"Illahay Baa Nooga Gargaaray" Sh. M. Suuleey. Maqal+
Itoobiya Iyo Genaraaladeed Oo Dagaalka
Si Wayn Ugu Jabay.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay hogaaminayaan Gen. Cadde Muusa-ha sii liicaya iyo Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran ayaa saaka aroortii weerar kaga soo qaaday Soomaaliya afar wujhadood Daynuunaay, Bandiiradley,Garacle, Sariiraale, dagaaldan ayaa iyagu teedan ilaa iyo Burdheele iyo jiracle, wararka ka imanaya goobahaa oo lagula xidhiidhay Isgaarsiinta loo yaqaan Thuraya ayaa sheegaya in codga halkaasi dharbaaxo wayn ay kasoo gaadhay.
Dagaalkan oo aan shaki ku jrin in uu yahay dagaal diineed ayaa lagu soo beegay Maalin ka hor Ciida Kiristaanka oo Dunida Masiixiyiinat looga dabaal degayo, wararka laga helayo illo ku dhowdhow Zenawiga Itoobiya ayaa sheegaya in saaxirkiisu uu u sheegay in hadii uu Kirismaska uu weeraro Soomaaliya uu guulaysanayo, islamarkaana uu Islaamiyiinta soo qaqaban doono.
Cadowga ayaa bakhtigiisii loo daadgureeyey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, halka dhanka kale ilaa iyo imika ay awoodi kari la'yihiin in ay qaatan xataa dhaawaca iyo bakhtigoodii kaga dhintay sariiraale, sababta caabinta xoogan ee kaga imanaya xoogaga Islamaiyiinta ee goobahaa ku sugan.
Weeraro xaga cidhka ah Oo Haween Iyo
Caruur Lagu Laayay.
Weraradii aroortii hore ee shalay lagu qaaday baledweyn ayaa ay wakaaladaha wararku kusoo waramayaan in lagu laayay caruur iyo haween masaakiin ah, dagaalkan ayuu cadowgu ka soo qaaday meel u jirta 30 Oo kalabeyr, Baledwayn iyo Bandiiradley oo 700Km U jirta xarunta Soomaaliya Muqdisho.
Dad goob joog ahaa ayaa usheegay warbaahinta in ay arkeen sideed Diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan MIC 21, OO iyagu dagaalka si toos ah oga qaybqaadanaya, banbooyin habqan ah oo ay diyaaradahi tuurayeen ayaa inta la ogyahay ay ku dhinteen laba dumar ah iyo caruur, halka ay dhawac ba'an ka gaystay magaalooyinkaa.
Dhulka Oo Cadwoga Looga
Gacansareeyo.
Dagaaladda dhulka ee goobahaa ayay warfidiyeenku kusoo waramayaan in Xoogaga Islaamiyiga ahi ay aad oga gacan sareeyaan cadowga iyo labada General ee hogaaminaya Cabdulaahu Yuusuf iyo Cadde Muuse, waxay kaloo wararku sheegayaan in laga soo qabtay cadowga 14Maxbuus.
Khasaaraha loo gaystay cadowga ayaa maanta in badanna ka badan intii hore, Sida uu u xaqiijiyay Shacabwaynaha Soomaaliyeed Sh.Suuleey dhinaca Manaas Islaamiyiintu waxay cadowga ka gubeen Afar Taangi oo kuwa culus ah, islamarkaana ay nolol ku qabteen wixii bakhtiyey mooyee, dagaaladda ayuu sheekhu sheegay in la filayo in ay si wayn u cuslaan doonaan saacadaha soo socda, Iyadda oo la filayo in dagaaladan lagu qabto Baydhabo.
Sheekha ayaa sheegay in Askartii laga qabtay ay sheegeen in dagaalka lagu soo qasbay, sheekha oo baaq u diraya askarta Itoobiyaanka ayaa yidhi "Isoo dhiiba, hubkiinana usoo gacan geliya Islaamiyiinta, annaguna waxaan idiin balan qaadaynaa Nolol wanaagsan in aad ku noolaataan", baaqan ayay goob joogu sheegayaan in ay suuragal tahay in ay ciidamadda Itoobiyaanka u dhagaraariciyaan.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa iyagu u diraya ciidamo xoojin ah goobaha dagaalku ka socdo, goortii uu dagaalku bilowday ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay 3500 oo askari ay u dhaqaaqeen halka cadowga lagula dagaalamayo.
Dagaaladda Koonfurta Oo Guulo
Laga Soo Hoyay.
Warar lagu kalsoonyahay oo ka imana Kenya ayaa sheegaya in Ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 74Askari oo Itoobiyaan ahi ay soo galeen gudaha dalka Kenya, kuwan oo isu dhiibay ciidamadda Keenya ee Mandheera, dad goob joog ah oo iyagu arkay askartaa ayaa tilmaamay in diif ba'ani ay ka muuqatay askartaa.
Askartani waxa ay sheegeen iin dagaalka lagu soo qasbay, islamarkaana aysan haysan wax daryeel ah, tanina ay ku dhalisay in ay isu dhiibaan ciidamadda Keenyta ugu yaraan si ay naftooda u badbaadshaan.
Baydhabo Oo Hareeraysan
Xoogaga Islaamiyiinta ee Soomaaliya ayaa xoogooda oo dhan isugu geeyeey sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen xarunta gobolka Bay ee halkaas oo uu ku suganyahay Hogaamiyaha Tabarta daran Cabdulaahi Yuusuf oo isagu hogaaminaya dagaaladan ay Itoobiyaanku kusoo qaadeen Soomaaliya, Islaamiyiinta ayaa xaqiijiyay in Idinka Illahay ay qabanayaan Magalaadda iyo inta ka hartay dalka sida ugu dhaqsaha badan.
Voy + NAgency.
___________
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |