Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Sh.Cabdiqani Qorani - Denmark. "Rabitaanka Shacabku Ixtiraam Buu Mudan yahay". Sh.A.Qani Qorani. Maqal+
Inna Caydiid.
"Xasan Daahir Waa Nin Nabad Ka Keeni Kara Soomaaliya". Inna Caydiid Akhri+
Cadde Muuse.
"Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Cadde Oo Balantii Ka Baxay! Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Magaciisu waa Illahay baa nagu filan Maqal+
Soomaaliya iyo
Taariikh

Horta halkan waxa ina dhigay Maqal+

Louis Michel


Muxuu Usoo Orday Dhamadkii 7da Cisho Ee Loo Qabtay Tigre-ega?

Posted: 21.12.06 03:40 AM


"Tigre-ega Iyo Dabadhilifkii La Socday Illahay Baa Jebiyey" Sh.Yuusuf Indhacadde. Maqal+

Dagaalkii Oo Si Wanaagsan U Socda Iyo Kooxda Baydhabo Oo Wadahadal Codsaday.

Ilaa iyo imika ma cadda sida ay suuragal u tahay nabad lala galo Kooxda Baydhabo ee uu horjoogaha u yahay Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran, cabsi ay ka qabaan in laga qaado barta keliya ee ay salka kaga hayaan dhulwaynihii Soomaaliya, oo ay isagana marti oga yihiin Tigre-ega tiradda yar ee xooga ku haysta Itoobiya, ayay u qaylo dhaan u direen Yurubta Midowday.

Ujeedadu waxay ahayd mid keliya, iyo sidii ay u heli lahaayeen qiil ay kusoo fadhiyaan xagaa. waana sababta keentay in Louis Michel oo Yurubta midowday u qaabilsan xagga hurumarka uu ukala dabqaado Islaamiyiinta Soomaaliya iyo kooxda Baydhabo, Ninkan odayga ah oo qudhiisa sheegay in uu la qabo welwelka ay Itoobiya qabto oo ah in la arko maalin un Itoobiyadii oo sidii Folkane u qaraxday, mar hadii uu dagaal shanta la isula tago ka bilowdo Soomaaliya.

Louis Michel waxa uu Muqdisho kula kulmay Madaxa Golaha Shuuradda Islaamiyiinta Sh.Xasan Daahir Aweys, kulankan oo mudo socday ayaa markii uu dhamaaday, waxa uu Michel kaga gaabsaday in wax walba la isku af-gartay, islamarkaana ay Islaamiyiintu aqbaleen in ay wadadahalo hor la galaan Kooxda Baydhabo ee shisheeye kalkaalka ah.

Jaamacadda Carabta iyo
Kharduum.

Wadahadalan ayuu Michel sheegay inay hagi doonaan Jaamacadda Carabta, islamarkaana lagu qaban doono Xarunta Dalka Sudan ee Kharduum, in umuurta sidan loo dhigo ayay inbadanna ka biyo diidanayaan kooxda baydhabo, iyagga oo goor walba doorbidayay in wadahadal walba oo ay la galaan Islaamiyiinta lagu qabto Kenya, islamarkaana ay awooda ugu badan uu ku yeesho Zenawi-ga Itoobiya.

Sh.Xasan ayaa isaguna dhankiisa u sheegay warfidyeenka in ay ogolyihiin wadahadal ay la galaan Kooxda Baydhabo, isagu waqti rasmi ah ma soo hadal qaadin, waxa kaloo uu wax yar kasoo qaaday dagaal lagu hoobto oo ka dhaca Soomaaliya, isaga oo tilmaamayay in aysan jirin maanta awood la dhinactami karta Illaha dunida sameeyey ka sokoow.

Sheekhu dagaalka imika socda ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid u shexeeya Islaamiyiinta iyo Tigre-ega sida qaawan ugu soo duulay Soomaaliya, goor sii horaysay ayuu sidoo kale tilmaamay in ay kuwani kasoo horjeedaan jiritaankeena, diinteena iyo weliba dhaqankeena suuban.

Islaamiyiinta Oo Wax Ka Bedelay
Louis Michel.

Mas'uul sare oo ka tirsan Xafiiska gudiga warfaafinta ayaa isaguna cadeeyey in qorshaha Louis Michel uu ahaa mid qoran oo loosoo gudbiyay iyaga, balse ay iyagu wax ka badeleen sidii uu uqornaa isaguna uu aqbalay in sidaa loo dhigo.

Qodobada qoraalkan ayaa ay ka
mid ahaayeen;

  1. In arimaha Soomaaliya lagu dhameeyo wadahadal.
  2. In lagu saleeyo ciidama kasta oo laga yaabo in ay Soomaaliya yimaadaan Go'aankii Qaramadda Midoobay ee 1725. Go'aankan oo ay si wayn Islaamiyiintu ogaga soo horjeedaan, qodobkan ayay ku badeleen in wadahadalo kasta oo ay galaan lagu saleeyo heshiiskii Kharduum iyo heshiiskii ay Jabuuti kula saxiixdeen kooxda Baydhabo,
  3. In Tigre-ega ku jira gudaha Soomaaliya ay ka baxaan, kuwan oo uu kusoo hogaamiyay Soomaaliya Yuusuf hogaamiyaha tabarta daran.

Geedi Oo Ka Cabsi Qaba Baydhabo Oo Gacanta Ugasha Islaamiyiinta

Louis Michel oo geedi la fadhiistay wixii keliya ee uu la soo qaaday ayaa ahayd in uu ku qanciyo in ay Islaamiyiintu dib oga laabtaan Niyadaa xoogan ee ay ku doonayaan qabsashadda Baydhabo, arintan oo uu ku tilmaamay in aysan suuragal ahayn wax wadahadal ah oo imika ay la furaan Islaamiyiinta.

Arintan ayay ku tilmaameen dad badan oo u dhuun daloola arimaha Soomaaliya, in Kooxda Baydhabo ay imika isugu geeyeen awoodooda oo dhan, sidii ay qaylo dhaan ugu diri lahaayeen dunida oo dhan, tan ayaa qayb ka ah dadaalka ay ku doonayaan sugitaanka jiritaankooda.

Mar wax laga waydiiyay sida ay u arkaan booqashadda Louis Michel ee Muqdisho ayuu nin u hadlay kooxda Baydhabo ku tilmaamay in ay filayaan in uu Louis Michel ku qanciyo Islaamiyiinta in ay ka tanaasulaan doonistooda ku jeeda qabshadda Baydhabo, Islaamiyinta ayaa iyaguna dhankooda sheegay in dagaalak imika socdaa uu u dhexeeyo Tigre-ega iyo Islaamiyiinta, kadib markii ay iska dhagatireen waqtigii loo qabtay.

Sh.Xasan Dahir oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi "Dagaalkeenu waxa uu ku jeeda Itoobiyaanka Soomaaliya laga soo buuxiyay, ciidamo Soomaali ahna way dhici kartaa in ay la socdaan, laakiin anagu weerar kuma nihin Dowladda".

Dagaalka Oo Si Wanaagsan
U socda.

Dad goob joog ah ayaa warbaahinta u sheegay in Islaamiyiintu ay dagaalkii maanta iyo shalay socday kasoo hoyeen guulo la taaban karo, goob jooga ayaa yidhi "Waxaanu aragnay Askar badan oo kuwa kooxda Baydhabo iyo Tigre-ega ah oo lagu dilay dagaalka, halak tiro kale oo ciidamadaa ahna ay soo qabteen, oo goor dhow un la horkeeni doono Warbaahinta". Goob jooga ayaa intaa ku daray "Qalab kan Meleteriga ah oo farabadanna waa ay soo furteen Islaamiyiintu".

Islaamiyiinta qudhooda ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Xeradii ay Tigre-egu ku jireen ee Manaas oo 15Km oo keliya u jirta halka uu ku suganyahay Hogaamiyayaasha tabarta daran Geedi iyo Yuusuf, kuwan oo aan la garan doonin cida ay macaiinsan doonan, ileen dalkoodii iyo dadkoodii waa kaa ay cadowga kusoo hogaamiyeenne.

Indhawaytaba waxaa soo baxayay warar sheegayay in ragga ciidamin kara ee waqtigan xaadirka ah ku sugan aagaas ee laga yaabo in ay usoo gurmadaan kooxda Baydhabo ay yihiin kuwii laga keenay G/W/Bari ee Soomaaliya (Puntland), iyaguna waxa ay sheegayaan wararka ka imanaya Baydhabo in ay codsadeen in dib loogu celiyo halkii laga keenay, arintan oo inbadan oo iyagga ka mid ahi ay xabsi ku mutaysteen.

Wixii Warar ah ee kasoo cusboodaa arimahan ayaan idin soo gudbin doonaa hadii eebbe yidhaahdo.

Voy + NAgency.
___________

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Madaxa Golaha Shuurada Islaamiyiinta. L Michel Midowga Yurub.
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Sh.Cali Warsame Oo Abaalgud Ka Codsaday S/Land-ta. Akhri+
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Itoobiya Ciidamadeda Ha Kala Baxdo Maqal+
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Guusha Som. Minnesota. Akhri+
Haantaawilifka Baydhabo Akhri+
Gudoomiyaha Bar. & Muqdisho. Akhri+
Islaamiyiinta Oo La Dhaleeceeyey Akhri+
Eedeynta Dowladda Baydhabo. Akhri+
Burburka Madasha Kharduum. Akhri+
Kooxda Baydhabo Oo Isdiidan. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.