Voy. Madaxa Golaha Shuuradda Islaamiyiinta Soomaaliya Sh.Xasan Dahir Aweys oo u waramayay wakaaladaha wararka, ayaa tilmaamay in mudada loo qabtay Ciidamadda Tigre-ega ee ku jira gudaha Soomaaliya oo ku eg saaka oo talaado ah aysan ahayn macanaheedu in dagaal fool ka fool ah lagu qaadi doono, Arintan ayuu Sheekhu ku tilmamay in ay weli sinayaan waqti dheeraad ah oo ay kaga xidhxidhtaan faragelinta dhan walba ee ay ku hayaan Soomaaliya.
Sheekh Xasan oo umuurtan ka hadlaya ayaa yidhi "Dagaalku goor hore ayuu bilowday, dagaalku waxa uu bilowday markii Zenawi-ga Itoobiga iyo Baarlamaankiisu ay goosteen in ay Soomaaliya Gudaha usoo galaan, Maraykankuna uu oga soo dhameeyey golaha amaanka in Cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya"
Ha'adaha lagu sheego in ay gargaaraan Soomaaliya ayuu iyaguna Sheekhu ku sheegay in ay yihiin cod aan muuqan oo intaa ka shaqaynaya sidii ay Soomaaliya usi burburi lahayd, Sheeku waxa uu miiska soo saaray qariidad ay Itoobiya ka samaysay sidii iyo qaabka ay u doonayso in ay u qabsato Soomaaliya, Khariidadan ayaa iyadu muujinaysa Soomaaliya oo sidii ay u dhamayd Itoobiya lagu daray.
Waxa uu si balaadhan ugu celceliyay sida ay Islaamiyiinta Soomaaliya oga go'antahay in ay la dagaalamaan Cadowga koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed "Itoobiya", waxa uu meeshaba ka saaray in ay jirto niyad imika xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Baydhabo, oo fadhiisin u ah Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran iyo kooxdiisa.
Sheekh Xasan waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn u sheegay, in ay inta badan dunida Muslimka iyo Dowladaha Carabtuba wax la wadaan, balse intooda badan ay ka cabsi qabaan in ay dusha kaga dhacdo Ushii Maraykanka oo meel wallba u muuqata in ay taagantahay maanta.
Warbixintan oo aad u dheerayd Su'aalihii la waydiiyay Sheekh xasan waxaa ka mid ahaa;
S1 - Hadaad tihiin Islaamiyiinta Soomaaliya ma laga yaabaa in aad Dowlad dhistaan, maadaama aad inta badan dhulka Soomaaliya gacanta ku haysaan, inta idinka maqanna la idinka ayidsanyahay?
J1 - Maxaa noo diidaya? Bal si wanaagsan halkaa aan u balbalaadhiyo, si aysan dadku noogu malayn rag xukun tooxsi wada ama doonayaba, waxaan goosanay in aan ka warsugno Heshiis balaadhan oo Soomaalida oo dhami ay u dhantahay yar iyo wayn, waxaad ogtahay in ay qabiilooyinka qaar naga maqanyihiin, kuwaasina ay lama huraan tahay in ay ka qaybgalaan maamulka dalka, iyo weliba anaga oo ujeedadeena ugu wayni ay tahay in aan ummadda ku kulmino Shareecadda Islaamka.
Hada ma doonayno in aan ka hadalno xukun iyo wax la mid ah, iyo xataa waxa loogu yeeray Awood qaybsi oo aad marar badan oo hore aad maaqasheen, ujeedadeena ugu wayn imika waa in aan wadanka amaankiisa sugnaa.
S2 - Maxaa ka jira in Maraykanku doonayo in uu ku qabto?
J2 - Anigu ma ahi ruuxa aad ka hadlayso, waxaa la iisheegay in Hantidaydii la xayidhay, Hanti la iga xayidhana maba haysto, sida badan waan u safraa meeshii aan doono, waxan goor dhawayd tagay Sacuudiga, Liibiya iyo Masar oo aan goor dhow kasoo laabtay.
S3 - Golahan aad imika madaxa ka tahay Soomaali oo dhami ma u dhantahay?
J3 - Sidaa laguma xulin, golahan waxaa ku jira oo keliya dadkii ka qayb qaatay dagaalkii dagaal oogayaasha lagaga xoreeyey Soomaaliya, waxa uu ka koobanyahay 90Xubnood, waxaa la aasaasay waqtigii dagaalku dhamaaday Shan bilood ka hor, isaga ayuuna ka dhashay Golaha Fulinta, iyo kan Amaanka, goortii dowlad la bud dhigana waxaan filayaa in uu isbedeli doono, oo tan mid ka duwan ay iman doonto.
S4 - Maxaa awood ah oo aad u diyaarsateen dagaalka aad filaysan ee aad la geli doontaan Itoobiya.
J5 - 16kii sano ee ugu dambeeyey waxaa lagu jiray dagaalo sokeeye iyo burbur, waxa aan imika haysanaa waa kacdoon shacbi ah, iyo Islaamiyiin doonaya in ay ka tarjumaan dadku waxa ay doonayaan, kuwan ayaana inbadanna ka dhiiran ciidankii qaranku lahaan jiray, Itobiya waan la dagaalanay, waanan isnaqaanaa.
S5 - Imisaad ku qiyaasaysaa Ciidamadda aad haysataan?
J5 - Kacoodnka shacabka laguma qiyaasi karo kun iyo kumaan toona, waxaase wax lala yaaba ah in waqtigii ay dowladdu jidhay dadka lagu qasbi jiray in ay dagaalamaan, maantana ay iyagu imanaay iyadoo doonaya in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan, kumaan kun baa maalin walba noo timaada si ay isugu diiwaan geliyaan dagaal ay la gaaln cadowga Soomaaliya.
S6 - Ma danaynaysaan in aad xidhiidh la samaysataan Dowladaha Carbeed?
J6 - Haa, hada ka horna waa ay jirtay in aan u safray Liibiya iyo Masar, dhamaan mas'uuliyiinta aan la kulmay aad bay noosoo dhaweeyeen, imikana waxaa maqan oo howshaa qudheeda ku guda jira Madaxa Golaha Fulinta Sh.Shariif Sh.Axmed.
S7 - Maxay idiku yidhaahdee?
J7 - Way doonayaan in ay wax nala qabtaan, wayna ogyihiin xaaladda Soomaaliya ee maanta iyo sidii ay berisamaadkii ahaan jidhay, sidoo kale waxay ka dharagsanyihiin waxa uu waajibkoodu yahay, marka laga hadlayo Soomaaliya, laakiin waxaas oo dhan waxaa meel fadhiiso yidhi, usha Maraykanka oo dushooda taala?
S8 - Muxuu yahay xidhiidhka aad la leedihiin G/W/B(Puntland) & G/W/G(Soomaaliland) ee Soomaaliya?
J8 - Nidaamka gaalaraacnimadda marwalba way adagtahay in ay is-afgartaan Islaamiyiinta, iyaguna waa noocaa, waxaanay qabaan fikrad ah in hadii ay Islaamka qaataan in uu reer galbeedku garabkooda ka baxayo, xataa Cabdulaahi Yusuf baa nagu yidhi "hadii aan is afgarano gadhgaadhka Galbeedka nooga imanaya ayaanu waynaynaa, waxaanse shaki ku jirin in ay Soomaalida goboladaa doonayaan Islaamka in ay iksu xukumaan.
Kooxaha carigaa ka taliya waxay marwalba nagu yidhaahdaan, wax wanaagsan baad samayseen, waxaanan doonaynaa in aad ku ekaataan meelaha aad ka talisaan, Ma doonayno in aan dagaal la galno, wax walba waxaan doonaynaa in si wanaagsan lagu ebyo islamarkaana ay cidwaliba cadaalad hesho, shacabka Soomaaliyeedna sida uu udhanyahay Islaamiyiinta ayuu la safanyahay.
S9 - Ma doonaysaan in aad shareecadda wadanka kusoo rogtaan?
J9 - Haa, Mas'uul talyaani ah oo aanu wada kulanay ayaa igu yidhi Sh.Xasan ku dhaqanka shareecadda hada ha ku dhawaaqina dunida oo dhan baa idin nacaysa! Waxaan ku idhi aniga oo 34jir ah ayaan la dhawaaqay taa, sababtaas ayaanan ku mutaystay in dil la igu xukumo iyo xabsi abadi ah, ma umalaynaysaa in aan maanta arintaa ka gaabsan doono, arintaasu marnaba macquul ma ahan.
S10 - Ma umalaynaysaa in hadiiba la heshiiyo aad u ogolaan doontaan Cabdulaahi Yuusuf in uu Madaxwayne idiin noqdo?
J10 - Anigu waxaan imika ku oranayaa ma doonayo in aan maalmaha soo socda ka hormaro, waxaan doonaynaa in wax walba wadahadal lagu dhameeyo, arimahani ma ahan mid ku xidhan Cabdulaahi Yuusuf ama Xasan, go'aanka kama dambaysta ah waxaa iska leh Soomaalida, iyagaana dooran doona ruuxii munaasib u ah darajadaa, waxaanse ku oranayaa Soomaalida hadii loo siiyo fursad waxay kuligood isku raacayaan in ay Shareecadda Islaamka isku maamulaan, walaahi ruux diidayaa in uusan jidhin.
S11 - Wax xidhiidh ah ma la leedihiin Ururadda Islaamiga ah ee ka jira dunida?
J11 - Anagu siyaasadeena waa ay u furantahay dhamaan dowladaha, ururadda islaamiga ah iyo cidwalba oo ka qaybqaadan karta wanaaga kasoo cusboonaaday Soomaaliya maanta, waxaan aad u jeclahay erey uu marwalba ku celceliya Nelson Mandela oo yidhaahda "Kuma qasbanin in aan dhibsano cidwalba oo uu Maraykanku dhibsado".
Inta aan imika gacanta ku hayno inta badan dhulka Soomaaliya bilo ma dhama, dunida oo dhamina waxay eegayaan waxa aan samayn doono, dowladaha iyo dunida muslimka cid ku dhiiratay ilaa iyo imika in ay nala soo xidhiidho ma jidho, aad baanan ugu diirsanaynaa sida wayn ee shucuubta carabtu noo garab taaganyihiiin, walow aan ognahay duruufta ay ku suganyihiin.
Voy + NAgency.
___________
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |