Sanadkii 1960Kii.
Con.Cabdulaahi Yuusuf oo imika todobaatan iyo dhowr jir ah(lama oga waqtiga rasmiga ah ee uu dhashay), waxa uu ku dhashay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa uu asal ahaan kasoo jeeda qabiilka Daarood oo isagu ku jira qabaa'isha waawayn ee Soomaaliya.
Con.Yuusuf waxa uu ahaa Nin Askarinimadda aad ugu caan baxay. Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayuu ku biidhay bilowgii dowladnimadii Soomaaliya sanadkii 1960kii.
Sanadkii 1969Kii.
Intii uu jidhay Con.Yuusuf waxa uu ahaa Nin Askarinimadda daacad u ah, dhowr jeer oo loosoo bandhigay in uu xilal ka qabto dalka, waqtigii ay qabsadeen ragii dhigiisa ahaa ee ay ciidanka ku wada jidheen sanadkii 1969kii ayuu gaashaanka ku dhuftay, oo uu arimahaa ka biyo diiday, waqtigaa oo shirqool lagu dilay ninkii dalka xiligaa madaxwaynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo isagu ku baxay gacanta nin kamid ah Illaaladii la socotay oo ay aad isugu dhawaayeen reer ahaan.
Diidmadan Con.Yuusuf ayaa loo aanaynayaa in ay qayb ka ahayd un isaga oo ahaa nin aan weligii ku qancin darajo ka yar in uu Madaxwayne dalka ka noqdo,
Con.Yuusuf oo iska soo taagay in uu ka qayb qaato Inqilaabkii uu Maxamed Siyaad Bare dalka ku qabsaday ayaa iyadna sababtay in xabsiga gudaha loo dhigo, laba bilood ka dib ayuu Siyaad Barre usoo bandhigay Jagadda in uu Soomaaliya safiir oga noqdo Jarmalka, arintanina waa ay u cuntami wayday Con.Yuusuf.
Con.Yuusuf ayaa Siyaad Bare u xabsiga kasii daayay sanadkii 1976kii, waqtigaa oo loo magacaabay in uu Mareeye Guud ka noqdo mid ka mid ah Hay'adihii dalka, Con.Yuusuf ayaa isagu dib ugu soo laabtay Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay Mihnadiisu ahayd sanadkii 1977kii, waqtigaa oo ay Soomalidu dagaal la gashay Itoobiya.
Dagaalkan oo aad loogu hoobtay, Itoobiyana ay Soomaalidu cashar ugu dhigtay ayay ciidamdii Soomaaliya u jirsadeen Xarunta Dalkaa Itoobiya ee Adisabab 30Km oo keliya, walow markii dambe uu Reer Galbeedku u hiiliyey oo hiil iyo hooba ku gadhgaadhay, tan oo sababtay in ay Ciidankii Soomaalida dib isaga soo laabtaan.
Sanadkii 1978Kii.
Con.Yuusuf ayaa uu galay damac ah in uu af-gembiyo Xukuumadii Siyaad Barre 9Kii April, 1978kii, isku daygan ayuu Con.Yuusuf ku fashilmay, Af-gembigan dhiicisoobay kadib ayuu Con.Yuusuf cago kaga baxsaday Gen.Maxamed Siyaad Barre oo dhagta dhiiga u daray dhamaan ragii Con.Yuusuf jaalkiisa ahaa ee ay kawada qaybqaateen Af-Gembigaa.
Xiligaa kadib waxa uu u cararay Kenya halkaas oo uu oga sii gudbay dalka Itoobiya oo lagu casumay, isaga oo la doonayay in looga faa'iidaysto budhbudhinta Soomaaliya, waxa uuna nasiib u yeeshay Con.Yuusuf. in uu noqdo ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee dalkii iyo dadkii Soomaaliya oo degan xabad ku riday, isaga oo garabsanaya cadowga weligii ee Soomaalida.
Itoobiya ayuu ka asaasay Jabhad ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya, tan oo sida badan dhaqaalaha ku baxa ay iska kaashaan jireen Maraykanka iyo Liibiya, waxa uu dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah in badanna ka waday xad beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo magaalooyin ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya, dagaaladan oo gaystay khasaare lixaad leh ayaa inta ugu badani ay soo gaadhayeen dadka uu kasoo jeedo Con.Yuusuf.
Sanadkii 1985Kii.
Badhtamihii sanadkii 1985kii ayaa goor barqa ah ciidamadii Itoobiyaanku cagta mariyay intii badnayd Ciidankii Jabhadda oo fadhiyay aaga Goldogob, islamarkaana ay qataan wxii qalab dagaal ay haysteen, ciidankaa intii ka badbaaday oo tiro yar ahayd ayaa iyagii oo dhaawac jiidanaya soo galay Goldogob, maalintaas ayaa ugu dambaysay jabhadii Con.Yuusuf oo ciidankeedu ahaa dhaliinyaradii G/W/Bari Soomaaliya.
Isla sanadkaa 1985kii ayay ciidankii xabashidu u taxaabeen Con.Yuusuf xabsi ku yaala Adisababa, halkaas oo uu ku xidhnaa intii u dhaxaysay 1985-1991kii, Con.Yuusuf ayaa uu xabsiga kasii daayay Zenawi-ga imika ka taliya Itoobiya, oo waqtigaa kacdoon shacbi ah kaga tuuray Xukunka Minigiste.
Con.Yuusuf ayaa Soomaaliya kusoo laabtay sanadkii 1991kii, waxa uu si balaadhan oga qayb qaatay dagaaladii sokeeye ee ka socday wadanka, kuwan oo bilowday kadib markii uu cadowga ku gulaystay budhbudhintii dawladii Soomaaliya oo uu Con.Yuusuf qaybta ugu wayn ka qaatay.
Waxa uu Con.Yuusuf ka qayb qaatay shirar badan oo looga gollahaa dib u heshiin, iyo sidi nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ahaa ninkii bud dhigay mabda'ii 4.5 ee Qabyaaladd in Maamulka dalka lagu qaybsado.
Shirarkaa kii ugu dambeeyey ee lagu qabtay Kenya ayaa Baarlamaan lagu sameeyey islafadhigaa, oo xubnihiisu inta badan ay kasoo jeedeen Dagaal oogayaashii Muqdisho, islamarkaana qabiil lagu soo xulay uu u doortay Con.Yuusuf in uu Madaxwayne u noqdo sanadkii 2006dii.
Voy + NAgency
___________
Jantuuska Qaab Dhismeedka Maxkamadaha Islaamiga ah. Daawo
UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |