Sheekha ayaa isagu macruuf ka ah inta badan dhulyowga Af-ka Soomaalida lagaga hadlo, oo uu weligiiba ka ahaa Sheekh aad ugu caan baxay barista Diinta, gaar ahaan cilmiga loo yaqaan "Al-Fiqhi".
Xilayadii ugu dambeeyey waxaa sheekha aad u xasuuta Ardaydii wax ka baran jiray Dusgiyadda Sare iyo Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed, kuwan oo aad oga faa'iidaysan jiray cilmiga Sheekha oo uu si hagar la'aan ah ugu marin jiray, Inta la ogsoonyahay Sheeku waxa uu ku dadaali jiray in ay Ummaddaha Islaamka ahi cadowgoda gartaan, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed .
Ma Makaawi Baa Maanta
La Xidhay.
Maxamed Xirsi Guuleed oo ay si xun u dhibtay xadhiga loo gaystay Sheekh Cabdulaahi Makaawi, ayaa tiriyay suugaantan oo uu ugu magac daray Ma Makaawi Baa Maanta La Xidhay.
Murugoodayeey
Ma Makaawibaa
Maantana la xidhay?
Muftigii sharciga
Masalooyin badan
Laga maali jiray
Ma Makuu xajkii
meel uuga dhacay
Ma cidbuu makalay
Ama maal ka xaday
Mise dee miskiin
U maciinabaa
Lagu maagayaa?
Murugoodayeey
Ma mashaa’ikhdii
xaqqa marinaysaa
mujrimiin la qoray
oo muqayil iyo
maangaab xukumay?
Murogoodayeey
Muslinkii i xigay
Madax iyo shacbiba
Meeshii shalay
Marinkuu Siyaad
Dhex muquurtaybay
Ku maqiiqanyihiin
Waa meel madoow
Iyo luuq macmala
Oon cidina maqal
Macno looga baxo
Masjid yowm jimce ah
Macshar laysu yimid
Minbar sheekha koray
Midho aayadeed
Dadka haw macnayn
Mar la arag dharaar
Ina soo martay
U yar muuqataa
Mawloow Allow
Mudanoow adaan
Magan kuu nahee
Maxasbaanu nee
Naga saar mugdiga
Aamiin
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Voy + NAgency
___________
Akhri Wararkan Kale
-
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka!
Akhri+
-
Cabsi Laga Qabo Dagaal!
Akhri+
-
Digniinta Maraykanka
Akhri+
-
Ragg La Badbaadshay
Akhri+
-
Pland/Sland Oo La Qaban Doono
Akhri+
-
Baydhabo Oo Go'doonsan
Akhri+
-
Qabsashadda Baydhabo
Akhri+
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |