"Islaamiyiinta Oo Guulo Waawaeyn Gaaray" Sh.Abu Zainab. Maqal+
Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda GUdaha Iyo Xadbeenaadka Soomaaliya & Itoobiya
Dagaalo xoogan oo afar wujhadood ah ayaa kasoo cusboonaaday gudaha Dalka Soomaaliya iyo xadbeenaadka gumaysigu asteeyay xiligii shanta loo qaybinayay Soomaaliya, wujhadan ayaa ay qayb ka tahay Daynuunaay oo gudaha Soomaaliya ah islamarkaana uu horay dagaal oga socday, saaka ayaa aagaa markale u dagaal xoogan ku dhexmarayaa maalintii Shanaad Xoogaga Islaamiyiinta iyo Tigre-ega naflacaariga ah ee ka taliya Itobiya.
Weli lama soo sheegin inta ay la egtahay dharbaaxada loo gaystay cadowga, waxaase la filayaa in ay soo bixi doonaan wararka la xidhiidha umuurtaa waqti aan sidaa usii fogayn, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysay goob joog ayaa sheegtay in imika Baydhabo si wayn loogaga qaxayo, sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in dhamaan xubnaha hay'adaha dowliga ah ka jooga Baydhabo ay saaka abaarihii 11:00 waqtiga baydhabo ay isaga bexeen.
Cadde Muuse Iyo Tigree Weeraray
Islaamiyiinta.
Bandiiradley ayaa iyadna ah meelaha uu dagaalku ka bilowday saaka, Nin u hadlay kooxda Cadde Muuse ayaa sheegay in ay iyagu dagaalka kusoo qaadeen Islaamiyiinta oo iyagu ku sugnaa Bandiiradley, dad goob joog ah oo ay wakaaladaha wararku soo xiganayeen ayaa iyaguna sheegayay in dhawaanahanba cadowga cusub ee Soomaaliya Tigre-egu ay ka dejinayeen magaaladda xarunta u ah Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ciidamo iyo saanad meletery.
Cadde Muuse ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo illo xog ogaal ah oo jaalkiisa ah in uu habsamida uu imika usoo horkacay Tigre-ega ay tahay dariiqii uu maray wadaygiisa hogaamiyaha tabarta daran Cadbulaahi Yuusuf, dadka gobolka in dhawaytaba waxa ay hadalhayeen in Cadde uu yahay magac u yaal ku simaya ninkii kursiga lahaa, arimahan ayaa hadaba la odhankaraa waxa ay marqaati buuxa u yihiin sidii malaha dadku ahaa.
Islaamiyinta ayaa balan ku qaaday in ay cadowga iyo dabadhilifkiisa jab dhabarka u suri donaan, aduunkana hadii nolol lagu qabtana ay ciqaab xanuun badan mutaysan doonaan, haday bakhtiyaanna Jahanamo lagu guri doono sida ku qoran qowlka Illaah.
Xaaladda G.Hiiraan Iyo
Xadbeenaadka.
Dagaalo kale oo xoogan ayaa iyaguna ka soconaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan Garacle, Xoogaga Islaamiyiinta ee aagaa dagaalka kaga jira ayaa iyagu ku sugan war-qumayo halka cadowgu uu ku suganyahay Sariiraale, baaxada dhulka u dhexeeya labada ciidan ayaan sidaa ukala fogayn oo waxaa lagu qiyaasayaa in ka yar 5Km.
"Illaa iyo hada waxay soo turayaan madaafiicda goobta anaguna waxaan sugaynaa in fooda la isdaro, Iinshaa Allah hadii dagaal walba oo aan la galno cadowgana waan oga adkaan doonaa" ayuu yidhi nin uhadlay Xoogaga Islaamiyiinta ee iyagu ku sugan Xadka beenaadka Soomaaliya.
Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa iyagu saf balaaran ugu jira sidii ay oga difaaci lahaayeen Tigre-ega iyo dabadhilifka soo hogaaminaya oo ay ugu horeeyaan Cabdulaahi Yuusuf-ka tabarta daran iyo Cadde Muuse oo ay imika muuqato in uu oga cadcadyahay Abaaha dhibaatadda Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf la dagaalanka Islaamka.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa iyagu ku teedan marka laga soo bilaabo Burdheele, jiracle iyo Sariiraale, Islaamiyiinta ayaa imika si wanaagsan oga caabinaya cadowga weerarada Islaamdiidka ah ay xulufadu kusoo qaadeen Dalka iyo Diinta.
Dadka deegaankaa ku dhaqan ayaa iyagu sida ay u dhanyihiin u dhaqaaqay dagaalka saaka markii uu bilowday wax yar un ka dib, arintan oo xataa Xooagaga Islaamiyiinta ka yaabiyay, waayo ma aysan ahayn arin ay sidan fudud u filayeen.
Voy + NAgency.
___________
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |