"Tigre-egu waa in ay Soomaaliya oga baxaan 7cisho " Sh.Yuusuf Siyaad. Maqal+
Madaxa Golaha Fulinta Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in ay dariiqadda keliya ee ay Islaamiyiintu Zenawiga tabarta daran ee Itoobiya kula hadli karaan ay tahay iyagga oo kala baxa dhamaan Ciidamadda Tigre-ega ah ee ku jira gudaha Soomaaliya todobadda cisho ee loo qabtay.
Sheekha ayaa arintan mar kale ku celiyey mar uu la fadhiyay CADAN madaxwayne Cali Cabdalla Saalax oo beryahanba sheegayay in uu doonayo in Soomaaliya oo lagu heshiiyo uu arko, walow dad badan oo Soomaali ahi ay aaminsanyihiin in dhaqdhaqaaqan Saalax uu ka tarjumayo farimo toos ah oo la xidhiidha Maraykanka.
Saalax Oo Dhexdhexaadnimo
Sheegtay
Saalax ayaa u sheegay Sh.Shariif iyo Wafdigii la socday, in uusan habayaraatee la safnayn mid ka mid ah kooxaha ku loolamaya Dalka Soomaaliya, waxa uu danaynayaana ay tahay oo keliya isagii oo arka Soomaaliyadii oo lagu heshiiyo.
Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in ay mudantahay in ay is aqoonsadaan dhamaan xoogag uu sheegay in ay ku loolamayaan Soomaaliya, oo markaa intay salmugii u fadhiistaan si nabad ah u wada noolaadaan, arintan ayuu tilmaamay in ay ishortaagi karto faragelin kasta oo Soomaaliya kaga iman lahayd cadowga dalkooda Itoobiya.
Geedi Oo Dagaal Adag Ka
Cabsi Qaba
Geedi ayaa sheegay oo weliba ku celceliyay in ay kooxdiisa Baydhabo ka cabsi qabaan dagaal xoogan, kan oo ay ka filayaan dhanka Islamaiyiinta oo iyagu gaaray maanta Ufuroow oo 80Km u jirta Baydhabo, marka dhinaca qansaxdheere laga eego. Geedi ayaa welwel ka muujiyay in Islaamiyiinta oo 4000 oo nin Oo ajnabi ahi ay la socdaan damacsanyihiin iin ay weerer ku ekeeyaan BAYDHABO.
"Rag Ajnabi ah ayaa doonaya in ay Baydhabo naga qaadaan, dagaalkii Soomaaliyana waxa uu imika noqday mid aan joogsi lahayn" ayuu yidhi geedi oo la hadlayay saxaafadda mar uu joogay Nairobi saaka gelinkii hore.
Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ayaa isaguna ugu baaqay Kooxda Baydhabo iyo Islaamiyiinta in ay dhaqdhaqaaqyadda meletery cagaha u dhigaan, islamarkaana ay aqbalaan in dib ugu laabtaan miiska wada xaajoodka.
Isaga oo la hadlayay rag ajaanib ah oo ka sheekaysanayay arimaha Soomaaliya ayuu ergaygu yidhi "Soomaaliya oo ay 16sanadood dagaal oogayaal soo kala horjeeda isku haysteen, ayaad mooda in imika lasoo gaaray waqtigii ay labada garab ee isku haya Soomaaliya ay dejin lahaayeen dhibaatadda, islamarkaana soo gabagabayn lahaayeen dhibaatadda dhexdooda taala".
Ugu dambayntii waxa uu ku celiyey codsi uu u diray Kooxda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran iyo Islaamiyiinta, kan oo uu kaga codsaday in ay wadahadalo dhab ah dib isugu soo laabtaan, walow ay dad badani lahaayeen qof xor ah ayaa wadahadal lala geli karaa, hadiise waxa aad doonayso Adisabba lagaaga soo meerinayo waa ay adagtahay in wax un lagu heshiiyo.
Voy + NAgency
___________
Akhri Wararkan Kale
-
Islaamiyiinta Oo Diiday Shirka!
Akhri+
-
Cabsi Laga Qabo Dagaal!
Akhri+
-
Digniinta Maraykanka
Akhri+
-
Ragg La Badbaadshay
Akhri+
-
Pland/Sland Oo La Qaban Doono
Akhri+
-
Baydhabo Oo Go'doonsan
Akhri+
-
Qabsashadda Baydhabo
Akhri+
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |