Gantaaladda Lidka Diyaaradaha Oo Casri Ah Oo Lagu Sheegay Muqdisho.
Voy. Qoraal Cinwaan looga dhigay "Muqdisho Oo Dagaal U Durbaan Tumaysa" ayay jariidada lagu magacaabo SundayTimes ku sheegtay in Hubka noocyadiisa kala duwani uu kusoo qulqulayo Muqdisho, kan oo oga imanaya xagga Badda, Cidhka iyo berigaba, Masaajida ayaa sidoo kale dhamaan khudbadihii Jimcaha si balaadhan loogugu yeedhay dhamaan Muslimiinta mel ay joogaanba Jihaad lala galo Itoobiya, Dagaalyanaho Muslimiin ah ayaa iyaguna indhawaytaba kusoo qulqulayay Xarunat Soomaalita Muqdisho, iyagga oo kasoo degayay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, iyagoo danaynaya in ay ka qayb qaataan Jihaadka.
Wargaysku waxaa kaloo uu ku waramay in Muqdisho oo 15kii sano ee ugu dambeeyey ay la ildarayd dagaal oogayaal arxan daran, oo intay Soomaaliya oo dhan qar saareen kasoo sii daayeen, kuwan oo ujeedadoodu oo dhami ay ahayd sidii ay u heli lahaayeen wax ay dhacaan, boobaan, dilaan iyo iyaga oo aan u aabayeelaynin ciduu yahay iyo halkuu kasoo jeedo.
Saaridii Dagaal Oogayaasha.
Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa iyagu awooday in ay dibadda u saaraan dhamaan dagaal oogayaashii, islamarkaana awooday in ay kusoo celiyaan kala dambaynta iyo sharcigii xarunta Soomaaliya iyo dhulka Soomaaliya oo ay intiisa badan gacanta ku hayaan, kuwan oo imika umuuqda in ay dagaal la geli doonaan Dowladda Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran iyo Ciidamadda Itoobiyaanka ee la socda, dhaqdhaqaan oo laga yaabo in uu halaag usoo jiido Geeska Afrikadda Bari.
Wargayska oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in Islaamiyiinta iyo taageerayaashoodu ay isu diyaarinayaan dagaal, waxaad ku arkaysaa Magaaladda Muqdisho gawaadhi si badan u soconaya kuwan oo ku boorinaya dadku in ay Jihaad ku qaadaan Itoobiyaanka, marka taa lala akhriyo salaadii Jimcaha oo aan wax kaleba loogaga hadlin.
Gantaalo Casri Ah.
Wargayska oo soo xiganayay dad goobjoog ah oo sheegay in ay arkeen Islaamiyiin kasoo degaya Garoonka Muqdisho, halka ay diblomaasiyiin fadhigoodu yahay Kenya ay ka digeen in Islaamiyiintu ay haystaan Raadeero iyo Gantaaladda Lidka Diyaaradaha oo casri ah, islamarkaana ay awood u leeyihiin in ay soo ridaan Diyaarad walba oo Itoobiyaanku leeyihiin oo soo gasha hawada Soomaaliya.
Voice Of Youth.
___________
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |