Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Sh.Cabdiqani Qorani - Denmark. "Rabitaanka Shacabku Ixtiraam Buu Mudan yahay". Sh.A.Qani Qorani. Maqal+
Inna Caydiid.
"Xasan Daahir Waa Nin Nabad Ka Keeni Kara Soomaaliya". Inna Caydiid Akhri+
Cadde Muuse.
"Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Cadde Oo Balantii Ka Baxay! Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Magaciisu waa Illahay baa nagu filan Maqal+
Soomaaliya iyo
Taariikh

Horta halkan waxa ina dhigay Maqal+

Xoogaga Islaamiyiinta


Oo Balanqaaday In Ay Dagaalka Itoobiya U Gudbin Doonaan.

Posted: 23.12.06 04:30 PM


"Islaamiyiinta Oo Guulo Waawaeyn Gaaray" Sh.Abu Zainab. Maqal+

Voy. Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa balan ku qaaday in ay dagaalka si dhan u gaarsiiin doonaan dhamaan dhulwaynaha Itoobiya, islamaanta ayay Islaamiyiintu ugu yeedheen dhamaan Muslimiinta dunida oo dhan in ay ka wada qaybqaataan dagaalka lagula jiro Cadowga Cusub ee Soomaaliya Tigre-ega.

Arintan ayaa welwel xoog badan ku sii dhalin doonto Zenawi-ga Itoobiya oo isagu codsaday shalay gelinkii dambe in Islaamiyiinta ay dagaalka degdeg u joojiyaan kadibna uu wadahadal shuruud la'aan ah la geli doono Xoogaga Islamiyiinta.

Islaamiyiinta ayaa arintan gaashaanka ku dhuftay, iyaga oo sheegay in uusan dagaalku joogsan doonin ilaa askariga ugu dambeeya uu ka baxo dalka Soomaaliya, Islamarkaana ay ogolyihiin in wada xaajood laga galo dhulwaynaha Soomaaliyeed ee uu Zenawi-ga Itoobiya Xooga Ku haysto.

Islaamiyiintu Waxay dhaleecayn xoog leh usoo jeediyeen Beesha Caalamka gaar ahaan Jaamacadda Carabta iyo Dunida Muslimka oo iska indhatiraya duulaanka uu Zenawi kusoo qaaday Soomaaliya.

Ciidanku Joogsan Maayo
Illaa Iyo Adisabba.

Mar ay warbaahintu wax ka waydiisay Sheekh Yuusuf Indhacadde in xoogaga Islaamiga ahi qabsan doonaan Baydhabo iyo inkale ayuu Sheekhu yidhi "Imika umuurtu ma taagnaa Baydhabo iyo Soomaaliya, waxaanu tegi doonaa idinka Illahay Xarunta Itoobiya ee Adis Abbab, sida ay dhulkeena ugu soo duuleen ayaan dhulkooda gudihiisa ugu duuli doonaa"

Sheekhu waxa uu markale ugu yeedhay dhamaan Muslimiinta dunida oo dhan in ay kawada qayb qaataan dagaalka lagula jidho cadowga Ilaamka iyo kan Illahay "Tigre-ega Tiradda Yar", Sheeku waxa uu si faahfaahsan oga sheekeeyey jabka loo gaystay Tigre-ega kuusoo duulay gudaha dalka Soomaaliya, Xoogaga Islaamiyiinta ayuu sheegay in ay imika fadhiisin ka dhigteen Manaas oo 17Km U jirta Baydhabo iyo Idaale meel u jirta 40Km OO dhanka baydhaba ah.

Baaqyadda ka imanaya Qaramadda Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayuu sheekhu ku tilmaamay in ay yihiin marin habaabin looga golleeyahay in laga duwo indhaha dunida waxa dhabta ah ee yaala goobaha dagaalku ka socdo, tan oo ay usawirayaan buu yidhi in dagaalku uu u dhexeeyo Soomaalida, iyadoo dundia oo dhami ay ogtahay in aysan xaqiiqadu sidaa ahayn oo dagaalku uu u dhexeeyo Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sheekhu Jaamacadda carbeed ayuu ku sheegay in ay gabtay mas'uuliyadeedii, waxaanu doonaynaa bu yidhi in ay Soomaaliya is-garab taagaan sida reer galbeedku u dhinac taaganyahay Itoobiya.

Tigree Dagaalka Lagu
Soo Qabtay.

Islaamiyiinta ayaa indhawaytaba ugu yeedhayay warbaahinta in ay soo daawadaan Tigre-ega dagaalka lagu soo qabtay, Xigaha Madaxa Golaha Shuuradda Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuleey oo oga waramay arimahan warbaahinta ayaa sheegay in ay ku guulaysteen Tigre-ega lasoo qabtay in ay isdilaan kadib markii lasoo qabtay, waxaanse haynaa oo aan tusi karnaa buu yidhi Bakhtigoodii.

Sh.M.Ibraahim Suuleey ayaa dhamaan Soomaalida iyo Muslimiinta ugu bishaareeyay in ay cadowga gacan bir ah ku qaban doonaan, waxa uu tilmaamay in aysan Xoogaga Islaamiyiintu dagaalkan si wayn u gelin, oo tiradda ka qayb galayaashu ay ahayd qiyaastii 10% oo keliya.

Islaamiyiintu Uma Baahna
Ciidan U Dagaalama.

Sidan waxaa yidhi Madaxwayanaha Ereteria mar wax laga waydiiyay sababta uu laba kun oo Askari oo ciidankiisa ah uu ugu diray Soomaaliya, waxa uu sheegashadan ku shegay in ay tahay mid uu Zenawi-ga Itoobiya uu doonayo in uu ku daboolo ciidamadda ka jooga Soomaaliya, oo halkaa loogu diray in aysan Soomaaliya weligeed cagadhigin.

Goob joog ayaa warfidiyeennadda u sheegay in ay arkeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo taangiyo ay tigre-egu leeyihiin, kuwan oo kusoo jeeda halka ay isku hayaan xoogaga Islaamiyiinta iyo kuwa Tigre-ega ee gobolka bay gudaha Soomaaliya.

Zenawi Oo Cabsidiisu Soo
Muuqatay Judhiiba.

Xoogaga Islaamiyiinta oo Afartii cisho ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray Tigre-ega kusoo duulay Soomaaliya ayaa saaka war ay saxaafadda u qaybiyeen ku sheegay, in ay diyaarinayaan dagaal aan weligii horay loo maqal, ciidamo cadadkooda iyo cududooda si wayn loo agaasimay ayaa la isugu geeyey jiida hore ee dagaalka.

Ciidamadan ayaa loo qaybiyay sadexda weji ee ay isaga soo horjeedaan Tigre-ega iyo Islaamiyiinta, dhawaqan ayaa sida ay sheegayaan warfidiyeenka jiida hore jooga in ay cabsi wayn ku beedhay Zenawiga doonaya in uu Soomaaliya qaato iyo dabadhilifkiisa.

Zenawi iyo kooxdiisa ayaa caado ka dhigtay in marwalba oo ay Islaamiyiintu dignin diraan, ay qudhooduna taa mid la mid ah kadaba diraan, "Imika waxaanu qaadi doonaa dagalkii runta ahaa" ayuu yidhi Zenawi oo la hadlayay AP.

Zenawi ayaa sidoo kale sheegay in ay Islaamiyiintu bilaabeen imika in ay weerar kusoo qaadaan gudaha dalka Itoobiya, arintan oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay cabsida uu qabo cadowgu.

Xoogaga Islaamiyiinta Oo
Guulo Gaaray.

Wararkii dambeeyey ee ka imanaya xoogaga xaq u dirirka Islaamiyiinta iyo Tigre-ega kusoo duulay dalka ayaa sheegaya in ay Islaamiyintu gacanta ku dhigeen rag ka tirsan ciidamadda Tigre-ega iyo saanad meletery, qalabkan oo isugu jira dabaabadaha dagaalka, qoryo noocwalba leh, iyo dhamaan wixii qalab u yaalay cadowga xeraddaa.

Islaamiyiinta ayaa imika fadhiisan ka dhigtay Daynuunaay oo 30Km oo keliya u jirta Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo, halka wejiga hore ee Xoogoodu uu gaaray Maanya Fuulka oo in ka yar 7Km U jirta gudaha Magaaladda Baydhabo,

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ay Xoogaga Islaamiyiintu doonayaan in ay Salaadda Ciida ku tukadaan xad beenaadka gumaysigu asteeyey waqtigii shanta loo kala qaybiyey Soomaaliya sida uu u sheegay warfidyeenka Sh.Cabdiraxman Muudeey.

Chanalka Carbeed ee Al-Jazeera ayaa sida ay u dhamayd maanta oo idil laga sii daynayay sawiradda iyo aqoonsiga ciidamadda Tigre-ega, kuwan oo isugu jiray rag nool iyo kuwa bakhtiyey oo jeebabkooda laga soo saaray waraaqihii aqoosigooda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Tigre-ega dagaalka lagu soo qabtay markii la waraystay ay yidhaahdeen "Waxaa naloo soo diray in aan qabano Magaaladda Kismaayo Ee Xeebta ah" halkan ayaad ka garankartaa damaca Zenawi, Illahay baa Soomaaliya ku manaystay Islaamiyiin garanaya waxa dalka iyo dadka dan u ah.

Dagaalka Oo Si Wayn Looga
Dareemayay Adisababa.

Wararka ka imanaya Xarunta dalka Itoobiya Ee Adisabba ayaa iyaguna sheegaya in dadka Magaaladaasi ay cabsi wayn soo waajahday sababta dagaaladan, dagaalkan ayaan si toos ah looga dareemayaa meelaha ay bulshadda rayidka ahi isugu yimaadaan, sida meelaha qaxwada lagu cabo, caweysyadda Iwm.

Dad goob joog ah ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in ay tani soo xasuusin doonto dagaalkii 77kii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya, waqtigaas oo wax aan sidaa usii badnay loo jirsaday xaruntaa dalkaa ee Adisababa, "Caruurta waxaan ku seexin jiray marka ay diidaan in ay seexdaan Soomaali baa soo socda" ayuu ydihi nin la hadlayay warfidiyeenka isaga oo jooga Adisabba.

Dergayga Zenawi-ga Itoobiya ayaa usoo bandhigay Islamiyiintu in ay dagaalka joojiyaan, kadibna wax walba wadahadal lagu dhameeyo wadahdal uu lago Islaamiyiinta, arintan oo si wayn ay oga biyodiideen Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalka kula jira Tigre-ega soo xad-gudbay.

Masaajidda Muqdisho.

Masjidkii Isbahaysiga Islaamka Ee Muqdisho ayaa si wayn loogaga boogaadiyay Xogaga Islaamiyiinta oo iyagu dagaal adag kula jira Tigre-ega werarka kusoo qaaday Dalka Soomaaliya.

Sh.Cabdulqadir Cali Cumar oo ah Mas'uul sare o ka tirsan Golaha FUlinta Islaamiyiinta oo khudbadii jimcaha ka akhriyay isla masjidkaa ayaa ugu baaqay dhamaan Islaamiyiinta oo dhan meel walba oo ay ka joogaan dunida, gaar ahaan kuwa ku sugan gudaha Soomaaliya.

Jihaad La Isugu Yeedhay.

Sheekh Cabdulqaadir Cumar ayaa ku dhawaaqay in Jihaad lala galo cidwalba oo kusoo duushay Dalkeena Hooyo Soomaaliya, Sheekhu wuxuu aad ugu dheeraaday mushqaayadda uu helayo qofwalba oo ku dhinta jihaad Illahay dartii ah.

Sida qoran waxa ugu yar ee loo yaboohay ruxii ku dhinta dariiqa Illahay ayaa ah 72Gabdhood oo bikra ah, duco si wanaagsan loosoo xardhay ayuu kusoo gabgabeeyey sheekhu Khudbadii Jimcaha.

Voy + NAgency.
___________

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Mas'uul Sare Oo Ka Tirsan Islaamiyiinta.
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Sh.Cali Warsame Oo Abaalgud Ka Codsaday S/Land-ta. Akhri+
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Itoobiya Ciidamadeda Ha Kala Baxdo Maqal+
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Guusha Som. Minnesota. Akhri+
Haantaawilifka Baydhabo Akhri+
Gudoomiyaha Bar. & Muqdisho. Akhri+
Islaamiyiinta Oo La Dhaleeceeyey Akhri+
Eedeynta Dowladda Baydhabo. Akhri+
Burburka Madasha Kharduum. Akhri+
Kooxda Baydhabo Oo Isdiidan. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.